Xukuumadda oo
Warbaahinta ku bogaadisay xuska maalinta Saxaafadda Somaliland
Hargeysa (TNN):- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka
iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
ayaa dhammaan saxaafadda dalka ku bogaa disay sanad-guurad guurradda
15-aad ee xuska maalinta Saxaafadda Somaliland oo Sabti da Beri ku
beegan.
Wasiirka Warfaafintu waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu
galabta ka soo bax ay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxaanu u
dhignaa sidan:-
"Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta
Somaliland Mudane Cabdila ahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa uu
dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan Saxa afadda Somaliland oo
uu ku bogaadinayo 15-guuradda ka soo wareegtay xuska maalinta
saxaafadda Somaliland.
Wasiirka Warfaafintu waxa uu xuskaas awgii dhambaal hambalyo
gaadhsiinayaa dhammaa n noocyada kala duwan ee warbaahinta dalka oo
uu u rajeeyay inay sanadkan sanadkiisa kale ku gaadhaan horumar iyo
waddaniyad. Waxaanu xusay in madax banaanida Saxaafa dda Somaliland
ay tahay mid aan la dafiri Karin oo Somaliland ku kasbatay sumcad
iyo shar af aynu kaga duwan nahay inta badan dalalka afrikaanka iyo
dunida sadexaadba.”
Geesta kalena Wasiirka Warfaafintu waxa uu khudbad ka jeedin doonaa
Sabtida beri muna asibada xuska maalinta Saxaafadda Somaliland,
isagoo ka warami doona maraaxilkii kala duwanaa ee Saxaafadda dalku
soo martay iyo kaalintii tognayd ee ay ka qaadatay nabad eyntii iyo
dib u dhiskii dalka 22 kii sanadood ee la soo dhaafay, maadaama oo
uu ka mid ah aa shakhsiyaadkii hormuudka u ahaa ee bilaabay
Saaxafadda dalka.
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland |