WARSAXAAFADEED

 



13/09/2013



Ujeedo :- Muusuq maasuqa dayactirka Airport Hargeysa iyo bixitaanka Ethiopian Airline iyo Shirkada Genel Energy.



Ugu horeyn waxaan halkan salaan iyo soo jeedinayaa dhamaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan-gudaha iyo dibada.



« Waxaa shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba si fiican u ogaadeen,fahmeen,kana dhergsan yihiin Xukuumada maanta talada dalka haysaa in ay ku sifowday MUSUQ MAASUQ -- CADAALAD DARO IYO BEEN ABUUR baahsan oo shacabka lagu jaho wareerinayo,waxaana ugu dambeeyey Hargeysa Airport iyo Shirkada Genel Energy» :-





1. Waxaa wax laga xishoodo ah in loo xafladeeyo,loo dabaal dego,lagu faano in Airport Hargeysa lagu dayactiray lacag ka badan 4 Milyan oo Dollar,kaas oo aynu aragno sida uu yahay iyo in xataa Diyaaradihii ka yaaceen,waa wax laga yaxyaxo.



2. Waxaa ka sii yaab badan ,oo runtii qaadan waa iyo naxdin ah halkii sharciga la horkeeni lahaa, in shaqsiyaadkii sidaa Airport u musuq maasuqay,haddana la siiyo Qandaraaska wadada Hargeysa iyo Berbera.





3. Ethiopian Airline xaq ayey u leedahay in ay fadhiisato Goraankii ay ku nabad geleyso farsamo ahaan,amaan ahaan iyo weliba dhaqaale ahaan,mana jirto cid ku qasbi kartaa in ay Somaliland ku soo laabato .



4. Shirkada Genel Energy waxay si buuxda uga sheegtay in ay Somaliland uga baxday 2 arimood oo kala ah a) MUSUQ MAASUQ balaadhan oo lagu maamulay Qandaraasyada---Shaqaalaha iyo Deegamada ay ka howl gasho. b) waxay Shirkada Genel Energy si buuxda u sheegtay in ay jiraan sababo amaandaro,Dowladuna ay sugi kari wayday amaanka Shirkadaas,taasina fadeexad weyn oo dul hoganaysa Xukuumada maanta Somaliland ka jirta.

Gebo gebo :-

Xidhiidh aanu la samaynaynay Shirkada Genel Energy iyo Ethiopian Airline,labaduba waxay si buuxda u cadeeyeen uu ay jiraan Musuq maasuq baahsan oo aan xad lahayn iyo Dowlada oo sugi kari wayday amaankooda,sidaa daraadeedna aanay Somaliland dib ugu laaban karayn inta la xalinayo arimahaas.

Ugu dambeyntii waxaanu ugu baaqaynaa Golayaasha xilligoodii dhamaaday(Guurtida iyo Wakiilada),Garsoorka dalkaiyo guud ahaanba shacabka iyo waxgaradka reer Somaliland in sida ugu dhaqsaha badan Sharciga la horkeeno cida Jeebabka ku guratay dhaqaalihii Airport Hargeysa iyo Shirkada Genel Energy.

Waynu wada jecelahay dalkeena dhamaanteena masuuliyad ayaa inaga wada saaran in aynu ilaashano,laakiin looma adkaysan karo boobka iyo cadaalad darada ay ku caan baxday Xukuumada maanta talada dalka haysaa.







ALLAA MAHAD LEH

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.

Xisbiga UCID

abdi_saleiman@hotmail.com.

Facebook : abdi saleiman.

SKype : Abdisaaleiman1

twitter : @_saleiman