Xukuumada Somaliland iyo heshiiska ay la gashay shirkada lagu magacaabo Trafigura,
iyo khtarta ku gadaaman...Waad baahan tahay looma bahalo cuno!!!!

 
     
 
 

Somaliland,29 September,2020 (TNN) :- Sidaan ku soo gudbin doono qoraalkan,kuna lafo guri doonno,sida lagu xusay mareegta shirkada Trafigur a, 7 September 2020,waxaa ay Dekeda Berbera gaadhsiisay Markabkii ugu horeeyey ee sida Gasoline.Baadhis aan ku sameynay Shirkada,waxaa noo suurta gashay inaan hello warar xogogaal ah,oo Idaacada BBC ka diyaarisay Sun lagu daadiyey dalka Ivory Coast,laguna eedeeyey shirkada Trafigura.Suntaasi waxay saameyn ku yeelatay caafimaadkii dadka degaanka,waxaanay sabab u noqotat inay Hooyooyin Uur lihi ay ku waayaan awlaadoodii,dadka qaarkoodna ay jidhkooda ku arkeen is bedel,oo diirka sare xuub siibtay,halka qaar kalena ay finan ka soo baxeen dubkooda,su ntii lagu daadiyey webiguna,waxay sabatay in kalluunkii ku sumoobay biyaha,oo wada dhintaan.Fadeexadaasi waxay sabab u noqotay in xukuuma dii waqtigaa jirtay,ay dhacdo.

Sidoo kale Hay'adda Xuquuql Insaanka (Amnesty International) & Hay'adda Greenpeace (Daryeelka Degaanka &Dabiiciga),ayaa ku baaqday in fa l danbiyeed lagu soo oogo shirkada Trafigura,si loo baadho Sunta ay ku daadisay dalka Ivory Coast.Sida ku xusan baadhitaankan ay BBC sameysa y, Gasolinta waxaa aad ugu badnaa maadada loo yaqaano Salfarka,si ay uga sifeeyasana waxay isticmaashay qalab aan casri ahayn,waxaanay a deegstay inay ku daraan cadad tiro badan ee  maadada loo yaqaano Caustic Soda & Catalayst,guntana ku hadho Sunta Toxic Sulphur Sludge, oo ah ta ay ku daadiyeen magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast,kuna sumoobeen dad badani,qaarna ku dhinteen.

Xukuumada Somaliland,waxaan kula talinaynaa,inay aad uga feejignaadaan in Markabkaasi inta uu Badda Berber joogo,aanu wax Sun ah ku rogin, Shidaalka uu sidana aan Haamaha Berbera lagu shubin,lana baadho si waafqasan halbeega caalamka,oo la adeegsado shirkadaha aqoonta u leh xaqiijinta Tayada Shidaalka ee Dunida.

Xukuumadu,waa inaanay ku deg degin ,kana foojignaato heshiisyada lala gelayo shirkadaha caalamka,baadhitaano madax banaana lagu sameeyo taariikhdooda,waxa ay ka shaqeeyaan,inay Maxkamada hore danbiyo ku heleen,halka ay ka diiwaan gashan yihiin,iwm, ka hor intaan ruqsad & he shiis toona lala galin.Marka la hubiyo ka dibna, laga saxeexo inay masuul ka yihiin haddii ay dalka,degaanka & shacabkaba dhibaato ka soo gaadh o shaqadooda.

Dhawaan bay ahayd,markii ay xukuumadu shirkad Shiinaha laga leeyah ay ruqsad u siisay inay Banka Beeraha ee Tog-wajaale, ay wax ka beerto, ka dibna la ogaaday in Geedka ay shirkadu rabto inay beerto, uu yahay mid aan manfac dad iyo xoolaba u lahayn,balse Sun ah.Waxaa arrintaa to osh ku ifiyey ,daraasad qoto dheerna ku sameeyey ,muwadin Somalilander ah,oo lagu magacaabo Xamse Cabdiraxman Kheyre ,soona bandhigay khatarta Geedka Sunta ah,kana digay in laga beero dalka.Dhawr usbuuc gudahoodna,waxay xukuumadu heshiishii & ruqsadiiba kala noqotay shi rkadii Shiinaha ahayd.Xaqiiqdii,Somaliland waa u sumcad xumo in Shirkadaha dalalka Caalamka Heshiis lala galo,ka dibna lagala noqdo ruqsadii, bal se waxaa ka habboon , in marka hore laga taxadiro,wax la iska weydiiyo,intaan heshiiska qalinka lagu duugin...Hubsiimo Hal baa la siistaa!!!!

Inta aynaan ku sii talax tegin,siina lafo gurin heshiiskan,bal aan idinla wadaagno ,oo wada dhuuxno,baadhitaankan ay samaysay idaacada BBC du:

 

 

 

Somalidu waxay ku maah maahdaa,"waad baahan tahay looma bahal cuno,"suaasha is weydiinta mudani waxay tahay,xukuumadu Shirkadan Traf igura ee ay heshiiska la gashay,dalka & dadkaba ma ka hubisay manfaceeda & dhibaatadeeda,mise hambalyo & sacab aan waqtigiisiiba laba  gaa dh in,uun bay ku mirqaantay,oo la oogsatay !!!......Eesh qiyaasak..Jawaabta waxaan u dhaafaynaa akhrisatayaasha sharafta & qadarinta naga m udan. Guntii & gabo gabadii ,xukuumada & heshiiska shirkada Trafigura, waxaa ku gadaaman su'aalo badan & khatar aan la iska hubin,lana saada alin karin,waxaase hubaal ah in bishuba ay horteena iman,haddii Allah awooda lihi nafta inagu wada simo.

 

 



TNN NEWS DESK


 

 

Xigasho: BBC