'' Xoriyada Saxaafadu Maaha ku Xad-gudubka Xurmada Qofka iyo Sheegida War aan Sal iyo Raad lahayn!, ''
Wasiir Xirsi
 



" Waxaan Kula Talin Lahaa Shabakada Hadhwanaagnews In Ay Bartaan Qaabka War Qorida Oo Ay Soo Waraystaan Dhinacayada kala duwan, Waa Hadii Ay Dhawrayaan Akhlaaqiyaad ka War Qorida "Ethics" balse aanay noqon Dayday Qalin" Sida aynu ognahay dunidu maan ta waxay ku sii dhawaanaysaa nidaam sahlaya in dadku ku wada noolaadaan sidii qol kaliya "Globalization” , taasina waxay aad kor u qaadaysaa doorka saxaafada adeegsanaysa war b ahinta qaybaheeda kala duwan.

Hadaba, sida aynu la socono saxaafadu waa iftiin caawiya wixii saxsan isla markaana toosh weyn saara wixii qaldan taasi oo looga dan leeyahay in keliya wax saxmaan .

Ujeedada laga leeyahay Saxaafadu waxay ka bilaabantaa kuna dhamaataa Wax toosin iyo tilmaamid! Balse waxaa muuqanaysa in nidaamkaas ay baal marayso Shabakada Hadhwana agnews isla markaana wixii wanaagsan aanu u cuntamin taas bedalkeedana jecel yihiin she egida war aan sal iyo raad toona lahayn oo aanan garanayn cida ku farxsaysa!

Waxaan la yaabay markaan akhriyey maqaalka aan halkan ku soo lifaaqay kaasi oo ay ku sheegeen in aan 180,000 oo lacagta Pound-ka ah aan uugu deeqay ganacsade London Hot el ku leh oo ganacsigii ka xidhmayey waa siday hadalka u dhigeene!

http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=140842#sthash.u6T168K0


Sidoo kalena ay dhaliil iyo lacag lumin ka tilmaameen in aan Arday Qalinjabisay wada qaada nay kulamo aan uga dan lahaa dhiirigelin, guubaabin, duco iyo la farxad qaybsi!

Si xun Wax u Sheeg sixir ka darane, waxaan qalinka u qaatay in aan si buuxda u beeniyo warkaas awalba beenta ahaa!

Ujeedadaydu maaha oo kaliya in aan maqaalkaas ka dareen celiyo oo aan beeniyo balse wa xaan uuga dan leeyahay marka dambe ee ay damcaan in ay war qoraan in ay bartaan qaa bka war qorida oo ay soo waraystaan dhinaca kalena, waa hadii ay dhawrayaan akhlaaqiy aadka war qorida "Ethics” balse aanay noqon dayday qalin!

Waxaynu ognahay marka aad doonayso in aad qof wax ka qorto wuxuu qofku xaq u leey ahay in aad waydiiso in uu warkaas iska difaaco iyo in uu qaato, balse aanay ahayn in aad qofka maskaxdaada oo keliya ku qiimayso.

Anigu naftayda waligay uma damqan oo qoraalka qalinka qaldan ima niyad jabiyo balse wax aa I damqaysa in Ganacsatada halkii looga ducayn lahaa waa la caawiyey cay laga dhigo iy adoo aanay dhicinba sidoo kalena la farxida Aqoonyahanka dalka u soo qalinjabiyey laga da yriyo!

Waxaan u hambalyeynayaa Saxaafadda kala duwan ee ka hawlgasha dalkeena Somaliland oo in badan oo ka mida u dhaqmaan si xirfad badan ka muuqato inta kalena waxaan rajayn ayaa in ay xoriyada badan ee dalkeenu siiyay aanay si qaldan u isticmaalin.

Dhamaan Ganacsatada kala duwan ee dalka iyo dibediisaba ku nool waxaan u rajaynayaa in Alle u Barakeeyo Ganacsigooda isla markaana kobciyo.
 

 


Wa Bilaahi Tawfiiq.