Xubno
Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Sha haado Sharaf
Guddoonsiiyey Ganacsadaha Weyn Ee Maxamed Siciid Aw -Geedi

Hargeysa, December, 07
2009-(Timacade News)-Xubno ka tirsan Mudanayasha Gola ha
Wakiilada Somailand ayaa shalay shahaado sharaf guddoonsiiyey
ganacsade Max amed aw Siciid Geedi kaasi oo a ku mutaystay
shahaadadaasi waxqabadkiisa la xidhii dha xaga arrimaha
bulshada reer Somalilanad qaybaheeda kala duwan gaar ahaan X
aga caawinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Dawladaha Hoose, Cusbitaalada
iyo Isku ulada.
Munaasibaddaasi lagu abaal marinayey muwaadinkaasi Maxamed Xaaji
Siciid Geedi oo ka dhacday Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa
waxa soo abaabulay isla mark aana Hirgaliyey Mudanayaasha kala
ah.1-Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle
2-Cali Maxamed Aadan[Cali bare]3-Xasan Cawaale Caynaan
4-Maxamed Baaruud Cali Iyo xidhibaan Cabdiraxmaan.
Waxa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh
Cali waxanu si kooban uga warbixiyey ujeedada ay masuulkaasi ugu
garteen inay ku maamusaan S hahaadadaasi waxanu yidhi “maanta
waxanu iskugu kiin yeedhnay inaad goob jog ka ahaataan Shahadaado
sharafta aannu siinayno Maxamed Siciid Geedi oo ah nin ganac
sade weyn ah dalkana waxbadan u soo qabtay”
Mudane Yaasiin waxa uu intaasi kaddib hadalka kusoo dhaweeyey Cali
Barre oo isna halkaasi kaga waramay sida mudanihii hore oo kale
ujeedada ay ka leeyihiin Shahaado sharaftaasi inay u gartaan
Muwaadin Ganacsade Maxamed Siciid Geed,waxaanu shee gay inay
shahaadadani tahay mdi kasoo fushay fikirkeeda magaca Golaha
Wakiilada Somaliland isla markaana waxa uu intaa ku daray in uu
Saxeexay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Md Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdullaahi [Ciro] kaasi oo ay sheegeen in uu safar dalka dibadiisa
ah ku maqan yahay.
Mudane Bare waxa uu xusay in uu Gudoomiyaha Goluhu iyaga
xubnahoodaasi u wakii shay inay shahaadadaasi gudoonsiiyaan
Ganacsadahaasi isaga oo arrimahaa ka wara mayana waxa uu yidhi
“hadalka waxa nuxurkiisii dhameeyey Mudanihii iga horeeyey balse
waxaan idiin sheegayaa oo kaliya inay shahaadadani tahay mid aanu ku
shar fayno ganacsade Maxamed aw Siciid Geedi gacantii qiimaha lahayd
ee uu kasoo geys tay horumarka dadka iyo dalka Somaliland”
Dhanka kale waxay Mudanayashaasi sheegeen inay dhowaan soo qaban
qaabin doon aan munaasibad balaadhan oo tanoo kale ah taasi oo
ay Shahaado sharaf ku abaal marin doonaan Ganacasade Maxamed Siciid
Ducaale[Dahabshiil] oo ah milkiilaha shirk adda Dahabshiil ee
ku caanbaxday xaga xawaaladaha lacagaha la isu diro.
Mudanayashu waxay sheegeen inay taasi uga danleeyihiin in ku dhiiri
geliyaan shakh siyaadka muujiya waxqaabdkooda dhabta ah ee
gacanta siiya bulshadooda ay ku dhex nool yihiin.
Source:Haatuf
|