Xukuumadda Samato-bixisay 77 Muwaadin Oo Ku Go’doonsanaa Markab Ku
Ciladoobay Badweynta
Hargeysa April 11th, 2011 (TNN)- Xukuumada Somaliland
ayaa saaka soo badbaadisay 77 muwaadin oo ay ku jireen 16 carruur
ahi oo ka soo qaxay qulqulatooyinka iyo kacdoona ka jira dalka Yeman
oo muddo shan maalmood ah ku go’doonsanaa xeebta deegaanka
Bulo-cadde ee galbeedka Somaliland ka dib markii markabka MV-Salaaxa-diin
oo ay saaraayeen uu matoorka ciladi ka soo gaadhay.
Ku Xigeenka Madaxa Badda Saleebaan Jawaase, oo isagu hoggaaminayay
kooxdii u gurmatay ee soo samato-bixisay dadkan oo ka hadlay
arrintan saaka ayaa isagoo faraxsan wuxuu yidhi “Anigoo ah Ku
Xigeenka madaxa waaxda Badda,waxaan ahaa ninkii u gurmaday markabkan
ee kaxaystay doonta la yidhaahdo Al-marwax, waxaan Berbera ka baxay
habeen hore saqdii dhexe waxaanan dadkan markabku ka ciladoobay aan
ugu tagay meel biyaha Saylac ah, Alxamdulaah waanu ku guulaysanay
inaanu soo kaxayno markabkan oo Geer bogosku ka jabay. Waxaanan
saaka ku soo xidhanay dekada Berbera 6:30 subaxnimo”
“ILAAHAY mahaddii dadku way wanaagsan yihiin waxba ma qabaan, markii
hore ciidanka Ilaalada xeebaha ayaa dadka u gurmaday oo biyo iyo
cunto gaadhsiiyay. Markii dambena waxaanu hagaajinay xadhkihii
markab kale markabkan ciladoobay ku soo jiidi lahaa. Waxaan leeyahay
arrintaasi ILAAHAY wuu nagu guuleeyay waana aanu badbaadinay
markabkan oo aanu mar ka shakinay oo aanu is nidhi wuu degi
doonaa,”ayuu yidhi
Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Md. Cabdilaahi
Jaamac Cismaan (Geel Jire) oo isagu saaka abbaaro 6:30 subaxnimo
goob joog ka ahaa markii markabkaasi ku soo xidhay Marsada Berbera,
ayaa tallaabadan dadka lagu badbaadiyay ku tilmaamay guul weyn oo
Somaliland gaadhay.
Wasiirku wuxuu ugu horayn u mahad celiyay Ha’yadaha dawlada ee ka
qeyb galay gurmadka samato-bixinta waxaanu yidhi “Waxaan u mahad
celinayaa Hayadaha xukuumiga ah ee gobolka Saaxil ee ka qeyb
qaadanaya gurmadka badbaadinta ah ee aynu saaka goob jooga ka nahay.
Waxaan uga mahad celinayaa siday u abaabuleen shaqadan oo dadkan wax
loogu qaban lahaa, loona badbaadin lahaa. Anigu sadex cisho ayaan ka
warhayay laakiin waxa la sheegayaa inay shan cisho dadkani ku jireen
badda oo ay ku dhibaataysnaayeen. Waxa saaran 77 qof marka lagu daro
shaqaalaha markabka.
Dadku way wada caafimaad qabaan ILAAHAY mahadii, waxa naloo sheegay
in afar qof xanuunsanayaan. Waxa dadka halkan (dekada) lagaga
qaadayaa basas, waxa la geynayaa Huteel loo sii diyaariyay
alaabtoodiina baabuur ayaa loogu qaadayaa. Ka dibna waxa la eegayaa
dadka xanuunsanaya ee cisbitaal u baahan iyo dadka kale.”
Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo ka
hadlay halkaasi wuxuu yidhi “Markabkani shan maalmood ayuu cadilnaa
markii u horaysayba waxa lala soo xidhiidhay maamulka dekada,
iyaguna way nala soo socodsiiyeen. Ka dibna waxaanu halkan uga
dirnay gurmad uu hoggaaminayay sarkaal ka tirsan Maamulka Badda,
waxaanu tallooyin siinayay kabtanka Markabka ka dibna waa la soo
badbaadiyay oo waa la soo riixay isagoo raran oo dad badanna saaran
yihiin.”
Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Maareeyaha Dekada
Berbera,waxaanu sheegay in arrintani tahay guul weyn oo u soo
hoyatay maamulka Dekada Berbera.
Sidoo kale,waxa u mahad celiyay maamulka Somaliland xubno ka mid ah
muwaadiniintii laga soo badbaadiyay markabkaasi, waxaanay ka
warameen marxaladihii ay soo mareen muddo shan cisho ah oo ay ku
rafaadsanaayeen Badweynta.
Waxa ka qeyb galay gurmadkan oo dadka caafimaadkooda baadhayay
maamulka Caafimaadka Gobolka Saaxil, halka Wasaarada Kalluumaysiga
iyo maamulka Gobolkuna dedaal weyn u galeen hawshan.
Source:Somaliland.Org
|