Press Release - Xukunka Maxkamada Hargeysi ku riday Gudoomiyaha Wargeyska Hubaal waxa uu sadqeeyay Hanaankii Cadaalada Somaliland



London 03/07/2013 - Ururuka Somaliland Democracy Watch Organisation, SDWO Waxa uu si weyn u canbaaraynayaa xukunka xadhiga iyo ganaaxa ah ee lagu riday Masuuliyiint ii Wargeyska Hubaal ee Maxamed Axmed Jaamac - Caloolay iyo Xasan Xuseen Cabdilaahi.

Waxaan u aragnaa xukunkani inuu yahay mid xaqdaro ah, mid cadaalada ka fog, mid cab udhin ah, mid wax kale lagu qarinayo maadama aynu ka wada warqabanay inuu Gudoomi yaha Wargeyska Hubaal ahaa dhibane ka soo dacwooday isku deygii dilka ahaa ee uu ka bad baday isla markaasna uu gacanta kaga jabay markii labada nin ee booliska ahi intay afka soo duubteen ku weeraraan xaruntiisa goor saq dhexe aha. Sidaan ka wada war qa bano labadii askari mid ka mida iyo baastoolad uu sitay ayuu isla goobtii uu caloolay ku q abtay oo uu u dhiibay ciidanka booliska si maxkmada sharci ah loo horgeeyo.

Gudoomiyaha Hubaal Mr Caloolay ayaa in badan ka hadlay kana codsanayey in xukuuma u ay ninkaas sharciga horkeento lana weydiiyo sababta iyo cida soo dirtay labadan asakri ee isku dayey inay dilaan isaga.

Waxa wax lala yaabo ah in ninkii dhibanaha ahaa halkii uu filayey inuu cadlaada ku ciil ba xo oo loo xukumo ragii isku deyey inay dilaan in maanta isagii xukun lagu riday oo xabsiga la dhigay, labadii nina ilaa hada aan wax denbi ah lagu soo oogin. Qofku wuu geli karaa de nbi waana la xukumi karaa, laakiin ta in la isweeydiiyo mudani waxay tahay labada dacwa dood teebaa cuslayd, tii ahayd iskudaygii la isku deyey in Gudoomiyaha Hubaal la dilo ee uu gacanta kaga jawabay iyo tan ay xukuuumadu ku soo oogtay ee ah waxaad aflagaad eysay madaxweynaha iyo safaarada itoobiya.

Waxa haboonayd in labada dacwadood la soo horeysiiyo dacwada culus ee ahayd isku day dil, dhaawac iyo weerar loo adeegsaday hub oo ay weliba fuliyeen ciidankii xukuum adu. Ka dib marka xaqiisa la mariyo oo loo xukumo ragii sku deyey inay dilaan ayay ku haboonayd in dacwada isaga ka dhanka ah la galo. Laakiin hada waxay u egtahay uun arin lagu cabudhinayo inuu sii wato dacwadii ka dhanka ahayd askartii dowlada ee isku dayday naftiisa inay khaarajiyaan isagoo horeyna ugu eedeeyay in ay xukuumadu lug ku lahayd isku daygaas dilka ah.

Waxa kale oo aan canbaaraynaynaa in sid cad loo baal maray xeerkii saxaafada ee Num ber 24/2004 oo lagu xukumay labadan weriye xeerkii ciqaabta guud ee Somali Panel Code ee 1960kii.

Waxaan ku baaqaynaa inagoo og in dhaleecayn balaadhani inagaga imandoonto dadka u dooda xaquuqda binu aadamka iyo suxufiyiinta in sida ugu dhakhsaha badan labadan weri ye xoriyadoodii loogu soo celiyo, isla markaasna deg deg loo furo loona xukumo labadii as kari ee isku deyay inay sida argagaxisnimada leh u dilaan Gudoomiyaha Wargeyska Huba a.

 



Guled Cabdi Sheekhaash


Gudoomiyaha Somaliland Democracy Watch Organisation, SDWO.COM