Xoolihii ugu badnaa oo ka dhoofay sanadkan Berbera iyo Maraakiib
sida shixnado kala duwan oo ku soo xidhaya Dekedda
Berbera (TNN) Laba Milyan iyo dhawr boqol oo kun oo Neef oo Adhi ah
iyo afar boqol oo ku n oo Geel iyo Lo’ ah ayaa dekedda Berbera ka
dhoofay sanadkan, waana Xoolihii ugu badn aa ee Som aliland ka
dhoofa Moosinada Xajka mudadii 21-ka sano ah ee ay jirtay.
Sida uu Waaheen u xaqiijiyay isu-duwaha Wasaaradda Xanaanadda
Xoolaha ee Gobolka Sa axil Dr: Cali Maxamud Guuleed waxa labada
Maxjar ee Al-jaabiri iyo Indha-deero ka dhoofa y Laba Milyan oo Neef,
waxaana mudada Shanta Cisho ah ee hadhsan u qorshaysan inay ka
dhoofaan ilaa shan boqol oo kun oo Neef.
Isuduwaha Wasaaradda xanaanadda Xoolaha ee Gobolka Saaxil isla
markaana ah Masuulka Xukuumadda u qaabilsan Maxjaradda iyo Xoolaha
ka dhoofaya waxa uu sheegay sanadkani inuu yahay kii ugu badnaa ee
ay Xoolo intaa leegi ka dhoofaan Dekedda Berbera, isagoo xusay inay
wali qul-qulayaan.
“ sanadkan waxa dhoofaya Laba Milyan iyo dhawr boqol oo Neef ama ku
dhawaad Sadex Milyan oo Neef waa sanadkii ay ugu badnaayeen Dhoofka
Xooluhu. Inta imika dhooftay waa Laba Milyan iyo dhawr boqol oo
isugu jira Adhi, Geel iyo Lo’. Walina way socdaan oo waxa hadhay
shan Cisho, waxaananu filaynaa shantaa Cisho ilaa sadex Milyan inay
buuxs ami doonaan” ayuu yidhi Dr: Cali
Dhinaca kalena, wararka naga soo gaadhaya Magaaladda Berbera ayaa
sheegaya in Mara a kiib waaweyn oo sida Shixnado kala duwan oo ay
leeyihiin Ganacsatadda Somaliland inay ku soo xidheen Dekedda
Berbera oo wakhtigan u muuqata mid la Ciir ciiraysa bagaash iyo
Koontiinaro ay ku jiraan alaabo kala duwan.
Maraakiibta timid toddobaadkan waxa ka mid ah Markabka la yidhaadho
BILL oo qaada lix boqol oo koontiinar oo ah nooca dhaadheer iyo
Markab kale oo aan hore noociisa oo kale ugu soo xidhan Dekedda
Berbera oo siday shan boqol iyo afar baabuur, kaasoo ahaa nooca daba
furka loo yaqaano oo laga lahaa Dalka Suudaan.
Berbera oo wakhtigan ka baxaysa Bad xidhankii xagaaga ayaa waxa ka
socda dhaqdhaqaa q Ganacsi oo isugu jira Xoolo dhoofaya iyo
Maraakiib raran oo sida Bucsharado ka kala yimi daafaha Dunida.
Dhoofka Xoolaha sanadkan iyo Maraakiibta kale ee ku soo xidhatay
Dekedda Berbera ayaa lagu qiyaasayaa sandkan inay Xukuumadda
Somaliland ka helayso Dakhli farabadan oo aan la filayn, kaasoo ka
imanaya badnida tirada Xoolaha iyo Khidmadii ay Xukuumaddu ka jartay
Ganacsatada Carbeed ee leh labada Maxjar.
Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Wasaaradda Maaliyadda Wali Daa’uud oo
aanu wax ka weydiinay dakhliga la fili karo sanadkan ee ka soo
xeroon doona Xoolaha Dhoofay waxa uu yidhi ” waxa Odoroska
Miisaaniyadda noogu jiray inay ka soo xeroodaan 11 Milyan oo Dool ar,
hase yeeshee waxa la filayaa inay ugu yaraan laba ilaa saddex Milyan
oo dheeraad ahi ka soo baxaan” ayuu yidhi
Source:Waaheen
|