Xukuumadda Somaliland Iyo Ururkii XAQSOOR Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Heshiiyeen





Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Yeeshay Xasan Ciise Jaamac


Hargeysa, 17 June,2013 (TNN):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaany) ayaa caawa kulan xarunta madaxtooyadda kula kulmay Guddoomiyihii Urur siyaasade edkii XAQSOOR Md. Xasan Ciise Jaamac.

Kulankaasi ka dib waxa isla caawa saxaafadda kula hadlay Madaxtooyadda Guddi ka kooban Xu kuumadda Somaliland iyo Urur siyaasadeedkii XAQSOOR, waxaanay shaaca ka qaadeen inay ku heshiiyeen inay iskaashadaan isla markaana uu najaxay kulamo muddo u socday laba dhinac.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mudane C/Casiis Maxamed Samaale oo ka mid ahaa xubnihii xu kuumadda u qaabilsanaa wada hadalada ay la lahaayeen XAQSOOR, ayaa shaaca ka qaaday inay ku guulaysteen wada haladoodii isla markaana ku heshiiyeen inay iskaashadaan.

“Sharaf weyn ayay noo tahay inaanu muddo dheer soo wadnay hawl culus oo dhanka xukuuma dda iyo dhanka ururkii XAQSOOR noo igmadeen annagoo ahayn guddi lix xubnood ka kooban oo min sadex xubnood ah. Hawshaasi caawa ayaanu soo gabo-gabeynay oo meel wanaagsan ayaanu soo gaadhsiinay. Waxaanay noogu dhammaatay si is-afgarad, walaaltinimo iyo is calool xaadhasho ah,”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Md. C/Casiis Maxamed Sammaale.

“Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyihii Ururkii XAQSOOR-na caawa way wada joogaan oo kulan ayay yeesheen,”ayuu yidhi Wasiir Samaalle.

Sidoo kale, Guddoomiye Ku xigeenkii koowaad ee Urur siyaasadeedkii XAQSOOR Md. Cali Maxam uud Axmed (Cali Sandulle) oo ka mid ahaa Gudidii wada hadalka u qaabilsanaa ururkaasi oo shir kaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inay mabdi’yan isku afgarteen XAQSOOR iyo xukuumadda Somaliland.

“Madaxtooyadda caawa waxaanu iskugu keenay Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland Mu dane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyihii Urur siyaasadeedkii XAQSOOR Md.Xasan Ciise Jaamac, waxa lagama maarmaan noqotay inaanu saxaafadda u sheegno inaanu labadayadaasi dhinac heshiinay oo is af-garanay. Waxaanu isku afgaranay xukuumadda qodobo muhiim ah oo mabdi’yan ah,”Ayuu yidhi Mudane Cali Sandulle.

Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee XAQSOOR sheegay “Waxaanu la socodsiinaynaa dadwey naha in wada hadaladii noo socday sadexda bilood ay noogu soo dhammaatay is afgarad oo hadal dambe iyo hawl dambe oo ka dabo imanaysaa midna jirin.”
 

 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland