Xukuumada
Oo Xafiiska xisbiga kulmiye ee Degmada 26-Ka June e Calamadii Ka
Furtay Iyo Masuuliyiinta Xisbigaasi Oo Cambaaraysay

“Calamada
Bilaysku Ay Fureen Xafiiska Kulmiye Ee Degmada 26ka June Waxaanu U
Aragnaa Mid Uu Ka Dambeeyo Udub Oo Bilayskii Qaranka Wata”
Eng Baashe Cabdi Gaboobe
Hargeysa December 8, 2009 (Timacade News)-Ciidanka bilayska ayaa
maalintii s halay xafiiska degmada 26-ka June ee xisbiga
Kulmiye ku leeyahay ku qaaday haw lgal ay calamada xisbigaasi kaga
fureen ka dibna qaateen.Sida ay Haatuf u xaqiij iyeen qaar ka
mid ah masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ayaa sheegay, in talaabadaasi
ay shalay ciidanka bilaysku ku qaadeen xafiiskoodii degmada 26ka
June ay ku lee yihiin calamadii ay kaga ururiyeen ku taagnaa
biraha, kuna tilmaamay falkaasi mid la yaab leh.
Gudoomiyaha ololaha gobollada galbeedka Somaliland ee xisbiga
Kulmiye Eng Ba ashe Cabdi oo xalay mar uu nagu soo booqday
xarunta wargeyska Haatuf ayaa noo xaqiijiyey in ciidanka bilaysku ku
talaabsadeen falal ay calamadii kaga fureen xafiiskii Kulmiye ee
degmada 26ka June ee xisbigoodu ku lahaa, taasoo uu camba
areeyay falkaasi kuna tilmaamay arrin uu ka dambeeyo xisbiga talada
haya ee Udub, taasoo uu sheegay in degmada 26ka June uu xisbiga
Kulmiye taageerayaas hiisu ugu badan yihiin caasimada Hargeysa
halka ay ku nool yihiin inay degmad aasi tahay islamarkaana uu
Kulmiye dhawaan taageerayashiisa shirar ay shirar dhawaan ku wada
yeesheen, taas darteedna uu Xisbiga Udub miciinsaday inuu calamalada
iyo astaamaha Kulmiye ciidanka bilayska u soo adeegsado in laga
furf uro xafiisyada Kulmiye.
Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Maroodi jeex Muj.
Axmed Cu mar C/llaahi (Xamarji) ayaa isaguna mar uu xalay
wargeyska Haatuf kula soo xid hiidhay khadka Telephone-ka uu
noo sheegay in fafal lala yaabo ay ciidanka bilay sku kula
kaceen xafiiskii degmada 26ka June ee xisbiga Kulmiye ku leeyahay,
kaas oo uu sheegay inay ciidanka bilaysku calamadii ka fureen,
iyadoo uu sheegay in degmada 26ka June ay ku yaalaan xafiisyo
xisbiga Udub ku leeyahay degmadaasi, balse aan iyaga calamadii laga
furin, taasoo uu sheegay inay u arkaan talaabo hor leh oo loola
jeedo xisbiga Kulmiye.
Gudoomiyaha ololaha ee gobollada galbeedka Somaliland ee xisbiga
Kulmiye Eng. Baashe Cabdi Gaboobe oo ugu horayn cambaareeyay
falkaasi ay ciidamada bilay ku kula kaceen xafiiskooda degmada
26ka June, isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “marka hore
waxaanu cambaaraynaynaa falka ay ciidanka bilaysku calamada kaga
laabeen ee qaateen calamadii xasbiga waxaanan leeyahay talaab
adaasi waa mid ka soo horjeeda shuruucda iyo distoorka qaranka ee
dalka u yaa la, xafiiska degmada 26ka June waxay calamadu
sudhnaayeen muddo dheer, sida xisbiga Udub xafiisyadooda ay calamo u
sudhan yihiin oo kale.
Hadaba ma garanayno sababta ay xukuumadu uga dan leedahay calamada
xisbiga Kulmiye ee xafiska degmada 26ka June ay ku furayso ee ay u
qadanayso, talaaba dasina waanu cambaaraynaynaa, waxanan u arkaa
arrin kasoo horjeeda shuruu cda iyo akhlaaqiyaadka ciidan
bilayskuna inuu waxaasi ku kaco maaha”
Eng. Baashe Cabdi Gaboobe waxa uu sheegay in talaabadan ay ciidanka
bilaysku ku qaadeen xafiiskooda degmada 26ka June uu xisbiga Kulmiye
ku leeyahay ay t ahay, in degmada Kulmiye ugu teegeerada badan
yahay caasimada ay tahay dha waana shirar uga socdeen
taageerayaasha iyo masuuliiinta xisbiga KULMIYE islam arkaana
degmadan uu xisbiga Udub kaga taageero badan yahay Kulmie, waxanu
yidhi “degmadan 26ka June waxaa meel aanu ku leenahay taageerayaaha
ugu ba dan caasimada Hargeysa, shirarna dhawaan ay nooga wada
socdeen taageeray aashayada kuwaas oo Udub ay ka xanaaqsan
tahay ka dibna ay miciin mooday in calamada xafiiska ay furato,
markaa falkan ay ciidanka bilaysku kula kaceen xafiiska Kulmiye ee
degmada 26ka June waxaanu u aragnaa mid uu ka dambeeyo Xisbiga Udub
oo bilayskii qaranka wata
Ciidanka bilaysku ilaa hada waxay leeyihiin amarku wuu naga sareeyaa
ee madax da la xidhiidha.
Waxaan ciidanka bilayska leeyahay waxaad tihiin ciidankii qaranka
mar walba wax aanu taageerayaashada farnaa inay idinkala
shaqeeyaan dhinaca amaanka iyo arrimaha danaha qaranka, taasi ma
waxaad ugu abaalgudaysaan inaad calamadii xafiiska furataan,
talaabadaasi waxaan leeyahay dib waa in looga noqdaa’ Sidaasi ayuu
yidhi gudoomiyaha ololaha gobolada galbeedka somalailand Eng Baashe
Cab di Gaboobe.
Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Hargeysa Muj Axmed
Cumar C/llaahi (Xamarji ayaa isaguna cambaareeyay falkan lagula
kacay xafiiskooda de gmada 26ka June, waxanu sheegay in
ciidanka Bilayska oo uu horkacayo taliye ku xigeenka qaybta galbeed
ee bilayska Cabdillaahi Xasan in abaara duhurkii shalay ay
xafiiskaasi ciidanka bilaysku calamadii kaga fureen ka dibna ay
qaateen, isaga oo arrintaasi ka hadalayana waxa uu yidhi ‘abaara
duhurkii shalay ayay ciidanka bilaysku xafiiska degmada 26ka June ee
xisbiga Kulmiye ku leeyahay degmadaasi ay calamadii xisbiga ka
fureen, taasoo markii aanu weydiinay sababta ay u furay aana
aanay naga qancin ee ay nagu yidhaaheen hogaanka hawlgalinta
bilayska C/llaahi Fadal Iimaan ayaa amarka bixiyey, markaa arrintu
anaga way naga saray saa”, sidaasi ayuu yidhi waxana uu
intaasi ku daray “calamadii xafiiska iyo iyo calamada iyo astaamaha
xisbiga Kulmiye ee ay ciidanku shalay ku arkaan xaafada Idaacada iyo
meelaha ku dhowdhow way furayeen, markaa waxaan la yaabay talaabada
ay xukuumadu xafiiska KULMIYE ee degmada 26ka June ay kula kacday
halka ay xasiisyada Udubna calamadoodii sudhan yihiin ee loga
takooray kuwa Kulmiye’ sidaasi ayuu yidhi godoomiyaha gobolka
Hargeysa Muj Axmed Cumar Cabdillaahi.
Dhinaca kale taliye ku xigeenka bilayska ee qaybta galbeed
Cabdillaahi Xasan oo arrintaasi aanu wax ka weydiinay ayaa waxa uu
yidhi “Idiinma waramayo warna idiin siin maayo ee taliyaha ciidanka
bilayka soo mara” kaddib tilifoonkii ayuu xidh ay, taliyaha
ciidanka booliska Maxamed saqadhi dubad oo aanu isku daynay in aanu
la xidhiidho oo arrintan aanu wax ka weydiino ayaanay noo suuro
galin inaa nu helo ka dib markii uu telefoonka qaban waayey.
Source:Haatuf
|