Somaliland: Xukuumadda Oo Beenisay In Wasiirka Daakhiliga Somalia uu ka soo degay Berbera
 



Hargeysa (TNN):- Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku til ma antay warar ay baahiyeen shabakadaha wararka qaarkood, kaasoo sheegaya in masu ul ka tirsan dawladda Soomaaliya oo Somaliland yimi.

Shabakadaha wararka qaarkood ayaa maanta soo daabacay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed uu shalay socdaal ku yimi dalka Somaliland, taasoo ay masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ku tilmaantay war aan sal iyo raadtoona lahayn, isla markaana waxay masuuliyiintu sheegeen inay arrintaas tahay mid aan dhici karin.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan masuulka dhinaca baratikoolka u qaabilsan Wasaaradda Duulista Cabdilaahi Axmed Caarshe ayaa u qornaa sidan:-

“Waxa mareegaha Somaliland ee wararka lagu baahiyey warar been abuur ah oo lagu sheegayo in wasiirka arrimaha gudaha dawlada Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed, uu ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Berbera, warkaasoo ah mid aan sal iyo raadtoona lahayn. Waxaanan odhan karaa waa warar lagu majara habaabinayo bulshada waxna loogu dhimayo jiritaanka qaranka, sidoo kalena waa arrin ceeb loogu raadinayo xukuumadda markii wax lagu eedeeyo la waayey.

Anigoo ka mid ah saraakiisha Wasaarada Duulista waxaan cadaynayaa in warkaasi yahay been madaarada oo aanu xukunno annaguna kama soo deign wasiirka ka tirsan dawlada Soomaaliya, waana arrin laga xishoodo in wax allaale wixii la doono laga faafiyo qaranka, waxayna u muuqato in aan waxba la xushmaynayn ee wixii la doono la qorayo.

Waxaan kula talinayaa warbaahinta in ay ka waan-toobaan beenta qaawan ee intaa le’eg, ayna ilaaliyaan anshaxa saxaafada, warbaahin badan ayaa arrintaa wax naga waydiiyey markii aanu u sheegnay in ay been tahay ma ay qorin, balse kuwo aan waxba na waydiin ayaa faafiyey wararkan been abuurka ah.”

 



Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa Somaliland