Xukuumada Somaliland Oo Amar Ku Bixisay In Aan Xisbiga KULMIYE Laga Kirayn Karin Huteelada Waaweyn

 

Guddomiyaha Gobolka Hargeysa Cali Xasan Maxamuud Cali-Asad ayaa Huteelada waaweyn iyo mulkiileyaasha Hoolalka shirarka ku amray in aanay xisbiga KULMIYE ku qabsan wax shirar ah muddo laba Cisho ah.

Cali Asad ayaa qoraalkii uu u gudbiyay Huteelada Waaweyn ee uu ku farayo in aanay KULMIYE ka kirayn oo nuqul ka mid ah soo gaadhay maanta Xafiiska wararka ee Shabakada Ramaasnews, ayaa u qornaa sidan:-


“Anagoo ka duulayna marxalada Nabadgelyo darrada ay u geysteen ama doonayaan inay caasimada Jamhuuriyada Somaliland xasilooni darro ka ridaan xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE.


Sidaasi daraadeed danta Nabad gelyada awgeed waxa dhammaan masuuliyiinta leh Hudheelada, hoolalka xafladaha ama shirarka lagu qabto la farayaa in aanay kirayn karin labada maalmood ee 05/4/2009 iyo 06/04/09 fasax la’aan.


Fiiro Gaar ah waxa fasixi kara Guddoomiyaha Guddida Nabadgelyada Gobolka Maroodi Jeex, ahna Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex.”

 

 



Hormoodnews