Xukuumadda oo Casho sharaf ku sagootiday Xoghayaha Guud ee Urur Gobolleedka IGAD

 



Hargeysa (TNN) – Xukuumadda Somaliland ayaa xalay Casho sharaf ku sagootiday Xoghayaha guud ee ururka IGAD Mr Maxbuud Macalim, maalmahanba dalka booqasho ku joogay

Casho sharaftan oo uu u sameeyeyb Wasiirada arimaha dibedda Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo waxa ka qaybgalay Madax ka tirsan xukuumadda iyo golaayasha qaranka waxaanay weftigu uga mahadnaqeen masuuliyiinta Somaliland soo dhawayntii fiican ee ay kala kulmeen tan iyo markii ay ka soo dgeen madaarka caasimada Hargeysa.

ujeedada safarkan ay ku yimaadeen dalka weftigan uu horkacayo Xoghayaha guud ee urur  gobolle edka IGAD oo noqonaya kii ugu horeeyey ee uu ku yimaado JSL tan iyo markii ay gooni isu taaga ku dhawaaqday sannadkii 1991-kii, ayaa lagu sheegay inay tahay mid la xidhiidha la wareegida dugsiga sare ee ku yaala degmada Sheekh oo ay hore gacanta ugu hayn jirtay ururka midowga Afrika, taas oo la sheegay in wixii hada ka dambeeya ay gacan ku hayntiisa si rasmiya u la wareegi doonaan  ur ur gobolleedka IGAD.

Sidoo kale waxa la sheegay in urur gobolleedka IGAD ay Somaliland ka caawin doonaan dhinaca  tay eynta waxbarashada, iyagoo macalimiinta dalka tobobaro kor loogu qaadayo aqoontooda siin  doon aan si waxbarashada Somaliland u noqoto mid tayadeedu aad uga sareeyo meesha ay hada taagan tahay.

Dhanka kale, xubnaha golaha wasiirada ee xukumada Somaliland ka tirsan ayaa sheegay inay aad  u gu faraxsan yihiin imaanshaha dalka weftigan ka socda dalalka urur gobolleedka IGAD, taas oo ay ku tilmaameen inay tahay fursad wanaagsan oo wax weyn ka tari doonta hanaanka lagu raadiyo  ictir aafka Somaliland, maadaama uu weftiga hogaaminayo xoghayaha guud ee ururkaas oo matalaya dh ammaan dalalka ka mid ka ah ururka IGAD.

Weftiga, ayaa kulano kala duwan la yeeshay masuuliyiinta kala duwan ee xukumada Somaliland muddadii ay ku suganaayeen dalka.


Source:Waaheen