Xukuumadda Somaliland Oo Baaq Qaylo Dhaan abaareed Udirtey Shacbi Weynaha.Qanacsatada Iyo Qurbajooga Somaliland...

 



Hargeysa (TNN)-Kulankan ay isugu yimaadeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo ay ku  weheli yaan Ganacsato iyo Culimo awdiin ayaa waxa ay baaq qaylo dhaan abaareed u direen  ganacsat ada iyo qurbo jooga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan sidii ay uga qayb qaadan  laha ye en gurmadka  taakul eynta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Kulankan xubnaha Wasiirada ah oo ka qabsoomay Wasaarada Shaqadda iyo Arrimaha bulshada ayaa ay masuuliyiintaasi kaga hadleen arrimo badan oo khuseeya sidii wax looga qaban lahaa  m eelaha ay  abaar uhu sameeyeen isla markaana degdeg looga gaadhi lahaa taakuleyn,iyaga oo  m asuuliyiintaasi sheegay in maalinta Axada ah ay si rasmiya u bilaabi doonaan taakuleynta iyo wixii loogu talo galey in loogu  dee qo dadka ay abaaruhu ku habsadeen.

Waxaana ay Xubnahaasi Golaha Wasiirada ahi daboolka ka qaadeen inay Mushaharkooda 20% u  qoond eeyeen inay ugu deeqaan dadka ay abaaruhu saameeyeen, iyaga oo bulshada iyo  muwa adiniinta reer Somalilandna ugu baaqey yar iyo weynba wixii ay ka gaysan karaan inay ka  gay staan.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadashay Wasiirka Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Marwo: ilhaan  Maxa med Jaamac oo iyada tilmaantay inay abaartu kala duwan tahay balse ta ugu daran ee maanta  dadkee nii haysataa ay tahay biyo la’aan sidaa daraadeedna loo baahan yahay inaynu feejignaan dheeraad ah u yeelano taakuleynta iyo wixii aynu ku dhaano dalkeena isla markaan qasnadii loogu talo galey  taakule ynta abaaruhu ay hadda ku jirto boqol kun oo Doller wasiirka oo arrimahaas ka hadlayana waxa  hadalad iisii ka mid ahaa “ Horta haddii aynu wax walba oo inala soo gudboonaada aynu isku dayno inaynu qaban karno waynu qaban karnaa, hadii aynu  ummad eena wixii ay dhibaato haysatana is taakuleyno illaahay wuu inoo naxariisanayaa roobk ana  illaa hay wuu inoo soo dadajinayaa markaa qof walba oo muwaadina waxa loga baahan yahay inuu gurmadkaa abaaraha ah wax kasta oo uu tari karo ugu deeqo  walaalaho oda ay abaaruhu ku  hab sadeen, goboladii barriguna raashiin iyo biyaba way u baahan yihiin dhulkiina waxa jira meelo ay caafimaad darro timid oo dawo way u baahan yihiin, warbaahinta lafteeda waxaanu doonaynaa inay ka qayb qataan oo ay ugu celceliyaan sidii ay ummadda meel u gaadhsiin lahaayeen.

Qaybintii taakulada abaarahana axada ayaa lagu heshiiyey in la bilaabo waxaanu rajeynaynaa inuu gurm adku soo gaadho Axada ka hor qasnada loogu talo galey abaarahana ay imika ku jiraan boqolkun oo  Doll er .

Waxa kale oo aanu ku heshiinay Golayaasha Xukumadda in 20% mushaharkooda gooyaan  markaa  waxa an leeyahay walaalayaal gurmadkaa aynu ka qaybqaadano waligeenba waynu isku  tas han jirnay  dhiba atada kumaynaan kala hadhin jirin maantana waxaynu doonaynaa inaynu  gar baha is qabsano.”

Waxaa isna halkaasi ka hadley Wasiirka Caafimaadka Dr: Xuseen Muxumed Maxmed (Xoog) oo sheegay inay maanta dadkeenii haystaan duruufo adag oo u baahan gurmad fara badan iyo taakuleyn aynu taakuleyno dadkeenaa maanta abaaruhu haystaan isla markaasna faqiir iyo taajirba u guntano sidii ay wax u tari lahayn dadkeenaa masalan oo kale haddii aynu min 1-Doller iska ururino dhamanteen waxbay u tareysaa wax weyna way u qabaneysaa waxaana hadaladii Wasirka k mid ahaa “ Waynu ognahay inay ayaamahan dalkeena ka jiraan duruuf adag oo dhinaca abaaraha ah siiba biyaha dawladu qadhaankii ay kaga qayb galeysay arrintaa biyo dhaamiska waa ay sheegtay waana ay diyaarisay si degdegana  toddo baadkan soo socda ayay uga hawlgelaysaa oo lagu sii bilaabi doonaa, ta kale ee ay dadweynaheenu  bixi nayaana way ku sii xigi doontaa fariinta aan dirayaana waxa weeye qof kasta oo inaga mida dadyahow hadii uu yar yahay iyo haddii uu weyn yahayba rag iyo dumarba, taajir iyo faqiirba waxaad awoodaan in aad arrintaa abaaraha kaalmooyin ka gaysan gartaan masalan oo kale min hal Doller oo aad iska  ururi saan ayaa wax weyn maanta ummadeena u qaban kara markaa waxaan leeyahay sidii aynu biriijka u dhisaney aynu ugu gurmano abaaraha.”

Sidoo kale waxa isna kulankaasi ka hadley Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr: Cabdi Aw Daahir oo carabka ku dhuftay inay meel adag mareyso xaalada abaareed isla markaasna ay marba mark ka danbaysa sii badanayaan Caruurta nafaqo darradu haysato, waxaanu Wasiirku baaq u direy Ganacsatada iyo qurba jooga reer Somaliland sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen taakuleynta dadka ay abaaruhu saameeyeen“ Xaalada maanta taagan waxa la soo sheegayaa in nafaqo darrada caruurtu meel adag gaadhayso 30%, xaaladaasi waa xaalad adag waa xaalad gurmad inooga baahan oo qof kasta oo reer Somaliland ah ku waajiba mid dibad jooga iyo mid gude  joog aba, aad baynu ugu wanaagsanahay biyo dhaamiska maanta baahidii cid kasta way taabatey meelo fara badana xoolihii way ka liicanayaan oo wa la soo sheegayaa, adhigii xoogiisii wuu  dha maaday geelii iyo lo’dii ayay mareysaa.

Walaalayaal ummadda reerSomaliland meel kasta oo ay joogaan ha isku taxaluujiyaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen abaarahaa dalkeena ku habsadey.”

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh: Khaliil Cabdulaahi oo isna hadalo kooban ka yidhi xaalada  aba araha  ay aa dhamaan imaamyada masaajidada ka codsadey inay labada jimce ee ugu  danbeeya ba ku celceliyaan baaqa qaylo dhaanta abaareed isla markaaana aaney ka caajisin.

Waxaana Wasiirku sheegay inay soo fureen akoonada Zaadka,Qaran iyo Dahabshiil oo ah  akoon ada  lo ogu talo galey taakuleynta abaaraha “ Sidii jimcihii dhawaa lagaga dhawaaqay masaajidada qaarkood  la mbarada Zaadka, Qaran iyo Dahabshiil inaanu mar labaad ka codsaneyno dhamaan imaamada  Masaajid ada ee dalka oo dhan inay jimacaha soo socda baaqii ugu celceliyaan  jimac ahana walibana go’ ay u dhigtaan oo qof waliba waxa uu bixin karo ku dhex bixiyo Masaajidka dhexdiisa.

ILLAAHAYna wuxu yidhi SWT “ War isku Naxariista Cirka ayaa laydiinka Naxariisanayaayee”

Guddoomiyaha Haayada Afooyinka Dabiicig ah ee Nerad Mr: Maxamed Muuse Cawaale ayaa sheegay in taakuleynta loogu tallo galey gurmadka abaaraha ay ballanqaadayaan inay bulshada u soo bandhigi doonaan wax kastaa meesha uu ku baxay iyo caddeyntoodii waxaanu sheegay haddii lays kaashado oo layska war hayo inaanay waxba xumaaneyn. “ Gurmadkan hirgelinteeda iyo socodsiinteeda waxa iska kaashadey Wasiiro,Ganacsato iyo culimo awdiin waxaanan ballan ku qaadeynaa inaad wixi aad bixisaan uu noqdo wax cad oo aanu daba galno halka la geeyay.

Haddeynu is kaashano waxba inaga xumaan mayaan shaqadiina way soconaysaa dadkeeniina wuu  dhar gayaa waliba mashaariic ayaynu ku dari karnaa.

Saadkii waanu furnay iyo akoonadii iyo qaranba.”

Sidoo kale waxa iyaguna madashaasi ka hadley ganacsato iyo culimo aw-diin oo dhamaantood baaq u  di rey ganacsatada iyo qurbo jooga reer Somaliland inay kaalin muhiim ka qaataan taakuleynta gurmadkaa abaaraha.



Waxaa kale oo iyana kahadley shirkaa jaraaid Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre{Sh.Dheeg} Iyo Sh. Kha dar oo kamid ah cullimada waaweyn ee Somaliland iyagoo dhamaantood kulla dardaarmey bulshada Somaliland iney ka qayb qaataan takuleynta dadkee abaaruhu saameeyeen…



Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqale_88@hotmail.com
Hargeysa Somaliland