Xukuumadda Oo Ka Hadashay Rabshaddaha Khasaaraha Dhaliyey Ee Ka Dhacay Hargeysa


 

 


Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo taliyaha ciidanka booliska Cabdila ahi Fadal Iimaan oo...........


Hargeysa (TNN) - Xukuumada Somaliland ayaa maanta marki u horeysay ka hadashay shaqaaqo oyinka xalay iyo maanta ka dhacay degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa oo ay ku dhinteen laba qof kuna dhaawacmeen illaa 7 qof.

Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo taliyaha ciidanka booliska Cabdilaa hi Fadal Iimaan oo maanta Warbaahinta la hadlay,ayaa ka digay khatarta muranka siayasadeed ee ka dhashay ee najiitadii doorashada ee xalay lagu dhaawaqay.


Wasiir Duur waxa uu sheegay in ay xukuumadaka shaqaysay sidii Sallaadiinta iyo madaxda uru rka Xaqsoor u dejin lahaayeen xiisada taagan, waxaana uu dadka taageera ururka ugu baaqay in ay kicin qalalaase, isaga oo amaanay guddoomiye Xasan Ciise Jaamac.


“Runtii waxa aanu ilaa xalay ka shaqaynaynay in aanu helno Salaadiinta iyo Hogaanka Urur-siy aasadeedka Xaqsoor oo runtii ah nin dalka u soo halgamay, markaa waxa aanu doonaynay in ar rinta halkaas aanu ku dhammayno oo si dublamaasiyadeed arrinta loo dhammeeyo. Xasan Ciisan na waxaan leeyahay samcada haka dilinna, kuwa leh mudaharaad dhiga ee TV-yada ka hadlaya na waxaan leeyahay Addeer ka daaya” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Taliyaha ciidanka booliska Cabdilaahi Fadal, ayaa sheegay in mudaharaadyada lagu baaqay ay sii xumayn doonaan xaalada hadda oo qasan, isla markaana loo baahan yahay in ay la joojiyo xasar adaha .


Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland