Xukuumadda Oo Beenisay In Weftiga UN-ka ee Socdaalka Ku Jooga Dalku
ay u socdaan Shirka London

“Waxay u socdaan Xafiiskii UNPOS oo la Baabiinayo, laguna Bedelayo
Xafiis Cusub”
Hargeysa (TNN)- Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo
iskaashiga caalami ga ah ee Somaliland Mudane Mawliid Maxamuud
Ibraahim, ayaa waxba kama jiraan ku tilm aamay war sheegayay in
wefti ka socday qarramadda Midoobay oo socdaal shaqo ku joo ga
Hargeysa ay xukuumadda kala hadlayaan go’aankii ay ku qaadacday
shirka lagu wado in Ingiriisku Soomaaliya ugu qabto Magaaladda
London sidii beesha caalamku u taageeri lahayd dawladda dalkaasi
laga sameeyay.
Wasiir ku xigeenku waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyay ujeedada
wefti lix xubnood ka koob an oo ka socda xarunta dhexe ee
qarrammadda Midoobay ku leedahay magaaladda New-york ee dalka
Maraykanka.
Mudane Mawliid Maxamuud Ibraahim waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi
uu xalay siiyay Tifaftiraha Guud ee Wargeyska DAWAN Cumar Maxamed
Faarax, waxaanu si adag u beeniy ay in weftigan ka socda UN-tu ay
Xukuumadda kala hadlayaan sidii Somaliland uga noqon lahayd
go’aankii ay ku qaadacday shirka Ingiriiska, isagoo arrintaasi ka
hadlayayna wuxuu yidhi “Waa been waxba kama jiraan weftigan ka socda
UN-ta ee socdaalka sadexda maalm ood ah ku jooga Somaliland ajandaha
ay u socdaanba arrintaasi kuma jirto. Mana khusayso Wasaaradaha iyo
madaxweynaha oo ay la kulmayaan-na lama soo qaadayaan wax arrint
aasi ku saabsan.”
Wasiir Ku xigeenku Khaarajiga oo aanu weydiinay ujeedada rasmiga ah
ee socdaalka wefti gan waxa uu yidhi “Weftigani waxay ka kooban
yihiin lix xubnood waxay ka soo kicitimeen xaruntooda dhexe ee New-york.
Waxay u socdaan waxa la baabiinayaa oo UN-ku wax ka bedel ku
samaynayaan Xafiiska siyaasadda ee qarammada midoobay ku lahayd
Hargeysa ee la yidhaahdo UNPOS oo uu Ergayga qarramadda midoobay ee
Somaliland iyo Soomaaliya Augustina Mahiga xukumi jiray. Xafiiskan
waxa loo bedelayaa mid cusub oo si toos ah ula shaqeeya wasaaradaha
iyo dawladda oo aanu filayno inuu si dhow inoola shaqeyn doono.
Markaa xafiiskan cusub waxa lagu wadaa in la furo Bisha June ee
fooda inagu soo haysa.”
“Markaa socdaalka weftigani waxa uu u socdaa tallo ururin la
xidhiidha xafiiskan cusub, wa xaana socdaalkoodu daba socdaa mid
socdaal hore oo wefti UN-ta ka socdaa ay Somaliland ku yimaadeen
Bishii November 2012-kii,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenka Arrimaha
dibaddu.
Wasiir Ku xigeenka oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay xafiiskan
la baabiinayo iyo ka cusub ka faa’iido badanaya, waxaanu ku jawaabay
“Xafiiskan hore wuu inala shaqeyn jiray, hase yeeshee waxa uu kagani
kaga duwan yahay waxa uu toos ula shaqaynayaa oo uu wararka ka
qaadanayaa Wasaaradaha iyo dawladda markaa waxaan rajaynaynaa in
xafiiskan cusub inooga waxtar badan doono xafiiskii hore ee
siyaasadda.”
Wasiir Ku xigeenku waxa uu sheegay in weftigani ay sadexda maalmood
ee ay ku sugan yihiin Somaliland ay kulamo kala duwan la yeelan
doonaan Afar Wasaaradood iyo Madaxweynaha Somaliland.
Source:
Somaliland.Org
|