Xukuumada Kulmiye Oo 22 Sano Ka Dib Casimadii Somaliland Ee Hargaysa u Badashay Casimada Labad Ee Somaliwayn,

 



Ma jiraan aduunka laba dal oo hawadooda xafiis qudha laga wada maamulaa?

Waxa ayaan daro ah in manta wufuudii metalayay wadankeena Somaliland ee ka qayb galay shirkii u danbeeyay ee wada hadalka Somaliland iyo Somaliya ee ka qabsoomay dalka Turkiga in ay soo hooyeen qodobo guul daro iyo dhabar jab ku noqon doona Somaliland dadaalkii dhee raa ee muwaa diliinta rer somaliland ay mudada 22ka Sano ah u soo dhabar adaygeen ee ay caalamka ka rajicinayeen in ay aqoonsadaan oo

helaan aqoonisi dhamays tiran.

hadaba waxa is waydiin mudan in ay muwaadiilinta reer somaliland is waydiiyan ?, ma suurta galbaa manta in laysu furo isu socodka madaxada iyo shaqaalaha somaliland iyo somaliya,

oo maanta xafiiskii ugu horeeyay ee ay gudi farsamo oo ka kala socda somaliwayn iyo somaliland ay xukuumada kulmiye ku balan qaday in ay ka furayso casimada hargaysa oo ay si wada jira u wada fadhiisan doonana labada gudi, ugana wada shaqayn geli doonan,

Hadaba waxaynu ognahay in ay inoo shegeen waftidii inooga qayb gashay shirkii wada hadalka somaliland iyo somaliya in la qatay qodob ah

1. In hawada somaliya oo dhan laga maamulo magalada Hargaysa oo xafiis looga furo oo ay ka wada shaqeyan gudi farsamo oo kasoo kala jeeda somaliway iyo somaliland oo ay wada fadhiistan xafiiska iyaga oo mid qudha ah shaqa qudhana wada haya ?

Hadaba waxa is way diin mudan oo su aashu tahay ?

1, Ma jiraan aduunka laba dal oo hawadooda xafiis qudha laga wada maamulaa?

Jawaabtu waa maya kama dhacdo aduun waynaa

2, Ma jiraan dal, dal kale hawadiisa odhaya casimadiina ka soo mamula oo xafiis uga soo fura?

Jawaabtu waa maya majiro kamana dhacado aduunka

3,Gudida farsamada ee ka socota somaliway, maxay kuu aqoonsanyiin ,maxay se marka ay hargaysa u soo shaqa tagayaan u aqoon san yiin ,magalada haragaysa?

Macasimadii Somaliland mise casimadii labaad ee Somaliway.?

Hadaba waxanu wada og soonahay in ay rer somaliya aamin san yihiin in aad kamid tahay oo ay somaliway mid qudha tahay. waxayna u oqoon sanyiin marka ay u soo shaqa tagayan in ay joogan casimadii labad oo somaliwayn oo haragaysa ah

Hadaba waxanu cabaraynaynaa xukuumada kulmiye oo aan ka fiirsan cida ay u diranayso hawlaha qaran ee ay masuulka uga yiihiin umada rer somaliland ,

Waxanan kula talinayana xukuumadu in ay tala qaran oo loo dhan yahay ka yeelato arima qaranimada somaliland lagaga hadalayo oo ay ka qayb galiso xisbiyada qaranka iyo goloyaasha qaranka iyo aqoonyahanka rer somaliland, ee aqoonta dheradka u leh ,

oo anay iska dirin inamo yar yar oo aan aqoon ku filan oo siyasadeed iyo waya aragnimo midna lahay ,



Shacbiga rer somaliland waxan kula talinayana in ay meel adag ka is tagan gooni isutaaga somaliland wixii wiiqaya oo aan cidna ku gorgortami karin, iyo in ay muwaadiliinta rer somaliland la socodaan talabooyinka wiiqaya gooni isutaaga somaliland ee xukuumadu ku talab sanayaso ee inoo wada muuqda , shacbiguna ha ogado wax la iibinayaa waa dalkiini ee waa in aad ka hadashaan arimaha noocan oo kala aha,

oo dhabajab ku noqonaya gooni isu taga somaliland iyo himiladii aynu lahayn ee jiritaankeena

,waxan kaloo ka codsanayaa in muwadiliinta rer somaliland garab istagaan xisbiyada mucaradka ah ee ku ilaalinaya xukuumadu in anay la lumin masuuliyada dalka ee loo idmaday

 



xidhiidhiyaha guud ee north america ee xisbiga waddani

salebaan cali bille