Xukuumada siilanyo ma waxay target ka dhigatay muwaadinintii wadanka u dhalatay ee ganacsatada ahaa waxa aan leeyahay barorotu orgaca ka wayn

 


Waxa aan ugu horayn halkan ka salaamaya Saxaafada madaxa bannaan meel kesta oo ay joogto iyo dhamaan shacabka rere soomaliland hadii aan ku soo dhwaado fikirkayga,

Waxa beryahan danbe ay Xukuumada Jamhuuriyada Somaaliland e uu hormuudka u yahay Madaweyn e Axmed Siilanyo ay caadatsatay in ay muwwadinintii ,wadanka u dhalatay ay xadhig la miciinsato iy ada oo aynu oganahay in ay iyadu dadka iyo dalkaba u horseeday oo ay fasaxday in shiraraka Soma lia iyo dhex fadhiisigooda oo ay sharci garaysay ayaa hadana ay shacabkii ganacsanayay lagu xidh xidhaya iyada oo aynu ognahay in aanu ganacasigu xududu lahayn oo meel kasta laga ganacsan karo maah in ay xukuumadu ku tacadido muwaadininta,

Waxa wax laga naxo ah xukunkii ay maxakamada Gobolku ku riday ganacsade Boqor Raabi Yuusuf C/l aahi waxa aan aad u canbaaraynayaa xukunka sharci darada ah ee dulmiga ku dhisan iyo tacadiga in si dhakhso ah xoriyadiisa loogusoo celiyo muwaadinita reer Somaliland,waxa aan leeyahay maqifka sh acabka rere soomaliland waa mid waana biyo kama dhibcaan qadiyada somaaliland, waxa kele oon aynu wada ogayn in xukuumadu si la mid ah jeelka loogu taxaabay, iyadaoon waxa loo cuskaday jirin Boqor Cismaan Buur Madaw oo mudo ilaa afar bilood ku dhaw.

Hadaba xukuumada waxa aan u soo jeedinaya in ay ka dayso Ganacsatada iyo Boqorada cabodhinta ay ku hayso shacabka waxa aan leeyahay dulmiga is ka jira waayo sedex iyo labaatanka sano ay So maaliland jirtay waxa uu shacabku ku naaloonayay xoriyatul qawl iyo Dimuquraadiyad cabudhin iyo xadhig aan geedna looga soo wareegin shacabku way ka daaleen waana waxay ka dagaalameen

Xukuumada waxa aan leeyahay idinkaa sharcigii jebiyay wax ka bedel ku sameeyay, shacabka reer Somaliland 22 sano ayuu xoriyada ku naaloonayay Xamarna muu aqoon, ee yaan arinku idinka noqon Bakhtiga Ma Cunee, laakiin Fuudkiisa ayaan Cabnaa





Khaddar Jirde Axmed

Email: ximaawi.410@gmail.com
Email: khadarjirde@hotmail.com