Xukuumadda oo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Wa siirka Arrimaha Dibada u dirtay aaska Guddoomiyihii Baanka Jabuuti

 



Weftigan waxay Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo dawladda Jabuuti gaadhsiinayaan dhambaal tacsi.............


Hargeysa (TNN – Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa maanta u kicitimay dalka Jabuuti oo ay kaga qeyb gala yaan aas qaran oo Jabuuti loogu samaynayo ALLE ha u naxariistee Guddoomiyihii Baanka dh exe ee Jabuuti Marxuum- Jaamac Maxamuud Xayd oo xalay ku geeriyooday cisbitaal ku yaa la magaaladda Nairobi.

Weftigan waxay Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo dawladda Jabuuti gaadhsiinayaan dhambaal tacsi ah oo ay ka sidaan madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).


Weftigan waxa xubno ka ahaa marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Xaaji Max amed Jirde, Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Warfaafinta, Abiib Diiriye Nuur, Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aa dan, oo ka wakiil ah Madaxweynaha, shacabka iyo dawladda Somaliland ayaa kala qayb qaa dan doona shacabka iyo dawladda dariska ah ee Jabuuti Aaska qaran ee loo samaynayo marxuumka.
 

 


Khalid Ibraahim
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland