Xubin ka tirsan Guddiga doorashooyinka oo ka jawaabay qoraalkii Midowga Yurub

 

Komishanka ahaan kama warqabno dhaqaalaha Deeqbixiyeyaashu ku taageereen Somaliland, Interpeace-na…”

Axmed Maxamed Xaaji Bidaar……..Waraysi gaar ah


Axmed Maxamed Xaaji Bidaar oo xubin ka ah Guddiga sare ee Komishanka doorashooyinka qaranka, ayaa sheegay in aanu jirin xisaab-xidh Komishan ahaan dhinacooda ku baaqday oo ay Midowga Yurub sabab uga dhici karaan xanibaada dhaqaalaha ay ugu talogaleen doorashada Madaxtooyada.

Axmed Xaaji Bidaar oo uu xalay waraysi gaar ah khadka Telefoonka kula yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu caddeeyay in aanay Komishan ahaan ka warqabin xaddiga uu dhan yahay dhaqaalaha Deeqbixiyeyaashu ku taageereen geedi-socodka Dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland, ka dib markii ay hay’adda Interpeace oo dhaqaalahaasi soo maraa ka gaabsaday inay Komishanka la socodsiiso. Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanaya, wuxuu u dhacay sidan;


S: Bal mar hore faahfaahin naga sii jadwalkan cusub ee aad soo saareen ee la xidhiidha hawlaha iyo waqtiga cusub ee doorashada Madaxtooyada?


J: Sidii aanu markii horeba u sheegnay, waa waqti aanu u baahanahay agabka doorashada lagu geli lahaa oo dhami inuu yimaado, shaqaalaha la qoro, la tabobaro oo doorashaduna si nadiif ah oo aan dhibi ku jirin ugu dhacdo.


S: Midowga Yurub ee maalgeliya doorashooyinka iyo geedi-socodka Dimoqraadiyadda Somaliland, waxay Komishan ahaan idiin soo direen qoraal ay ku sheegeen in aydaan u gudbin xisaab-celintii lacagtii Diiwaangelinta, taasoo ay ku xidheen soo-daynta dhaqaalaha doorashada Madaxtooyada. Markaa maxaa sababay in aad xisaab-xidhka u gudbin waydaan?


J: Runtii, saaka (shalay) baan jaraa’idka ku arkayay, muddo ka horna sidaas oo kale joornaalada way ku qoreen. Markaa siday iyagu u dhigeen waxay ahayd in aanu annagu lacag lunsanay, laakiin wax aanu annagu Komishan ahaan lunsanay may jirin. Balse, waxay ahayd uun intii aanu ku jirnay Diiwaangelinta oo dadka oo dhami wada mashquul ahaa, xilligii ay ahayd in aanu xisaab-celintii u gudbino oo keliya bay ahayd, laakiin markiiba waanu dhamaynay oo wax arrintaas nagaga xidhani ma jiro. Waxyaabaha ay kaga hadlayeen tan Richard Hands (masuulka qoraalka Midowga Yurub ku saxeexnaa) waxay ahayd 25%-kii Somaliland ku daraysay, taasna way naga soo dalbadeen….Markii Deeqbixiyeyaashu inoo yimaadeen 17 February 2009, ka hor ayaanu warqad u qornay Hanti-dhowrka Guud ee dawladda, dabadeedna way yimaadeen oo way sameeyeen, iyadoo weliba Hanti-dhowrka Dawladda iyo Hanti-dhowr kale oo gaar ahaa oo noo shaqaynayay ay labadooduba ka shaqeeyeen xisaab-xidhkii, wax cilad ah oo ka soo baxayna muu jirin, iyagana waanu u gudbinay isla maalmihiiba. Markaa waxay ahayd in iyaga xafiiskooda gudahooda iyo qoladan Interpeace ee ay wada-shaqeeyaan is wargeliyaan.


S: Markaa Interpeace baan xisaab-xidhkaa aad Komishan ahaan samayseen u gudbin miyaa qoladan Deeqbixiyeyaasha ah ee reer Yurub?


J: Waa sida aanu u malaynayno. Markaa waanu u gudbinay annagu, maantana waxaanu u dirnay mid kale oo isla warbixintaa hore ee xisaab-xidhka ah. Waa wax gudahooda ah’e, wax annaga na khuseeya maaha. Anigu waxaaban u haystaan Richard Hands-kan ay sheegayaan inuu Madax u yahay Interpeace, marka la eego sida uu u difaaco. Waayo; kharashkii Diiwaangelinta ee la inagu caawiyay ee dhowr iyo tobanka Milyan ee doolar ahaa, ilaa imika lacagtaasi waxay ku baxday iyo si ay u baxday wax ay naga ogaysiiyeen ma jirto, iyagaana gacanta ku hayay oo bixinayay. Annaga oo isaga (Richard Hands) shir kula jirna, Anigu waxaan ku idhi waar bal noo sheeg dawladdaha Deeqbixiyeyaasha ah ee na caawiyay, ilayn waa la kala ogaadaa cida wax ku tartay marka aad baahan tahay iyo cida kale’e. Waa sax buu igu yidhi, laakiin nooma sheegin oo wuu iska baxay. Markaa xataa wax alla wax ay naga ogaysiiyeen lacagtaas qoladan Interpeace ma jirto, mana jirto wax ay na yidhaahdeen intaas baa Somaliland lagu caawiyay, noomay sheegin ilayn waa caawimo la siiyay Somaliland, iyaguna waa cidii ay soo maraysaye. Kharashkaa annagu meel ay xisaab-xidh ku sameeyeen, cid ay u sameeyeen iyo wargelin ay naga siiyeen midna ma jirto, tan ay ka hadlayaana waa 25%-kii ay ahayd in Somaliland ku darto.


S: Markaa taas macnaheedu sow maaha in aanay cadayn xaddi ahaan inta ay dhan tahay caawimada Somaliland la siiyay?


J: Annaga Komishan ahaan nooma cadda….Waxa Somaliland bixisay waa 25%, markaa inta ay 25%-kaa ka hadlayaan, tan dhowr iyo tobanka Milyan ah may ka hadlaan oo ay naga qanciyaan oo ay yidhaahdaan waa mucaawimo lagu caawiyay Somaliland.?


S: Axmedow, waxa jira in aanu weli hawlgelin Server-ka ama Mishiinka kala hufaya Diiwaangelinta. Markaa ilaa hadda maxaa hortaagan in la hawlgeliyo Server-ka?


J: Runtii taasi way jirtaa…Server-ku wuu shaqaynayay, laakiin sidii la doonayay umuu shaqaynayn. Laakiin, inkastoo aanan eegin oo aanan hubsan, haddana maanta (shalay) markii aan waydiiyay inanka ka shaqaynayay, wuxuu iyagu yidhi waxa lagu daray oo la kordhiyay intii ay markii hore awoodiisu ahayd. Markaa wuxuu iigu sheegay rajo wanaagsan oo ah in intii xawaarihiisa sidii qorshuhu ahaa uu gaadhayo oo ah daqiiqadii afar boqol oo kun, waxaanu igu yidhi hadda wuu gaadhay waanu ka kordhi karaa.


S: Markaa goormaa laga yaabaa inuu hawshiisa bilaabo?


J: Horta, ilaa beri (maanta) waanu hubin doonaa inay sidaasi dhab tahay. Markaa hadday sidaasi dhab noqoto, waxa keliya ee noo hadhay waxa weeye in aanu xisbiyada u sheegno si ay u soo dirtaan goob-joogeyaashii hawsha ula soconayay siday wax u socdaan iyo in aanu samayno xafladii furitaanka ama bilawga hawsha Server-ka oo aanu ku soo casuuno saddexda xisbi, goleyaasha iyo wax-garadkaba.


S: Dhaqaalaha Boqolkiiba shan iyo labaatan (25%)-ka ah ee dawladda Somaliland ku daraysay arrimahan doorashooyinka iyo Diiwaangelinta, ilaa hadda Komishan ahaan ma idin soo wada gaadhay?


J: Inta dawladdu ku dartay 2.5 Milyan iyo badh (Doollar) buu ahaa sidaan filayo. Markaa 1.5 wuu na soo gaadhay, Halka Milyan ee kalena waxa ku balanqaaday Deeqbixiyeyaasha oo yidhi annagaa ku darayna, taasoo ay balanqaadeen xilligii hore ee muranku u dhexeeyay axsaabta….Markaa Deeqbixiyeyaasha ayaa taasna balanqaaday inay bixinayaan.


S: Axsaabta iyo dhinacyo kaleba waxay sheegaan in aanay wanaagsanayn wada-shaqaynta dhexdiina mar la eego todobadiina xubnood ee Guddiga Doorashooyinka. Markaa waqti xaadirkan waa sidee wada-shaqayntiinu Guddi ahaan?


J: Horta, waxay dadku yidhaahdaan had iyo goor sida aanu anigu u arko badidoodu run maaha. Waxa weeye; Bani-aadamku wuu is qaban karaa oo laba shaqsi way is qaban karaan. Laakiin, xilkayagu hawl qaran weeye, hawshaa qarankuna u istaagi mayso, u cadilmi mayso una joogsan mayso laba qof oo is qabtay ama isu cadhooday, waanay soconaysaa hawshu. Markaa waxba yaanay taas dadku hadal ka dhiganin, wax dhibaato ah oo annaga na dhex taalaana ma jirto, wixii yimaada ama soo kordhana xalkeedu annaga uun buu na saaran yahay. laakiin, muhiimadu waxa weeye wax kasta oo dhacaa in aanay noqonin mid umaddu u cadilmin, shaqaduna isu taagin oo aanay saamayn ku yeelan.


S: Waxa jira in xisbiyada Mucaaradka qaarkood welwel ka qabaan dib-u-riixida doorashada oo la xidhiidha mararkii hore ee ay xilliyadii loo qorsheeyay ka dib dhacday iyo marka la eego xaaladdan hadda la galay. Markaa Komishan ahaan maxay tahay damaanada aad u haysaan in aanay doorashada Madaxtooyadu mar kale dib uga dhicin waqtiga’aad u qabateen ee 31 May 2009?


J: Annagu maalintii aanu arrintan goynaynay todobadayada xubnood ee Komishankuba waanu isu dhamayn, waananu ka wadahadalay, waxyaabo badan baan is tusnay inay suurtogalayso iyo siday u dhacayso. Laakiin, go’aankayagu wuxuu ahaa waqtigaa aanu u goynay inay ku dhacdo, waxaana go’aankayaga ku jirtay haddii ay wax kale soo baxaan oo tusaale ahaan; Server-ku waa shay (item) keliya oo haddana hawl-bawle ka ah doorashada. Sidaa darteed, waxaanu go’aansanay in haddii uu xumaado ama waxba ka soo bixi waayaan (hawsha kala-shaandhaynta dadkii isdiiwaangeliyay) in aanay wax dhib u dhac la yidhaahdo oo dambe imanin oo si kastaba ha ahaatee doorashadu dhacdo maalintaas (31 May 2009).
S: Ugu dambayntii, waxa la sheegaa in hay’adda Interpeace ay lugta kula jirto oo ay saamayn ku leedahay go’aamada Guddigiina Komishan ahaan, maxaa taasi ma jirtaa, haddii ay jirtose maxaa sababay?

J: Runtii wax way ka jiraan, laakiin waxay ku xidhan tahay shaqsiga markaa la xaajoonaya, sababtoo ah waxa hogaaminta la yidhaahdaa maaha wax Dukaan laga soo iibsado, waana wax uu qofku barto, Kulliyad u galo khibradna u yeesho weeye. Markaa waxyaabo way iska dhacdhacaan….Haddaad adigu shaqadii aad lahayd qof kale ka sugto adigay doqoniimo kuu tahay, laakiin waxa weeye in laga feejignaado in aanay taas oo kale dhicin.
 




Wargeyska Ogaal