Xukuumadda 2 qol oo malcaamada quraan ah xafiis ka dhigatay maxaad ka sugeysaa?

 


Xukuumadda haatan Somaliland ka talisaa waa xukuumaddii ugu tayada xumayd ee abid soo martay jamhuuriyada Somaliland.Xukuumaddu waxay lumisay dhammaan kalsoonidii ummadda marka laga soo bilaabo lawyacado illaa laasanood,sababtoo ah waxay xukuumaddu caadaysat ay boobka hantida dadweynaha ,musuqmaasuqa ,eexda,bahdilaada iyo iwm.

Xukuumadda haatan Somaliland ka talisaa waxa ka dhintay damiirkii,waa markii ugu horeysay taariihkda Somaliland ee malcaamada quraan dawladdi xafiis ka dhigato,waa arrin fool xun, wa a arrin tusaale fiican u ah in barashada quraan kariim ah iyo diinta islaam aanay Xukuumadda agtooda qiimo ku lahayn.

Dhacdadan iyo mudaharaadkan dhallinyaradu maanta Gabiley ka dhigeen ee magaalada gilgil ay waxay u eegtahay arrin dawladdu ku khalkal galinaysay deggaanshaha Gabiley,haddii aan ay arrintu sidaas ahayn dawladdu faraha lamay soo gasheen 2 qol ee malcaamad ah iyo arrim aha xasaasiga ah ee Diinta islaamka la xidhiidha ee ay ka dhallan karaan dhibaatooyin kale.

Waxaynu nahay dal islaam ah oo dastuurkiisa ku caddahay in Diinta Islaamka lagu dhaqmo ee maxaa keenay la dagaalanka diinta islaamka,maxaa keenay malcaamaddan ku taala Gabiley ee feedkaraysa dugsiga Sh.Muxumed Warsame oo ah dugsiga ugu ardayda badan Somaliland iyo dugsiyo kaleba in albaabada loo xidho oo laga dhigo xafiis ay leedahay wasaarada deggaanku.
Dawladdu ma awoodi kari weydey in xafiis uga dhisto wasaaradda deggaanka lacagta faraha badan ee ka soo baxda customka Kalabeydhka oo lagu qiyaaso $1.42 million dollar/month.

Waa nasiib darro Gabiley oo ah meesha labaad ee dhaqaale dalku ka soo baxo in dhisda maxka madii degmada Gabiley loo baaheeyo, waddada 18km ah ee isku xidha Kalabaydh iyo Wajaale in ganacsatada loo baryo,maanta Malcaamad boqollaal carruuri quraan ku bartaan laga dhigo xafiis ay leedahay wasaaradda deggaanka Somaliland.
 

 


Allaa Mahad leh,
Eng. Mohamed Abdillahi Nur
Almis302002@yahoo.ca