Xukuumadda Siilaanyo oo ku guulaysatay inay noqoto tii ugu horreysay ee Lacag lagu beddalayo Giimbaarta gaadhsiisa magaalada Burco

 


Burco (TNN)- Lacagtii ugu horreysay ee ay Xukuumadda Somaliland ugu talagashay lagu beddalo lacag Soomaalida (Giimbaarta) ee laga isticmaalo gobollada Bariga, ayaa maanta la gaadhsiiyey magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.


Dhawr Gaadhi oo sida lacag Xukuumaddu dhawaan soo daabacatay oo dalka la keenay, ayaa suba xnimadii hore ee maanta gaadhay magaalada Burco, kuwaasoo lagu rogay Baanka dhexe ee Burco, isla markaana, sida la sheegay Berri loo qaban doono Xaflad lagu daah-furayo inta ay dhan tahay tiro ahaan iyo xaddiga lacageed ee loo qoondeeyey in lagaga beddalo dadweynaha reer Burco.

Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer ayaa ka mid ah, meelaha tobankii sano ee ugu dam beeyey la baaxaa-degayey dhibaatada ay ku hayso lacag Soomaalida laga isticmaalo gobollada Ba riga Somaliland sida Sool, Sanaag iyo Togdheer, iyada oo ay mar walba isticmaalka labada lacagay oow ee Somaliland iyo Soomaaliya khalkhal galiyaan dhaqaalaha iyo Baayac-mushtarka gobollad aas.



Xukuumaddii Daahir Rayaale ayaa marar kala duwan Miisaaniyadda ku dartay beddalaadda lacagta Giimbaarta ah, gaar ahaan in Burco laga beddalo, hase-yeeshee, haddana mar qudha kumay guul aysan in beddasho lacagtaas, balse Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa u muuqata mid iyad u ku guulaysatay beddalka lacagta Giimbaarta ee Burco sannadaha badan ka qaylinaysay.



Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee ay mid ka mida Xukuumadihii u kala dambe y ey Somaliland lacagta shilinka Somaliland gaadhsiiso magaalo-madaxda Gobolka Togdheer ee Burc o.



Source:Berberanews