Xukuumadda oo siiddeysay Maxamed Xasan Yoonis oo saddex cisho u xidhnaa eedeyn culus

 


Hargeysa(TNN)- Wiil uu dhalay Taliyihii hore ee Ciidammada Qaranka Somaliland Marxuum Xasan Yoonis Habbane, ayaa Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa, ayaa shalay galab la siiddaayey, ka dib markii uu halkaa muddo saddex maalmood ah ugu xidhnaa eedayn la xidhiidha sida uu sheegay shir qool ka dhan ah Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada Somaliland.


Maxamed Xasan Yoonis Habbane oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa shalay si jujuub ah lo oga soo saaray Saldhigga dhexe ee Booliska Caasimadda Hargeysa oo uu saddex maalmood ku xidhann aa, ka dib markii uu diiday inuu ka baxo Saldhigga. Isaga oo muddo saacado ah ku adkaystay inaanu ka baxaynin Saldhigga uu ku xidhan yahay illaa inta lagu soo caddeynayo dambiga uu galay ee lagu soo x idhay iyo waxa lagu haysto.


Warka Xadhiga Maxamed Xasan, oo shalay Wargeyska Ogaal oo Shabakadda Berberanews ka soo xigt ay baahiyey, ayaa si weyn u saameeyey dawladda iyo qaybaha bulshada, isla markaana Masuuliyiin ka la duwan oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa si weyn uga hawlgalay siiddeynta Maxamed Xasan Yoonis, kuwaasoo shalay galinkii dambe ugu tagay Saldhigga dhe xe si loo soo daayo, ka dib markii ay Xukuumaddu go’aansatay sida la sheegay in la siiddaayo Wiilkaas. Sida ay Wargeyska Ogaal u xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ahaa markii la siidaynayey, in uu diiday inuu dibadda uga soo baxo Saldhigga dhexe ee Hargeysa.



Hase-yeeshee, warku wuxu intaa ku daray, markii uu Wiilkaasi Masuuliyiin tiro badan oo ka kala socday
Xisbiga KULMIYE, Xukuumadda iyo eheladiisa oo muddo saacado ah beryey, isla markaana ku maslaxay ey inuu ka soo baxo Saldhigga, in ka dib Taliyaha guud ee Ciidammada Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani uu u yimi. Waxaana la sheegay in markii uu cid kasta diiday Wiilkaasi in Taliye Taani si jujuub ah uga soo saaray Saldhigga dhexe ee Booliska Hargeysa.



Inkasta oo aannu isku daynay inaannu Taliyaha Ciidanka iyo Maxamed Xasan Yoonis laftiisaba arrintaas siiddeynta iyo halka uu ku dhammaaday ama xalka looga wareegay kiiska loo haystay, ayaanay noo suuragalin, ka dib markii aannu labadoodaba ku guulaysan weynay xalay inaannu khadka taleefannado oda ku helno.



Si kastaba ha ahaatee, Maxamed Xasan Yoonis, ayaa sheegay in lagu soo eedeeyey kiis la xidhiidha inuu Baabuurkiisa Hub ku qaado, isla markaana Zaadka Mobile-kiisa gacanta loogu soo diray lacag gaadhaysa 5,000 Doollarka Maraykanka ah oo uu tilmaamay in loogu sheegay inuu ku fulinayo hawlgal uu doonayo inuu ku dilo Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, balse illaa hadda dhinaca dawladda Cid kiiskaas ka hadashay inuu sidaas yahay iyo inuu ka duwan yahay ma jirto.



Source: Berberanews