Xukuumadda Somaliland oo Markii ugu horaysay Gurmad ufidisay Dadkii ka soo Barakacay Colaadda ka soo Cusboonaatay Deegaanka Ceelbardaale

 

 

 


Wafti balaadhan oo ay hogaaminayeen Wasiirradda Madaxtooyada iyo Khaarajiga ..............



Gabiley (TNN)-Xukuumada Somaliland oo markii ugu horaysay Deeq Raashin iyo agabka Guryaha iskugu jirta gaadhsiisay dadkii ka soo bara kacay Colaadii Deegaanka Ceel-bardaale, oo ay saba btay dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday Deegaanka Seemaal iyo deegaanka Ceel-barda ale

Wafti balaadhan oo ay Hogaaminayeen Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi X.Cali Xasan, Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha C/laahi Xuseen Cige (Black), Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, Badhasaabka Gobolka Gabiley Cali Aw Aadan Meecaad iyo Maayarka Caasimadda Gabiley Marwo Khadra X.Ismaaciil Yoonis (Khadra X.Gaydh).


Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo halkaasi Hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in ay Xukuumadu ogtahay Marxlada Deeg aanka Ceelbardaale oo lagu gudo jiro sidii Nabad Waarta looga dhalin lahaa Deegaanadaasi Cola adeedu soo noqnoqatay, Waxaana uu Sheegay in Xukuumadu Gurmadkan u Fidisay Dadkii ka so o barakacay Colaada ka taagan Deegaanka Ceelbaradaale isla markaana Xukuumaddu ku gudo jirto sidii Nabad loogu soo dabaali lahaa Deegaankaasi, gacantana loogu soo dhigi lahaa Dadkii ka danbeeyay Dilkii Foosha Xumaa ee ka dhacay deegaanka Seemaal.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi X.Cali Xasan oo isagu halkaasi kala hadlay Bar akacayaasha ayaa sheegay in Xukuumadu Aminga iyo gurmadka is barbar wadi doonto isaga oo xusay in ay Xukuumad ahaan Dadaal wayn ugu jiraan Sidii ay usugi lahaayeen Amaanka Dadka iyo Deegaanada Colaadu ka dhacday isla markaana sida ugu dhakhsaha badan loo soo afjari doono Shaqaaqada ka taagan Deegaanka Ceelbardaale.

Xukuumadda ayaa Maanta La Soo gaadhsiisay Barakaayaashan laga soo caydhsaday Guryohoo dii isla markaana laga Gubay Hoygoodii iyo Hantidoodii kuwaasi oo la siiyay Raashin iyo Agabka Guryaha, Barakacayaashan oo qiyaastii ka koobnaa illaa lix boqol oo qof ayaa si wayn ugu diir saday Gurmadkan Xukuumadu ufidisay, sidoo kale waxaa si wayn usoo dhaweeyay Deeqdan Dad waynaha ku Dhaqan Gobolka Gabiley oo uga Mahad celiyay Xukuumadda Gurmadka ay la soo gaadhay Barakacayaasha ku dhibaataysnaa Deegaanadaasi.
 

 

 


Guuleed M. Ibraahin

Timacade News Desk
Gabiley Office,Somaliland