Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Is Bedelka Ku Yimid
Xidhiidhka Ay Beesha Caalamka La Leedahay
Hargeysa (TNN) :– Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay
aragtideeda ku waajahan doodda la sheegay in Golaha Wasiirrada Kenya
ka doodi doonaan aqoonsiga Somaliland, waxayna xustay inay Caalamka
xaqa ugu leedahay aqoonsi caalamiya inay ka hesho.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji
Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa
ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Kenya waa dal aynu jaar nahay,
waa dad aynu xidhiidh dhinacayo badan leh leenahay, weftiyo culus
ayey marar badan inoo soo direen, inaguna sidaas si leeg weftiyo
ayeynu u dirnay, markaas inaynu xidhiidhke ena iyo iskaashiga aynu
leenahayna weynu sii adkaynaynaa, haddii ay qadiyaddeena iyo
aqoonsig eena ka doodayaan waanu soo dhaweynaynaa Kenya, Waddamada
aynu jaarka nahay iyo Caalam kaba inay inay ka marag kacaan
qaranimadeena iyo dawladnimadeena oo ay aqoonsiga aynu xaqa u
leenahay ina siyaan ayeynu ka rabnaa”.
Mar uu ka hadlayey is beddelka ku yimid xidhiidhka Somaliland iyo
Beesha Caalamka ayaa wuxuu yi dhi “Xidhiidh fiican baynu leenahay
Waddamada kale ee Caalamka, markaas mar walba diyaar aya anu u nahay
in xidhiidhka aynu la leenahay Caalamka sii laba jibaarno, maxaa
yeelay waxaynu nah ay dal jira oo jiri doona haddii Allaah yidhaahdo,
waxaynu nahay dal leh wax walba oo dal iyo dawl adnimo looga baahan
yahay, shuruudihii dal madax banaan looga baahnaana weynu buuxinay,
sid aas darteed halgan waxaynu ugu jirnaa sidii aynu aqoonsi
caalamiya u heli lahayn, iskaashigeena Diblamaasiyadeedna u sii
balaadhin lahayn, ee Shacabkeena reer Somaliland meel kasta oo ay
joog aan waxaan ku dhiirigelinayaa inay dalkooda ogaadaan, oo noqdaan
muwaadiniin qaranimadooda meel kasta ku soo bandhiga, waxaan ku
dhiirigelinayaa inay isku duubnadaan oo qarankooda meel uga soo wada
jeestaan”
Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika
|