Xukuumadda oo iska fogaysay masuuliyadda cabashada Doorashada, hadana ku faantay qabsoomideeda

 

 


Wasiirka Arrimaha Dibada oo sheegay inay Somaliya iyo Somaliland isu muujiyeen in la sii wa do wada-hadaladii u socday......


Hargeysa (TNN)-Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale iska fogaysay Masuuliyad daradda Doorashada Golayaasha deegaanka, kuna riixday Guddida Doorashooyinka Qaranka oo ilaa hada ka jawaabi la’ sababta keentay Khaladaadka muranka badan dhaliyay ee Doorashada.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar oo la hadlay laanta afka Somaliga ee BBC-da ayaa ku dooday in muranka Doorashada Iyo Khaladaadkii dhacayba ay masuuliyadeeda leeyihiin Komishanka Doorashooyinka oo uu tilmaamay in xil ka saraanyahay dhamaan arrimaha Doorashada “Doorashada Golayaasha deegaanka tirinta codadkeeda, maamulkeeda iyo dhamaan wixii ku shaqo leh Doorashooyinka waxa Masuuliyad gaara ah u leh oo maamulaya Guddida Doorashooyinka Qaranka ee loo yaqaano iyo Hay’ado kale oo farsamo ula shaqeeya. waa runtaa oo Doorashada ka dib waxa jiray Cabashooyin Ururadda Qaar kaga cabanayaan doorashooyinka, cabashooyinkaasina waa kuwo la gudboon Guddida Doorashooyinka oo ku shaqo leh, waxa kale oo u furan Ururadda cabanaya Hay’adaha Garsoorka oo ay tahay inay Ururadda cabanayaa u gudbiyaan cabashadooda, si nidaamka waafaqsana hawshooda loo eego”ayuu yidhi.

Wasiir Cumar waxa kale oo uu tilmaamay inay aad ugu faraxsanyihiin Xukuumad ahaan qaa bkii ay Doorashadu u dhacday iyo sida ay Shacbiga reer Somaliland diyaarka ugu yihiin inay muujiyaan rabitaankooda dhanka Dimuquraadiyada, isagoo xusay in Goob-joogayaashii Caa lamiga ahaa ka markhaati kaceen hanaankii ay Doorashadu u dhacday “Somaliland waxay mar kale muujisay iyada iyo shacbigeeduba sida ay diyaarka ugu yihiin inay si Dimuquraadiya codkooda u dhiibtaan oo wax u doortaan si xora oo xalaalana u codeeyaan. dhinaca kale Guddidii Goob-joogayaasha ahaa ee Doorashada ka qayb galay ee Caalamka ka socday War-bixintoodii hor dhaca ahayd waxay ku cadeeyeen in Doorashadii Golaha Deegaanku u dhacd ay si xor ah oo furan, xukuumad ahaana waxaanu aad ugu faraxsanahay in Doorashadaasi si amni ah oo Wanaagsan u dhacday, hase ahaatee Cabashooyinkii ka soo baxay waxa gacan ta ku haya Hay’adaha Dastuuriga ah eek u shaqada leh, oo ay ka mid yihiin Komishanka Door ashooyinka iyo Maxkamaduhu”.

Wasiirka arrimaha Dibada Somaliland mar uu ka jawaabayay tuhunadda laga qabo in Weftiga Madaxweynaha Somaliland hogaaminayo ee Jabuuti joogaa la kulmi doono dhigooda Somal iya, waxa uu sheegay in Somaliland iyo Somaliyaba muujiyeen inay muhiim tahay in la sii wado wada hadaladii labada dhinac u bilownaa, hase ahaatee aan wali laysla waafaqin xiliga dib loo bilaabayo iyo meesha lagu kulmi doono toona“Shirkani wuxuu ahaa shir lagaga hadlayo qorista afka Somaliya iyo dhaqanka ee muu ahayn shir lagaga wada hadlayo arimo dhanka siyaasada ku saabsan, sidaa awgeed wada hadalkii hore loogu baaqay inuu dhex maro Somaliland iyo Somaliya may ahayn halkani meel lagaga wada hadlayay, laakiinse wada hadalkaasi waxay muujiyeen in dib loo bilaabo, hase yeeshee wali wakhtigii uu furmi lahaa iyo meeshii uu ka furmi lahaa layskuma raacin oo arintaasi waa arin wali dhiman, laakiinse muraadka ay Somaliland halkan u timi waa arintaa afka Somaliga ee dawlada Jabuuti marti-gelisay”.

 

 


Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland