Xukuumada Somaliland oo heshiis la gashay shirkad shidaalka soo saarta oo laga leeyahay wadanka Norway


 

 


heeshiiskan oo ka dhacay Magaalada Washington ee wadanka maraykanka , dhinaca xukuuumada waxa u sexeexay wasiirka macdanta, Tamarta iyo biyaha.


Washington-DC (TNN)-Xukuumada Somaliland oo heshiis la gashay shirkad shidaalka soo saarta oo laga leeyahay wadanka Norway heeshiiskan oo ka dhacay magaalada Washington ee wadanka M araykanka, dhinaca xukuuumada waxa u sexeexay wasiirka macdanta, tamarta iyo biyaha xuseen cali ducaale halka dhinaca shirkadan uu u sexeexay madaxa fulinta ee shirkadaasi D.N.O Mr. bijan mossavar-rahmani .

Sidoo kale Waxa heshiis kaas goobjoog ka ahaa madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxa med  Maxamuud (Siilaanyo ), Wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland oo sexeexa ka dib hadal kooban ka jeediyay halkaasi ayaa sheegay in uu ku farxsan yahy heshiiskan xusub ee ay xukuma da somalilnad la gashay shirkada DNO Norwegian oil company .

Waa shirkadii sadexaad ee shiidaal baadhis ah oo heshiis la gasha Somaliland sadexdii sanadood ee ugu danbeeyay taasina waxay cadaynaysaa ayuu wasiirku sida ay shirkadaha caalemiga ahi u danaynayaan shidaalka ku kaydsan somaliland.

Madaxa fulinta ee shirkada DNO bijan mossavar-rahmani oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in heshiiskani uu yahy mid taariikhi ah oo midho dhal noqon doona , mr. rahmani waxa uu sheegay in baadhitaan ka bilaabi doonaan dhulqiyaastiisu tahay 12,000 skm, waxa kale uu sheegay in ay Somaliland ku taalo meel u dhaw meelaha ay shirkadani hada howlaha shidaal qodis ah ka wado sida wadanka yeman iyo Iraq

Samiir Barre Awgaab (USA)