Xudduudii
Gobolka ma la sugay?
Shirkii Reer Gabiley ee London
Su’aal aan muddo dheer ka maqli
jirey dadweynaha reer Somaliland oo hor ooli jirtey Madaxweynaha JSL
Mudane Dahir Riyaale Kaahin oo isguna dhawaan kaga jawwabey in uu
ciiddamada Somaliland ah uu Jiidda hore iyo xudduuda Somaliland safo
oo dhiig ku daadto, ayaa waxay dhextaal u ahayd shirweyne
qurbajoogta ree Gabiley ee London, ay ku soo dhaweynayeen,
Guddoomiyaha cusub ee dhawaanta loo magacaabay gobolka cusub, oo
baryahanba booqasho ku joogey dalal ka mid ah Yurub. Waxaa kale oo
shirka hadhayey Jamicadda weyn ee gobolku maagan yahay in uu dhisto
iyo dhakhtar weyn oo muddo afar sanno ah ololihiisa lagu jirey, oo
labada la doonayo in lagaga maarmo Jaamicaddaha iyo dhakhtar waaweyn
ee ka hirgalay gobolada la jaarka ah oo aan ka fogeyn. Waxaa kale oo
iyaduna xusid mudan oo shirka ku soo noqnoqotay horumarka ay gaadhay
degmo ka mid ah gobolka oo hadalladdii laga yidhi ay iskugu jirey
tirtirsi iyo dhalliilo loo jeedinayo bahda kuwaa la dhashay ee la
gobolka ah iyo bogaadin loo jeedinayo raggii horumarka Allaybaday ka
danbeeyey.
Shirkan oo dad aad u badani ka soo qaybgaleen, waxaa soo abaabuley
Ururka Gardo oo ka mid ah ururada samafalka ee qurba joogta ka
qaybqaadata horumarka Gobolka gabiley. Maadaama uu shirka urur soo
qaban qaabiyey, khuseeyeyna dadweynaha gobolka oo dhan, muu ahayn
shir beeleed, sidaad daraadeed waxa innoo furan in aannu ka faaloono
oo falanqayno, waayo wuu ka dadwan yahay shir beeleed kaa xayuubiya
xuquuqda aragtidaada oo lagugu tilaamo in aad faqii beesha
warfaafinta u soo gudbisey.
Haddaba, haddii aan ka bilaabo faalladayda su’aasha aan mawduuca uga
dhigay maqaalkan oo ah xuduudii ma la sugay, ma ah su’aal ka taagan
gobolka Gebiley oo keliya, waa su’aal caamaha oo ka dhallatay
goboladii cusbaa ee dhawaanta la sameeyey oo dhan. Waxay ka taagan
tahay Salal, Awdal iyo kuwa kale oo dhanba.
Haddaba, marka hore waxaan doonayaa in aan idhaa su’aashani ma ku
haboon tahay, in la weydiiyo Guddoomiyaha Gobolka?
Anigu sidaan qabo kuma haboona, maxaa yeelay Guddoomiyaha gobolka
waxaa soo magacawday dawladda. Dawladduu markay magacawday waxay u
dhiibtey waajibaad, xilal iyo xuduud ay iyadu samaysay, oo ay ka
rabto inuu u fuliyo sidaa ay yihiin. Hadduu gudan waayo oo ka
horyimaado wixii loo igmadey, dawladdu xaq bay u leedahay in ay
keensato mid kale, waayo waa shaqaalaheedii.
Su’aashani waxay ku haboon tahay in la weydiiyo dawlada hoose ee
gobolka oo ay iyaga soo cugtaan, kana doorbideen kuwii iyaga la
tartartamayey. Kuwaas ayaa dadweynaha gobolku xaq u leeyahay in ay
la xisaabtamaan. Guddoomiyaha dawladda ee gobolka wuxuu masu’uul ka
yahay Miisaaniyada Gobolka ay dawladda dhexe ugu talagasho
horumarinta gobolka, wuxuu masu’uul ka yahay hay’addaha dawliga ah
ee ku sugan gobolka, wuxuu masu’uul ka yahay sugida nabadda iyo
ammaanka guud. Sidaa daraadeed waxaa ku haboon guddoomiyaha in la
weydiiy, miisaaniyada iyo qorshaha dawladdiisu ugu talagashay
gobolka, waxay ku kaabayso waxbarashada asaasiga ah iyo caafimaadka
gobolka.
Haddaan su’aashaa intaa ku dhaafo oo aan u gudbo Jaamicadda weyn ee
la dhisayo oo shirka laga muujiyey in ay hantaaqayso dhismihii
dhakhtarka ee lagu gudda jirey, waxaan odhan lahaa ayaan muran iyo
waqti ku lumen. Waxaa ka haboon in laga wada hadlo baahiyaha dadka
caadiga ah tooska u taabanaya. Ma joogno xilli la iskugu faano
Jaamicaddo iyo dhakhtar waaweyn.
Ugu danbayntii waxaan doonayaa in aan wax ka idhaa horumarka
Allaybaday iyo dhalliisha loo soo jeediyey dadweynaha ku dhaqan
degmooyinka kale ee gobolka. Marka hore waxaa haboon in la ogaado in
aan labada dadweyne wax tartan ah oo ka dhexeeyey iyo kubad ay wada
cayaarayeen oo la kala badanayey midna aanay jirin. Labada dadweyne
amma ha kala badtaan amma ha kala yaraadaane, waxaa hubaal ah in ay
ka siman yihiin baahiyaha, daran yada iyo horumar la’aanta. Salku
waakaa, ma ah ninka xoogaa lihi Gabadhayda wuu hagranayaaye, kamuu
dhalli waayi(Odhaahdaa waxaa la xusay markii dhallisha loo soo
jeedinayey kuwa baaxda iyo badnida isbidaya ee Allaybaday dhaaftay).
Waxaan leeyahay horumarka Allaybaday waa hormarka Gobolka Gebiley,
waa la wada leeyahay, kheyraadka ka soo baxaan waa kheyraadkii
gobolka oo cashuur iyo cunno ayaa kaa soo geli ee ayaan loo arkin in
ay kaa badiyeen.
Haddiise laga tagi waayo, Waxaa ammaanta hormarka iyo dib u dhacaba
loo aanaynayaa Labada Urur samafal ee kala ah ururka samafalka
degmada Allaybaday iyo Ururka Gardo. Farqiyada u dhexeeya labada
ururna waa kan.
Ururka samafalka ee Allaybaday, gaar ahaan laantiisa waxbarashadu,
wuxuu daboolay oo dadweynihiisa ula yimid baahi qofkasta taabanaysa,
islamarkaana wada caam yeeleysa magaala madaxda degmada iyo
tuulooyinkeedaba.
Ninka reer diini goobale ah ee la yidhi carruurtii halkaasaanu dugsi
uga samaynay, qado iyo qureecna waanu ugu talagalnay, haddii shan
gini aad bixiso, waxay kaafiyaysaa carruurtiina iyo shan carruur oo
kale oo wax ku baranaysa. Horta adiguna maa diideen, qofkalana ma
diideen marka qorshe caynkaas ah la soo hordhigo dadka, la tashina
lala sameeyo dadka ay khusayso.
Waxay abaareen dhammaan tuulooyinkii ay ka mid ka ahaayeen ijaara,
taysa, xidhinta, geed abeer, Allaybaday iyo qaar kale oo badan. Waa
baahi ay dabooleen oo qofkasta oo ka soo jeeda degmada si toos ah u
taabanaysa. Kumay salaysnayn arintoodu aynu ree hebel dhaafno,
dadweynaha ree Allaybaday oo dhamina isma soo hor fadhiisan, waxay
taladda iyo maamulka fiicani ka soo fuleen ururka Samafalka iyo
horumarinta Allaybaday iyo intii isku xilqaantay oo keliya.
Labada urur waa isku da’, marbaa la wada bilaabay. Haddaba Gardo oo
tiro isbidaysa wax muuqta in aanay baahiyihii asaasiga ahaa midna
abaarin. Waxay ka bilaabeen Mashruuca Raajitada amma X-ray.
Raajitadu waa aallad lagu baadho xannuunka qaaxda amma tiibishada oo
aan filayo in aan xannuunkaasi ku badnaynba gobolka, inta u
baahatana ka yeela Hargeysa la geeyo. Ma ahayn baahiyaha ballaadhan
ee faraha badan ee dadweynaha wada taabanaya. Wuxuu u adeegayaa inta
yare ee xanuunka lagu tuhmo. Aalladani waxay ahayd mid keliya oo
meel keliya la dhigayo oo ay fogaatey goorta waxtarkeeda laga
ogaado, degmooyinka iyo tuulooyinka ay ka soo kala jeeddo oo goor
darayadii awgeed qaaxo la wada qaaday.
Tallaabadii labaad ee ururku waxay noqotay dhakhtar weyn oo
qalabaysan oo dhammaan qaarada afriiqaya lagu daweyn doono, oo
markay baaxda beesha eegan ay ku qiyaaseen in ay tahay hawl fudud.
Dhakhtarka muddo afar sano ah ayay sheekadiisii socotaa, waxaanay
keliftay in beeshii badnayd ku filaan weydey dhismihii dhakhtarka,
kadibna lagula galgashay beelihii kale, kuwaana sidii Gardo shirka
ka caddaysa, waa laga dayrinayaa waxtarkoodii.
Intaan lagu guuleysan dhismaha dhakhtarkaa oo muddo qaadanaya, waxaa
la hilmaamayaa baahiyo wax badan laga qaban lahaa oo qaarkood aanay
waxtarka dhakhtarkaaba sugi karayn.
Ka hortaga Cudurka ayaa ka muhiisan dhakhtar weyn oo markii xannuun
ku soo rito qofka lagu daaweeyo, waxtarka dadweynuhuna ku hirgeli
lahaa.
Tusaale ahaan magaaladan London Dhakhtarada waaweyn, waxaa ka badan
rugaha caafimaadka (GP-yada amma dhakhtarada qoyska). Kuwaas ayaa
qof wax ka qabta intaanu dhakhtar weyn iyo qalliin u baahan.
Haddii haddaba, rugo caafimaad laga dhisi lahaa Togwajaale, Ceel
Bardaale, Arabsiyo, Allaybaday iyo meelo kala, waxay noqon lahayd
daboolid baahi caam ah oo maalin walba taagan. Qofkasta oo qurba
joogta ahna way taaban lahayd oo saamayn lahayd.oo mid waliba shanta
gini uu bixiyo waxaa lagu dawayn lahaa shan kala oo aan cid caawisa
haysan.
Waxaa kale oo iyaduna jirta in ay ku kala duwan yihiin qorshaynta oo
Ururka Gardo wuxuu isku dhigay in uu yahay urur Goboleed, ururka
Allaybadana wuxuu isku dhigay in uu yahay urur degmo oo xuduuda uu
ka shaqaynayaa u cayiman tahay. Waana qorshe fiican, markay taa ka
soo baxaana tu kale ayay ay uga gudbi karaan.
Haddaba eedda malaha dadweynaha Gardo tirsanaysaa, ee waxaa labada
urur isdhaafiyey qaabka loo kala maamulayo. Allaybaday ayaa inna
dhaaftayna ururka waxba ku soo kordhimeyso. Waxaa ka muhiimsan
qaabka ay shaqaynayaan in ay dib-u-eegid ku sameeyaan iyaga oo aan
arrinta ku soo koobin hagrasho iyo nin xoog weyn oo xaaskiisii ka
hagraday galmada.
Hamud Ducaale
|