Xubnaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE Oo Lagu Kala Calaf qaad ay Iyo Qiyaasta Saamiga Ay Kala Haystaan Musharaxiinta Xisbiga KULMIYE

 


 
 Hargeysa (TNN) :– Loolanka u dhaxeeya mudanayaasha ku loolamaya hanashadda Xisbul xaaki  ka KULMIYE ay aa wali ku hirdamaya kala jira Xubnaha Golaha dhexe oo wakhtigan noqday xudu nta ugu muhiimsan ee guusha lagu kala hanankaro.

inkastoo aanay Loolankani wali ka dhex muuqan Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxa med Samaale iyo Xildhibaan Kijaandhe.Xogo Wargeyska Sahan helay ayaa muujinaya in garabka Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi si weyn ugu gacansareeyo xubnaha golaha dhexe , guddoomiye Muuse Biixi ayaa hay stay aqlabiyadda Xubnaha Golaha dhexe oo ku salaysan beelo.

Beelaha Saamiga ugu badan ku leh golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa ah qaar badidoodu ga canta ugu jira Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo garabkiisa , Wasiirka Arrimaha debedda Mudan e Maxamed Biixi Yoonis oo ah garabka ilaa hadda sidda weyn looga dareemayo loolankooda xis biga Kulmiye ayaa u muuqda kuwo loolankood u ku hambaasamay shirar beeleedyo aan xidhiidh la ahayn golaha dhexe ee Xisbiga.


Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo ka kooban 322 xubnood ayaa qaarkood ay xisbiga ka baxeen, halk a siddoo kalenna aanay tiraddani ku jirin Xildhibaanadda iyo Golaha wasiiradda oo iyagu si toos ah uga mid noqo naya xubnaha golaha dhexe ,Wargeyska SAHAN ayaa helay sa amiga ku salaysan beelo oo ay mudanayaasha Ku lagdamaya hogaanka Xisbul xaakimka kulmiye u kala hantiyeen Xubnaha golaha dhexe iyo saamiga beeluhu u kala taageereen musharaxiinta Xisbul Xaakinka ee ku wajahan shirka Golaha dhexe fooda inagu soo hayo.

 

 

 

 

 

Source: Wargeyska Sahan