Xubin ka Tirsan Komishanka Doorash ooyinka oo Qiray Jiritaanka Fadeexaha Musuqmaasuq ee Hadheeyey Guddigooda

 

Khaladaadka dhacay ma aha mid Komishinku wada leeyahay ee xubno gaar ah ayaa khaladka sameeyay. Sidaa awgeed, waxaan odhan lahaa si loo ogaado shakhsiyaadka khaladaadka sameeyey guddi ha loo saaro” Mr. Axmed Bidaar


Mr. Md. Axmed Maxamed (Bidaar) oo ka tirsan xubnah a Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa ku baaqay in guddi baadhiseed oo madaxbannaan loo saaro fadeexadaha maamul iyo musuqmaasuq ee hadheeyey Komishanka.

Sidaana waxa Mr. Bidaar kaga dhawaaqay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Hargeysa, isagoo ku baaqay in guddi madaxbannaan oo ka kooban axsaabta qaranka loo saaro baadhista khaladaadka iyo fool-xumooyinka ka soo ifbaxay Komishanka Doorashooyinka.

Md. Axmed Maxamed Bidaar oo ah xubinta xisbiga UCID soo xulay, waxa kale oo uu soo dhaweeyey dukumenti xambaarsanaa warbixin daaha ka fayday fadeexado musuqmaasuq iyo maamul-xumo maamul hadheeyey Komishinka Doorashooyinka oo saxaafaddu baahisay, isagoo dhinaca kalena ganafka ku dhuftay aragtiyaha sheegaya in la kordhiyo tirada xubnaha Komishinka.

"Waraqaddan jaraa’idka lagu soo qoray waxay ka abuurantay mashaakil Komishinka Doorashooyinka ka dhex taagnaa wakhtigii aan u xilsaarnaa in Komishinku soo ururiyo xogaha la doonayo in laga wadahadlo khaladaadkii xubnaha guddiga dhexdiisa ku jiray. Waxa dhacday markii aan soo dhammaynay khaladaadkii ee la soo hordhigay Komishinka khaladkii oo dhan in wax garowshiiyo ah qodobaddii ku qornaa warqadda la siin waayey oo ay u muuqatay qof-jeclaysi amma siday doonto ha noqotee wax lagu socon karo oo doorasho lagu geli karo may ahayn, waayo inaad u aamini wayday miisaaniyaddii amma wax ka mid ah shaqadii Komishinka."

"Anigoo filaya in dadweynuhu saxaafadda ka wada akhrisateen warqaddaasi jaraai’idka lagu qoray qodobaddaasi waxay ahaayeen kuwo wada run ah, waxaanay qodobaddaasi sheegayeen wixii taagnaa markaas, markii la garowsan waayey ee ay garawshiiyo weyday warbixintaasi ilaa maanta ayey warbixintani iskeed u soo baxday, qofkii joornaallada ku qorayna sax buu ahaa, waayo haddii Komishinku sixi waayey khaladaadkiisii, markaa dadweynihii igmaday markii horeba ayaa waajib ah inay saxaan," ayuu ku daray Axmed Maxamed.

Waxa kale oo uu sheegay in khaladaadkaasi yahay mid aanay wada lahayn xubnaha guddigooda oo dhan, balse ku kooban yahay xubno gaar ah. "Haddaba, khaladaadka dhacay ma aha mid Komishinku wada leeyahay ee xubno gaar ah ayaa khaladka sameeyay. Sidaa awgeed, waxaan odhan lahaa si loo ogaado shakhsiyaadka khaladaadka sameeyey guddi ha loo saaro, guddidaas oo ka kooban saddexda xisbi amma Golaha Wakiilada Somaliland. Markaa waa in dadkii khaladka sameeyay baadhitaan lagu sameeyaa, sharciga iyo xeerka doorashooyinku dhigayana la mariyo, haddii ay tahay xubinimo lagu waayayo, hadduu musuqmaasuq noqdana waa in maxkamad loo horgeeyo, markaa si aan khaladka dadka loo wada saarin waa in xaqiiqo-raadin loo sameeyo si ciddii ku lug leh waajibkeeda loo mariyo,” ayuu yidhi Axmed Maxamed.

Mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd in guddida uu ku baaqayaa ay tahay mid ujeeddadeedu tahay in lagu soo saaro khaladaad iyo fadeexado musuqmaasuq oo warbaahintu maalmihii la soo dhaafay ka faafinayeen Komishanka, waxa uu ku jawaabay; "Haa, iyadoo weliba ay jiraan waxyaabo kale oo marka guddidu baadho soo bixi kara."

Ugu dambayn, mar la weydiiyey sida uu u arko qorshe dhawaan axsaabta qaranka iyo Komishanku iskula qaateen in la kordhiyo tirada xubnaha Guddiga Doorashooyinka, ayaa gebi ahaanba ganafka ku dhuftay hindisahaas, "Soo kordhinta xubno cusub anigu xal uma arko. Tusaale ahaan; haddii sallad ay ku jirto khudrad khaa’is ah oo lagu rido laba amma saddex midh oo cusub way isla wada xumaanayaan," ayuu yidhi Mr. Bidaar.




Jamhuuriya Online