Xukuumadda oo Xasan Ciise ka Codsatay inuu ka dajiyo Duu faanada siyaasadeed ee ay Xaq-soor iyo Beeshiisu ku wadaan Xukuumadda


 


Madaxweyne Siilaanyo oo habeen hore u gudiyay Wasiirkiisa Madaxtooyadda guriga Xasan Ciise...


Hargeysa(TNN) Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Xirsi Cali X Xasan ayaa Habeen hore kulan qarsoodi ah gurigiisa kula yeeshay Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedkii Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac ee ku hadhay Doorashadii Golaha Deegaanka ee ay ku soo baxeen Xisbiyada Kulmiye, UCID iyo Wadani.

Lama oga fariinta uu Wasiirku u geeyay Xasan Ciise Jaamac, hase yeeshee ilo wareedyo Waaheen uga waramay kulankaasi ayaa sheegay in uu Wasiirka Madaxtooyaddu ka dalbaday Urur siyaasadeedkiisa Xaqsoor inay wadahadal la furto Xukuumaddu si ay xal ugu hesho Duufaanada Siyaasadeed ee ay ku kiciyeen iyaga iyo Beesha uu ka soo jeedaaba.

Xasan Ciise ayaa warku sheegay in uu Wasiirka u bandhigay go’aan uu kalidii gaadhi karaa inaanau jirin, balse xalka ugu dhaw ee uu Codsiga Xukuumadda ku furdaamin karaa tahay oo kali ah in uu Guddi u saaro, taasoo kala xaajoon doonta tabashada ay Xukuumaddu Wadato, maadaama ay baaqyadoodii hore dhagaha ka furaysatay.

Wasiirka Madaxtooyadda ayaa la sheegay inuu u guuxay soo jeedinta Xasan Ciise, waxaana la filayaa in uu isla manta Xasan Magacaabi doono Guddi ka socota Ururkiisa, balse lama oga Xirsi dhinaciisa raga u dhigma ee uu u diyaarin doono si ay wadahadal ula furaan Reer Xaqsoor.

Xukuumadda Somaliland gaar ahaan Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ah Hogaamiyaha Xisbiga talada Dalka haya ayaa tiraba laba jeer kala masuugay Xasan Ciise haddiiba uu diidan yahay Natiijadii Doorashada inuu ku soo jiito Qudbado uu Fagaarayaal ku maamuusay Guddoomiyayaashii Ururadii hadhay gaar ahaana sadexdii Urur ee Ummada, Rays iyo Dalsan.

Sidoo kale, marna Xukuumadda uu hogaamiyaha ka yahay may garawsan in ay si dadban ula xidhiidho si aanay xaraarada cadhadoodu u gaadhin tii gayaysiisay Guddoomiyihii Urur siyaasadeedkii NPP Foosiya X Aadan oo markii ay Gar iyo Garawshiiyaba kala quusatay isku madalufisay Somali weyn, taasoo saamayn Taban ku keentay siyaasadeediinii Arrimaha Dibeda.

Tan iyo intii Urur siyaasadeedka Xaq-soor bilaabay Ololaha ka dhanka ah Xukuumadda waxa ay xalka ka raadinaysay beesha uu Xasan Ciise ka soo jeedo , iyadoo Raas Raas habeen kasta Hormo ahaan loo keeni jiray balse aakhirkii waxa ay ogaatay Utunteeda siyaasadeed inaanay Oolin Reerka’e ay ku xidhan tahay Urur Siyaasadeedka Xaq-soor oo sidii Xasan Ciise Sheegi jiray Barri iyo Galbeed koobsaday.

Si kasta ha ahaatee Talada Xukuumadda ayaa u muuqata wadahadalada ujeedada ugu weyn ee ay ula furaysaa inay tahay sidii beesha Ciise loogu soo dabaali lahaa xayndaabka Siyaasadeed ee Dalka oo ay si cadho leh uga sii fogaanayaan Maalinba mkaalinta ka danbaysa. Dhinaca kalena waxa ay arrintani mugdi galinaysaa koox hore uga tirsanaan jirtay Kulmiye oo ka quusatay balse dani imika badaysay.
 

 

Source:Waaheen