Xukuumadda iyo
imaamyada masaajidada hargeysa oo shir ka
yeeshay adkaynta nabadda
Wasiiro ka mid ah Golaha
xukuumadda Somaliland, ayaa Shir ballaadhan la yeeshay in ka badan
saddex boqol oo ka mid ah Culimada Imaamyada ka ah Masaajidada
Magaalada Hargeysa.
Kulankaas oo maanta ka dhacay hoolka shirarka ee guriga shaqaalaha
dawladda, waxa uu dabasocday shirar isdaba joog ah oo beryahanba
xukuumaddu la yeelaynaysay qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo
ujeedadoodu ahayd sidii looga wadashaqayn lahaa adkaynta
nabadgelyada iyo in la sameeyo habab dadweynuhu arrintaa kala
shaqeeyo dawladda.
Waxaana shirkaa imaamyada masaajidada la isugu yeedhay ka qaybgalay
wasiiradda Diinta iyo Awqaafta Sh. Maxamuud Suufi Muxumed iyo
Arrimaha Dibadda Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiir-duwlaha
Arrimaha Gudaha Md. Xasan Axmed Ducaale, Wasiir-ku-xigeenka
Warfaafinta Md. Cali Cilmi Geelle iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Maxamuud Suufi Muxumed oo kulankaas
furay, ayaa sheegay in culimadu imaamyada masaajida ka ahi ay yihiin
kuwa dadka ugu qiimaha badan, maadaama ay joogaan guryihii Ilaahay
ee ugu qiimaha badnaa, balse wax laga xumaado ay tahay in wixii
dhacay lala xidhiidhiyo culimada.
Isaga oo arrimahaa ka hadlayey waxa uu yidhi; “Culimooy, imaamyada
masaajidow idinku waxaad ummadda u haysaan xilkii ugu weynaa,
waxaanad joogtaan meelihii dalka ugu qiimaha badnaa oo ah beytulaahi.
Sidaa daraadeed waa in aad ogaataan in la idinku aaminay cibaadadii
ugu weynayd cibaadooyinka. Haddaba markaynu eegno dhacdadii inagu
dhacday ee aynu sababteeda isugu nimi, waxaynu u baahanahay sida
nabadgelyadeenu u wanaagsanaan lahayd, mar haddii diinteenu diin
nabadgelyo tahay, idinkuna culimadii ummadda ee diinta loo aaminay
in aynu taa wax iska weydiino weeye kulankeenani. Arrintii dhacday
in farta lagu godo xaggii diinta iyo dadkii ehlu diinka ahaa
dhinacoodii diinta nusqaan weyn bay ku tahay waxaana arrintan sabab
u noqday dad isku shabbahaya, laakiin dad ehelu diin ah oo diinta si
toos ah u haystaa waxaasi kama suuroobaan.”
Wasiirku waxa uu sheegay in shanta degmo ee magaalada Hargeysa ka
kooban tahay mid kasta masaajidada ka dhisan iyo xaafaddaba laga
samayn doono gudiyo ammaanka kala shaqeeya dawladda.
“Waxa loo baahan yahay in imaam kastaa masaajidka uu joogo xilkiisa
uu qaado xag diineed, xag nabadgelyo iyo xag kastaba, waxaana shanta
degmo ee magaalada Hargeysa ka kooban tahay mid kasta la samayn
doonaa inta masaajid ee ka dhisani intay isku tagaan gudi soo
sameeyaan, gudigaas oo hoosiman doonta Wasaaradda Diinta iyo
Awqaafta, sidaana nidaamka nabadgelyada lagula socdo,” ayuu yidhi Sh.
Maxamuud Suufi
Waxa kale oo Wasiirku ugu baaqay culimada imaamyada ka ah
masaajidadu inay aqoontooda diimeed kor u qaadaan, si wixii diinta
iyo cibaadaba ka khaldama ay u sixi karaan, maadaama ay iyagu
qaadeen masuuliyad weyn, isaga oo tilmaamay in imaamyada masaajidada
lagula xisaabtami doono wixii ka yimaada masaajidooda.
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xasan Axmed Ducaale (Xasan
Macalin) oo isna shirkaa ka hadlay, ayaa sheegay in sababta
kulankaas loola yeeshay culimadu aannu ahayn in wax loo sheego oo ay
iyagu yihiin kuwii dadka wax u sheegayey, balse la doonayo in fariin
loo gudbiyo.
“La idiinkuma yeedhin in la idin wacyiyo ee waxa la idiinku yeedhay
in la idinka wargeliyo halka xaalku marayo oo fariin la idiin soo
gudbiyo, ta la idiinka maarmi waayey waa taa halka wax marayaan ee
la iska abaarayna waad ogtihiin, ku talogalku wuxuu u muuqanayey in
aynu isku dareerno oo isku dhex yaacno saacad keliya inaga oo ahayn
ummad sharaf leh oo nabad ku deganayd, talogalku caynkaas ayuu ahaa,
laakiin Ilaahay kama dhigin,” ayuu yidhi Md. Xasan Macalin.
Wasiiru-dawluhu waxa uu tilmaamay in Somaliland ay maraysi xilli
horumar iyo inay dunida la tartanto ay maraysay ee aanay marnaba
nabadgelyo-xumo ka fikirayn.
“Bogcadaa yar ee aynu joogno ee Soomaali ka nabadqabta horumar baynu
hiigsanaynay oo nabadgelyada meel baynu iska dhignay, waayo waxaynu
ku talogalnay in aynu hore uga soo shaqaynay oo meel iska dhigay,
waxase muuqata in cidi ka ba’ayso..”
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale
oo isna kulankaa kala hadlay culimada, ayaa sheegay in culimadu ilaa
intii Somaliland lagu dhawaaqay kaalin weyn ka qaadatay horumarka
dalka iyo ilaalinta nabadgelyadaba, gaar ahaana ay ka qaybqaateen
dejinta dagaaladii sokeeye ee beelaha Somaliland dhexmaray.
“Wax weyn baa inaga galay waxan aynu ku fadhino inaga oo doonaynay
nabadgelyo iyo in dhisme qaran la sameeyo, Ilaahay mahadiina maanta
meel wanaagsan baynu joognaa, laakiin intaaba waxa socotay rag meel
ka soo bu’aya oo leh ma jirayso mana dhismi doonto ee waanu burburin
doonaa oo aan mar iyo laba toona ahayn, tallaabooyinkan dambe ee la
qaadayna wixii horeba saleelo ayey ahayde waa mid aan tudhaaleba
lahayn oo ahayd qarankan iyo wixii ku abtirsanayaba mar hala waayo,”
ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu waxaannu intaa raaciyey, “Somaliland
aad bay u nasiib badan tahay, waayo cidnaba dulmi kamay gelin, waxa
aynu wadnaana waxa weeye in dalkani dhismo oo uu noqdo mid
nabadgelyo shacbigiisuna horumaro. Markaa waxaynu doonaynaa in aynu
midnimo ku wadashaqayno, baadhis baana socota, laakiin arrintu maaha
wadaadow wadaad ma tahay ee baadhis baa socota wixii ka soo baxaana
ciday gasho cid ka hortagaysaa ma jirto.”
Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta
Cali Cilmi Geelle iyo Sh. Ismaaciil Xasan Faarax oo ka hadlay sida
arrintani aanay diinta shaqo ugu lahayn iyo in loo baahan yahay si
wada jir ah looga shaqeeyo.
SalalNews
|