Xukuumada Somaliland oo Jawaab Ka Bixisay Hadaladii Dhawaan Ka Soo Yeedhay Siilaanyo iyo Xisbigiisa

 

Aniga oo tix-raacaya hadaladii dhawaan uu siiyay warbaahinta diba da iyo gudahaba Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee uu ku daadifaynayay doorashooyinka Madaxtooyada wakhtiga la qabanayo, waxa ay yihiin erayadii uu mar walba ka dhawaajin jiray caadadana u ahayd in uu ummada u sheego tan iyo doorashadii hore ee Madaxtooyada.

Marka hore waxa aanu leenahay in hadalada ka soo yeedhaya isaga iyo xisbigiisa ay yihiin kuwo xad gudub qaawan ku ah xeerka iyo dastuurka Somaliland sida ku cad qodobka 83-aad, faqradiisa saddexaad, waxa ay cadaynaysaa in Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay xilka kala wareegi karaan Madaxweyne cusub oo la soo doortay.

Waxa Guurtidu ay xaq u leedahay in ay kordhiyaan wakhtiga Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa in ay xilka sii hayn doonaan sida ku xusan qodobka 83-aad, faqradiisa 5-aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland tan iyo inta ay dalka ka qabsoomayaan doorashooyin.

Sida aynu wada ognahay Siilaanyo iyo Xisbigiisu waxa uu hore ganafka ugu dhuftay una daadifeeyay wakhtigii ay Komishanka doorashooyinku hore ugu cayimeen in doorashada Madaxtooyadu ay dalka ka qabsoonto.

Gudoomiyaha KULMIYE waxa uu hore uga dhawaajiyay in ay ku kalsoon yihiin go’aanka Golaha Guurtida ee dastuuriga ah, hadana waxa uu diidan yahay go’aankii golaha guurtidu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Muddo kordhinta wakhtiga Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu ay xilka sii hayn doonaan.

Waxa haddaba muuqata oo cidna aan ka qarsoonayn in Gudoomiyaha KULMIYE iyo xisbigiisu toona aanay qadarinayn dastuurka ummadu ay dhigatay ee ay xisbiga ku yihiin.

Dalku doorasho ayuu diyaar u yahay , iyadoo mar kasta loo marayo dastuurka iyo xeerka laga soo dheegay dastuurka dalka u dhigan, waxana haboon qof kastaa oo hiigsanaya in uu hogaamiye dalka ka noqdo in uu aamino una hogaansamo dastuurka iyo xeerka dalku leeyahay.

Waxaanu kula talinaynaa Xisbiga KULMIYE iyo hogaankiisaba in ay dalka ka joojiyaan naxliga iyo dibin-daabyada ay caadada ka dhigteen. Ummada reer Somaliland waxa ay jidaysatay in ay si nabad gelyo ah uga qayb galaan tartanka doorashooyin xor ah oo xalaal ah oo la mid ah kuwii horeba dalka uga qabsoomay.

Ugu danbayntii, waxaanu shacbiga u sheegaynaa in aan cidna laga aqbalaynin in ay handadaad iyo doc faruur ku sameeyaan ku dhaqanka shuruucda iyo xeerarka ummadu ay mahadisay.
 


Alla Mahad leh
 



Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL