Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan
 


Reer Togdheer Imika Waxay Marayaan 9 Warshadood, Waxaan Leeyahay Soo Maalgashada Sida Qayrkiin Gobolkiina, Haddii Kale Naga Daaya Dhibta Iyo Waxayaabaha Dadka Kala Dilaya Ee Mudooyinkan Dambe Lagu Qorqoro Internetka” Xildhibaan Cali Obsiiye (Cali Gabiley)


Boorama, November 1, 2010 (TNN) - Xubo ka tirsan labada gole oo ka soo jeeda Gobolka Awdal oo ay  wehel inayaan Wasiirka Beeraha iyo Wasiir ku xigeenka Waxbarashada oo maalmahanba ku sugnaa magaalada  Bo orama ayaa eedo kulul u soo jeediyey qurba jooga Reer Awdal, kuwaas oo ay ku tilmaameen inay wadaan Kicin iyo abaabul ka dhan gobolka Awdal iyo guud ahaan dalka Somaliland.

Xubnahaasi oo shirjaraa’id shalay ku qabtay Hotel Rays ee Boorama ayaa tilmaamay in Qurba jooga Awdal ay dalkooda soo maalgashadaan, kana dalbadeen inay faraha kala baxaan waxyaabaha ka dhanka ah  Soma liland.

Xildhibaan Cali Obsiiye (Cali/gabiley) oo halkaasi ka hadlay ayaa Amaan u soo jeediyey Bulshada reer reer Awdal, isaga oo sheegay in ay Boorama tahay Hooyadii dhashay Somaliland, isla markaana waxa uu ka  co dsaday dadka reer Somaliland inay u qiraan Awdal hooyadii dhashay Somaliland, waxaanu intaas raaciyey hadal canaan iyo guubaabo iskugu jira oo uu u jeediyey qurbajooga Awdal waxaanu yidhi, “Qurbajooga reer Awdal ee dibada ku maqan waxaan leeyahay dadkiina iyo dalkiina soo maalgashada, Gobolka Awdal wuxuu ahaa meeshii u horaysay ee laga furay Jaamacad, wakhtigaa gobolo ayaan lahayn Dugsiyo Dhexe sida  Tog dheer, imikana waxay marayaan 9 warshadood, waxaan leeyahay soo maalgashada sida qayrkiin gobolkiina, haddii kale naga daaya dhibta iyo waxayaabaha dadka kala dilaya ee mudooyinkan dambe lagu qorqoro  Int ernetka, ee la leeyahay inan yar ayaa waxaas soo qoray”.

Sidoo kale waxa isna halkaas ka hadlay Xildhibaan Nuur Rayaale iyo Xildhibaan Suleex Madar oo fariin u  dir ay qurba jooga Awdal ay kaga dalbanayaan inay joojiyaan dhibta beryahan dambe ay ku hayaan gobolka ee ah kicinta iyo abaabulka, taas oo ay ku sheegeen inay tahay waxa aan soconayn, waxaanay intaa ku dareen inay caruurtoodu joogto, isla markaana ay ku noolyihiin Dalka, balse nin caruurtiisii geystay dibada aanay ka aqbalayn inuu dhib ka abuuro gobolka ama Somaliland.

Xildhibaan Ibraahim Ciise ayaa isna wuxuu ku dheeraaday in loo baahan yahay in meel laga soo wada  jees to, isla markaana ay raacsan yihiin xukuumada cusub ee la soo doortay taas oo ay ku dardaarayaan  cada alada.

Sidoo kale Waxa iyaguna sidaa si la mid ah u dhigay hadalkooda Suldaan C/raxmaan Geele oo isagu aad ugu dheeraaday midnimada Somaliland iyo kaalinta ay ku leeyihiin dadka reer Awdal wuxuuna carabka ku  dhuf tay in odayadii ka shaqeeyay dawladnimada Somaliland ee ka soo jeeday gobolka Awdal Taalo looga dhiso goobtii ay ku dhiseen dawladnimada oo ahayd dugsiga sare ee Sheekh Cali Jowhar, duqaydaas oo intoodii badnayd ay dhinteen. Waxa isaguna dhankiisa hadalkaa raaciyay Suldaan Xasan Xadi Bade oo sheegay  in ay gaadheen iyaga iyo waftigu is-afgarad, isla markaaana ka madaxdhaqameed ahaan ay iyagu dhankooda ula hortegi doonaan wixii tabasho ah Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo si wixii ka maqan  gobolad an aan ugu raadsano, rajona ka qabna in aan guul ka gaadhi doono.

Dhanka kale waxaa iyaguna halkaas hadalo kookooban ka jeediyay Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi iyo Wasiir Ku xigeenka Waxbarashada Cali Xaamud, kuwaas oo halkaas ka cadeeyay in ujeedadii safarkooda ay ku  yi maadeen magaalada Boorama ay ka gaadheen guul iyo is afgarad wacan, waxayna u rajeeyeen  waxgarad ka reer Awdal inay ka dhabeeyaan hirgelinta waxyaabaha ka soo baxay shirarkoodii oo ay ka ahaayeen  ad kaynta nabadgelyada iyo in la isbarbar taago xukuumada cusub ee Madaxweyne Siilaanyo iyo madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan Saylici, waxa isna halkaas ka hadlay badhasaabka gobolka Awdal oo isagu sheegay in cashuurtii laga qaadi jiray Awdal ay imika 50% korodhay, halkaasna laga garanayo in dadka ku dhaqan gobolku ay yihiin qaar wax walba ugu horeeya Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee waxay Arintani noqonaysaa markii u horaysay ee ay Eedayn u soo jeediyaan  xubn aha labada gole ka jira Gobolka Awdal, qaar ka mid ah qurba jooga Awdal, sidoo kale qurbajooga reer  Awd al ayaa iyagu kala siman xaga horumarka dalka qurbajooga kale ee Somaliland, waxyaabaha la taaban karo ee ay qabteena waxaa ka mid ah jaamacada Camuud, Cusbataalka Al-xayat IWM, balse sida hadalku u  dha cayay ayaad moodaysay in ay Xildhibaanadu sheegayeen qurbajoog aan ahayn kuwa wax tarka u leh  gobo lka, inkasta oo aanay hadalkooda ku kala qeexin, inkasta oo hadalkooda ay ka muuqatay canaanta iyo  Eed aynta qurbajooga ka sokow ay dadka gobolka ku dhaqan laftooda ku waaninayeen magaca Somaliland, ta as oo laga dhadhansanayay inay jiraan dadyow u dheg taagaya arimo malo awaal ah oo beryahan dambe dadka la soo dhexgaliyay oo sheegaya Awdalland, laakiin ah been iyo waxyaabo aan sal iyo raadtoona  lah ayn, balse loogu suurayn karo cida aan ka warqabin warar xaqiiqo ah. Hase ahaatee waxay dad badani isweydiinayeen sababta ay xubnaha golayaasha u metelaa ay sida dhiiran ee ay iyaga ula hadlayaan, uga hadli waayeen golyaasha ay ku jiraan dhexdooda, taas oo u kordhin lahayd sumcada dhanka gobol iyo Somaliland, waxa noqon lahayd mid sii walaalaysa shacabkooda iyo shacabka gobolada kale, Sawirka imika shacabku qaadanayo xubnahan ayaa noqonaya, midka duqaydii ay la kulmeen ku tilmaameen xubno  dher igooda bislaysan yaqaan, maadama ay u badnaayeen xisbigii talada laga helay ee UDUB iyo la taliyayaashii Madaxweyne Rayaale, isaga oo gudidaas uu gudoomiye uu u ahaa C/laahi Dheere oo imikana horkacayay weftiga inkasta oo uu shirka jaraa’id ka maqanaa.


Source:Haatuf