Xogo ku Saabsan Qorshaha Riyaale ee Dhaxalka Xisbiga UDUB+Gudoomiyaha Danbe ?


 

Shirweynaha Xisbiga UDUB Garabka Daahir Riyaale Kaahin oo todobaadkii hore la soo gaba-gabeeyay ayaan gabi ahaanteedba Lagu Dooran Gudoomiyihii Xisbigaasi UDUB,

Ka dib Musharaxnimada Riyaale ee Shanta Sano oo ah Tii ugu Danbeeysay Dastuuriyan, isla markaasina waxa meesha ka Baxday Rajooyin Badan oo laga Qabay in Shirkan Lagu Dooran Doona Gudoomiyha Mustaqbalka ee Xisbigaasi oo ah Mid Dusha Laga Wada ilaashanaayo

Shirweynaha Labaad ee UDUB-ta Riyaale ayaan Gabi ahaanba Lagu Tartamin Jagooyinkiisa Misharaxa Madaxweynaha, Ku-Xigeenkiisa, Iyo Xoghayahaba

Taasina waxa ay Udubyahano Baarqabyo ahaa dhaxalsiisay In Dabada Looga Tuuro BIlaa Karaamo Madashii uu ka Socday Shirweynaha Labaad ee Xisbiga Talada Dalka Haysata ee UDUB

Hadab Waxa su,aalo Badan Laga keenay Qorshaha Riyaale ee dhaxalka Xisbiga UDUB oo uu Isagu uu Hore ugu Balan Qaaday Qaarka Mid ah Beelaha Waaweyn ee Somaliland Iyo Siyaasiyiin Caanka ah Dalka

Dhaxalka Xisbiga UDUB

Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee Shantan Sano Wixii ka danbeeya ayaa la sheegay in loo dooran Doono Nin Magaciisa Lagu Sheegay Daahir Cali Bile oo ku Nool Cariga Maraykanka Gaar ahaan Gobolka Verginia Sida ay Xaqiijiyeen Ilo Wareedyo ku dhow dhow Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin

Ninkan oo ah Aqoonyahan Reer Somaliland ah oo ka Soo jeeda Gobolka Awdal ayaa la sheegay in uu Madaxweyne Riyaale u Diyaariyay in uu Gacanta ku dhigo Dhaxalka Xisbiga UDUB wixii ka danbeeyay Shantan Sano Hadii uu Xisbigu Guul Gaadho Iyo Hadii Kaleba

Go.aanka Noocaasi ah ayaa la Xaqiijiyay In ay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin la Qaateen Qaar ka Mid ah golihiisa Wasiirada oo laga Xusay Xuseen Cali Ducaale(Cawil ) Iyo Cali Maxamed Waran-cabe, ka hor intii aan la Qaban Qaabin Shirweynlaha UDUB

Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa la Sheegay in uu Labadani Wasiir oo ka Soo jeeda Beelaha Sida weyn u sugaayay Daxalka Xisbigan, in uu ku qabciyay in uu dalku yahay Beelo wada Yaala.

Sidaasi Darteedna Loo Baahanyahay in Sadexda Xisbi Qaran ay ka Wada Muuqdaan Beelaha Galbeedka,Bariga, Iyo Badhtamaha Somaliland, Maadaama oo aan la Ogolay waxa ka Badan Sadexdan Xisbi ee Haatan Jira

Taasi Badalkeedana Waxa Ilawareeydani Tibaaxeen in go.aanka Madaxweynuhu Macquul ula eekaaday Labadiisan Wasiir oo uu Habeen ugu yeedhay in uu kala Tashado Go,aanka Qadiyadani

Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee Mustaqbalka ayaa lagu Waday in loo Doorto Cali Maxamed Warancade Iyo Xuseen Cali Ducaale(Cawil) Midkood, kuwaasi oo ka soo jeeda Isku Beel Hasa yeeshee waxa Taasi Loogu Badalkay Xoghaya Guud ee Xisbiga Udub oo uu horeba u hayn jiray nin ay Isku Hayb yihiin

Go,aankan Daahsoon ee Madaxweyne Riyaale ka Gadhay Geediga dhaxalka Xisbigan Is Huwan ee UDUB Ayaa waxa uu meesha ka saarayaa Hunguriga Siyaasiyiin Badan oo ku Xeeran Xayndaabka Xisbiga Kuwaasi oo kulaalaaya Dhaxalka UDUB-Mustaqbalka Danbe

Gebo-Gebo

Sida uu Qalinku ka Soo dheegtay Xogahan Xaqiiqooyinka Huwan oo ku dhow dhow Hoyga Looga Arimiyo Xisbi Xaakimka UDUB, Arintani ayaa ah Mid loo Bandhiga La taliyayaasha Madaxweynaha ee Arimaha Xisbiga dhexdiisa, kuwaasi oo dhamaantood ku Qaabilay, " Yes Madaxweyne Waa Macquul "

Qalinkuna Wuxuu Yidhi

" U-Malxiisid Ruux Kale Waxa Kaaga Magac Roon Adigoo Mid Guursada Ha Laguu Mushxaradee Wasiir, Ulululululu "

 

 

 

Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
Freelince Journalist
E-Mail-foosi36@hotmail.com