DEKEDA BERBERA OO LAGA JEBIYAY QUFULKII DHOOFKA XOOLAHA EE AL JAABIRI

 

Xukuummada Somaliland ayaa fasaxday in xoolaha si madax-banaan looga dhoofiyo Dekada magaalada Berbera, islamarkaana qaar ka mid ah ganacsatada madaxa-banaan ayaa shubay xashuurta Kumanaan neef oo Adhi ah oo loo sii marinayo dalka Djabuuti wadanka Sucuudiga.

Af-hayeenka guddiga Ganacsatada kooto-diidka ah ee Xoolaha Cabdiraxmaan Maxamed Xusseen (Shidaar) oo xalay khadka Isgaadhsiinta nagula soo xidhiidhay ayaa sheegay in xalay dekada magaalada Berbera ay ka bilaabantay rarka Afartii doonyood ee ugu horeeyay oo mid kastaa qaadi karto ilaa afar kun oo neef (4000), ka dib markii dhawaan Madaxweyne Rayaale ku dhawaaqay in la fasaxay dhoofka Xoolaha laga bilaabo 25-kii bisha December ee dhamaatay, “Hadalkii Madaxweynahu saxaafada ku cadeeyay markii dhawaan socdaalka ku joogay Jabuuti, wax ka danbeeyay oo dhaq-dhaqaaq ahi ma jirin, marar badan oo aanu la xidhiidhnay xukuumada oo aanu damacday inaanu dhoofsano xoolahana, waxay nagu qancinayeen masuuliyiinta hayadaha ay khusaysaa in wareegto la soo saarayo oo arrintii weli Madaxweynaha ku xidhan tahay.

Caawa (Xalay) ayaana ugu horeysa wax xoolo ah oo ganacsatadayada loo ogolaado inay ka raraan dekada Berbera, waxa ka bixi jiray uun Xoolaha AL-jaabiri” Sidaas ayuu yidhi afhayeenka Gudiga ganacsiga xoolahu, hase ahaatee waxa uu iftiimiyay in aanay ilaa hadda helin wareegto rasmi ah oo xukuumadu ku ogolaatay dhoofka xoolaha balse, loo sheegay in masuuliyiinta wasaarada Xanaanada xoolaha iyo maaliyadu amar afka ah fareen hawl-wadeenada dekada. “Markii xoolihii laga soo raray magaalada Laascaanood iyo Burco oo loo waddo Jabuuti haamaha Berbera agtooda gaadiidku kala leexday, waxa yimi culays badan oo cashuur la’aaneed. Markaa, caawa (Xalay) ayaa la ogolaaday oo Wasiirka xanaanada Xoolaha iyo Maaliyaduba ay amar afka ah ku siiyeen saraakiishooda joogta Berbera in ganacsatada loo ogolaado dhoofinta Xoolaha.” Sidaas ayuu yidhi Shidaar, waxana uu intaa ku daray oo uu tilmaamay in wixii ka danbeeyay, dhawaaqa Madaxweyne Rayaale, uu kor u kacay qiimaha uu neefku ka joogo Sayladaha Somaliland.

In kasta oo shalay ka hor gaadiid lagu daabulayay oo aan la ogolaan in laga dhoofiyo Dekada Berbera. “In kasta oo Carafadii la soo dhaafay hadana, qiimaha Neefka Adhiga ahi ka joogo Saylada Hargeysa iyo Burco, lagama siisanayn wakhtigii lagu jiray Carafada waxana Neefka la kala siisanayay maanta (Shalay) Sayladaha Somaliland $ 55 ilaa 60 doolar.

Dadkii xoolohooda loo jaray waxay heleen tar-tan iyo suuq ay neefkooda ku baayacaan.” Ayuu yidhi Af-hayeenku waxana uu intaa ku daray oo sheegay in Xoolo badan durba loo dhaadhiciyay Berbera, kaasoo uu ugu horeeyo ka xalay laga raray.

Waxa jiray shir la filayay in Ganacsatada Xoolaha ee koota diidka ahi isugu yimaadaan bishii december 25-keedii kaasoo ay Guddiga ganacsatadu hore u sheeciyeen. hase ahaatee, Afhayeenka Ganacsatada oo uu shirkan jaraa’id oo dhinaca Telefoonka ahaa uu ku wehelinayay Cabdilaahi Carab oo ka mid ah guddiga ganacsatadu waxa ay sheegeen in shiraas dib loogu riixay ilaa 15-ka bishan sababo la xidhiidha howlihii diiwaan-gelinta iyo weliba dhawaaqii Madaxweynaha oo ku soo beegmay darteed.

Ganacsatada Xoolaha iyo Xukuumada ayaa muran xooglihi ku dhexmaray dhoofka Ganacsiga Xoolaha oo Xukuumadu gaar ugu xidhay Ganasde Sucuudiyaan ah oo lagu magacaabo Saleebaan Al-jaabir. Kaasoo, markii ugu danbeysay Bishii July ee sanadkii aynu soo dhaafnay helis geliyay amaanka dalka ka dib markii Ganacsatadu ku daabuleen Xoolo badan Dekada Berbera.

“Labadii hadaf ee aanu xukuumada isku heynay midi wuxuu ahaa, in xoolaha la furo iyo in la sameeyo Maxjar oo xooluhu toos uga dhoofayaan dekada Berbera lana furayo Sucuudiga, kolkaa labdii hadaf ee aanu isku haynay kii xukuumadu ummada ugu baaqaysay, wuxuu noqday waxaan jirin ilaa iyo immika, markaa horta Xukuumadu markay Beentii Carabka nagula qanceen go’aanka ay qaateen waa ku mahad-sanyihiin, laakiin waxaanu ugu baaqaynaa dalkan waa la dhacaye oo aanu xukuumada uga fadhinaa in maxjarkii la furo oo xooluhu Sucuudi Arabia toos uga tagaan Berbera. Laba in la waayo oo hantidii umada ee la dhacay loo soo celiyo ama waxa lagaga bedeshay la tuso oo loo soo bandhigo iyo inaanaan ku qanacsanayn kaliya in adhigii la furo.” Sidaasna waxaa yidhi Cabddilaahi Carab.

Dhinaca kale, maamulka Gobolka Saaxil, saraakiil ka tirsan wasaarada maaliyada iyo xanaanada Xoolaha oo aanu la xidhiidhnay ayaa dhamaan noo xaqiijayay in la fasaxay dhoofka Xoolaha, islamarkaana aanay jirin meel laga dhaafo go’aankii Madaxweyne Rayaale ku dhawaaqay.

 

 

 



Source: Ogaal