Xukuumada Somaliland iyo Xisbigeeda UDUB oo Xalay Kulan Heer sare ah La Yeeshay Wasiir Milliband

 


London (TNN)-Xukuumada Somaliland, oo uu ka wakiil yahay, Wakiilka Somaliland ee  Uk, Mudane, Aadan Muuse Jibriil, iyo xubno ka socda Xisbiga UDUB, ayaa xalay kulan heer sa re ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Uk, Mudane, David Milliband.

Xubnahan oo miisaan leh oo ka tirsan xisbiga UDUB oo uu weheliyo Wakiilka Somaliland ee UK ayaa waxa lagu soo martiqaaday isu imaatin loo yaqaan Casho Sanadeeka Dawladda ee Xisbiga Shaqaalaha (Labour’s Annual Governmental Dinner) Marti qaadka waxa xalay (11.02.2010) lagu sameeyey magaalada Birmingham. Waxana ka soo qayb galay:


1. Mr. David Miliband, Xoghaya Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo Sooranka ee UK.

2. Mr. Liam Byrne, Chief Secretary to the Treasury.

3. Mr. Pat McFadden, Minister of State for Business, Innovation and Skills iyo

4. Dad aad u tiro badan oo taageera Xisbiga Shaqaalaha ee Ingiriiska.

Waxa sameeyey oo suuragaliyey isku xidhka labada xisbi ee Labour Party iyo UDUB oo uu weheliyo Wakiilka Soomaalilaand ee UK, Mudane Cabdirasaaq Meecaad Xuseen. Xubnaha la martiqaaday waxay kala ahaayeen:

1. Wakiilka Soomaalilaand, Mudane Aadan Muuse Jibriil

2. Ibraahim Duacaale Muuse, fulinta UDUB ee Qaranka

3. Maxamed Aw Daahir, Xoghayaha UDUB UK

4. Cabdiqani Cismaan Saban

5. Axmed Ismaaciil Xuseen (Axmed Buur)

6. Cabdiraxmaan Xirsi Maxamed (Heeliyo)

7. Maxamed Cabdillahi Ciise

8. Cabdiqani Saciid Aadan

9. Yuusuf Tarabi Weyd (Guddoomiyaha Jaaliyadda Birmingham)

10. Cabdirasaaq Meecaad Xuseen.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo Sooranku, mar uu ka jawaabayey su’aalo ku saabsanaa Soomaalilaand iyo ictiraafka oo aanu weydiinay, wuxu aad uga hadlay kaalinta muuqata ee waxtarka ee dalkan Ingiriisku ku leeyahay Soomaalilaand. Wuxu ku  ammaan ay Soomaalilaand Nabadgelyada, Xasiloonida iyo Diimuqraadiyadda. Wuxu u rajeeyey  Soo maalilaand inay u qabsoonto doorasho wacani. Hogol tusaale ahaan, wuxu noo muujiyey inay wax badani ku xidhan yihiin doorasho fiican oo qabsoonta.


Dhinaca kale, Kulankani waxa uu daba socday, kulan hore oo uu Madaxweynaha  Somalila nd, Mudane Daahir Rayaale Kaahin hore ula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada ee UK, Mu dane Milliband, kuwaasi oo ka mid ah Guulaha wax ku oolka ah ee ay qaaday Xukuumada Somaliland.

S
ource:Somalilandnation