Xukuumadda Oo Ka War-bixisay Kullan ay Kenya Kula Yeelatay Dawladda Qatar




 

Hargaysa (TNN):- Wasiirka wasaradda qorsheynta qaranka Dr. Sacad Cali Shirre iyo Wasiiru da wlaha maaliyadda Cismaan C/laahi Saxardiid (Cadaani) ayaa faah-faahin ka bixiyay safar ay dh awaan ku tegeen dalka Kenya gaar ahaana magaaladda Nairobi, kaasi oo ay muddo laba maa lmood ah ku maqnaayeen.

Weftigan ka socday Somaliand ee booqashadda todobaadkii hore ku tegay dalka Kenya oo dor aad dalka dib ugu soo laabtay, Dr. Sacad Cali Shirre oo xalay khadka telefoonka ugu waramaya y wargeyska DAWAN isaga oo joogay Hargeysa, ayaa sheegay in ujeedada safarka ay Nayro obi ku tegeen uu ahaa mid ay hay’adaha deeq-bixiyeyaasha aha kagala hadlayeen mashruuca loo yaqaano maareynta maaliyadda guud iyo inay kala hadlaan sidii loo dhaqan gelin lahaa barn aamijkii New Deal-ka ee ay Somaliland deeq bixiyeyaasha u gudbisay.

Wasiirku isaga oo ugu horayn ka hadlaya u jeedada safarka ay Kenya ku tegeen, waxa uu yidhi “Annaga oo wefti ah ayaanu tagnay magaaladda Nayroobi ee dalka Kenya, weftigaasi oo ka ko obnaa saddex xubnood oo kala ahaa aniga, wasiiru dawlaha maaliyadda Cismaan C/laahi Saxar diid iyo nin khabiir ah oo la yidhaahdo Dr. Maxamed Samater, U jeedada aanu Nayroobi u tagn ay waxay ahayd laba arrimood, midi waxay ahayd in aanu kala hadalno deeq bixiyeyaasha mas hruuca la yidhaahdo BSM ama maareynta maaliyadda guud iyo in aanu kala hadalno deeq-bixi yeyaasha anaga oo daba joogna mashaariicdii iyo barnaamijkii aanu u gudbinay ee New Deal-ka loo yaqaano, in aanu ka daba tagno sidii loo dhaqangelin lahaa loona xajiin lahaa”.

waxa kale oo uu sheegay wasirku in mudadii ay joogeen Nayroobi inay la kulmeen masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen safiir ku xigeenka Jarmalka u fadhiya Kenya, Safiirka Qadar ee Nayroobi, saraakiil ka tirsan ururka Midawga Yurub, hay’adda Ingiriiska u qaabilsan horuma rinta iyo deeaha iyo masuuliyiin ka tirsan baanka aduunka.

“Intii aanu joognay Neyroobi waxaanu la kulanay safiir ku xigeenka Jarmalka u fadhiya magaal adda Nayroobi iyo laba sarkaal oo ka tirsan xafiiskaasi, waxa kale oo aanu soo marnay safaara dda Qadar oo aanu la kulanay safiirka, waxa kal eoo aanu la kulanay saraakiil ka tirsan Midawg a Yurub oo aanu xafiiskooda ugu tagnay, waxa kale oo aanu kulanay hay’adda horumarka iyo deeqaha Ingiriiska ee loo yaqaano DfID, waxa kale oo aanu la kulanay World Bank-ka saraakiil ka tirsan” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in ay safiirka dawladda Qadar u fadhiya Nairobi inay kala ha dleen sidii ay Somaliland uga caawin lahaayeen dhinacyadda cuntadda, biyaha, caafimaadka iyo in dawladda Qadar ay dhisto cisbitaalka Hargeysa. Waxaanu yidhi “Safiirka Qadar waxaanu kala hadalnay sidii ay noo taageeri lahaayeen ama inoo caawin lahaayeen, waxaanan uga waranay wadanka iyo xaaladiisa, waxyaabaha aanu ka dalbanay inay naga caawiyaan waxa ka mid ahaa xagga isku filaanshaha cuntadda xagga tamarta, biyaha, caafimaadka, gaar ahaana waxaanu si cad u waydiisanay in ay noo dhisaan cusbitaalka guud ee Hargeysa”.

Wasiirka ayaa si aad ah ugu mahadnaqay weftigii ka socday baarlamaanka Kenya ee dhawaan booqashadda ku yimid Somaliland, oo uu sheegay inay si balaadhan u soo dhaweeyeen weftiga uu hogaaminayay markii ay tegeen magaalada Nayroobi.

Isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaanu uga mahad sheeganaynaa weftigaa baarlamaanka Kenya ka socday ee ay hogaaminaysay gabadha la yidhaahdo ee Soma liland dhawaan yimid, waxaanay nagu marti qaadeen hudheel aad iyo aad u qurux badan oo la yidhaahdo Winter Central Poll Club, halkaasi oo aanu maalin la joognay, ninka hudheelka leh laftiisa waanu la kulanay, markaa soo dhawayn wanaagsan ayay noo sameeyeen weftigaasi baarlamaanka Kenya ee dhawaan Somaliland yimid”.

Dr. Sacad Cali Shire oo aanu waydiinay weftiga ka socday baarlamaanka Kenya ee Somaliland yimid sida uu dareenkoodu ahaa markii ay Kenya ku noqdeen iyo aragtidii ay Somaliand markii hore ka haysteen iyo waxa ay ku arkeen markii ay yimaadeen, waxa uu yidhi “Dareenkoodu wuxuu ahaa mid aan erayo lagu soo koobi karin, waxay arkeen iyo waxa ay filayeen wax aad iyo aad u kala fog ayay noqdeen, markii ay Kenya ka soo baxayeen waxay sheegeen in loo baqayay oo Illaahay ayaa la noo baryayay in aanu nabad ku soo noqono, markii ay wadanka yimaadeena waxay arkeen wadan degan oo xasiloono, oo dadku ay soo dhaweeyeen, waxay arkeen dad soo wada jeeda oo midaysan, oo wada shaqaynaya, waxay arkeen fursado maalgashi oo fara badan, waxay la kulmeen jaaliyadoodii halkan joogay, markaa weftigaasi aad ayay ugu riyaaqeen waxyaabihii ay Somaliland ku arkeen”.



XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN