Xoghayihii Xisbiga Udub ee G/Awdal, Isla Markaana ahaa Kusimaha Gudomiyaha Xisbiga ee Gobolka oo Iska Casilay Xilkiisii

 

Xoghayihii xisbiga UDUB ee gobolka Awdal Axmed Muumin Seed, isla markaana ahaa ku simihii wakiilka xisbiga UDUB ee G/awdal, ayaa maanta ku qabtay Hutelka RAYS (Boorama) Shirjaraaid, oo uu ku sheegay in uu iska casilay xilkii Xoghayaha gobolka ee uu u hayay UDUB iyo xubinnimadii xisbiga.

Mr.Axmed Muumin Seed, ayaa Shirka Jaraa’id hadalkiisii ku bilaabay Sidan:

"Aniga oo ah Axmed Muumin Seed ahaana xoghayihii xisbga UDUB ee G/awdal ,waxan xilka xoghayennimo ee xisbigaasi soo hayey ilaa 2005tii, waxaanan ka mid ahaa masuuliyiintii xisbigaasi ee ugu firfircoona ee gobolka Awdal,.Muddadaaa aan hayey xilka xoghayennimada waxa ii dheerayd anigoo hayey xilka guddoomiyaha ama wakiilka xisbiga ee gobolka, oo muddadaasi uu ka maqnaa xilka gudoomiyihii ilaa maantana sidii ayaan u hayey.

Qof kastaa wuu garanayaa culayska ay leedahay shaqadaasi aan hayay .Ma jirayn wax dhaqaale ah oo aan ku shaqeeyaa, waxa aan u dhabar adagygayey oo wax walba uu igala weynaa danta xisbga UDUB, in uu mideysnaado oo kor loo qaado. Waxaanan mar kasta isku qancinayey taageerayaal badan oo aan ku lahaa iyo kalsoonidayda, isla markaana aan ku iloobayey dhib kastoo i soo foodsaarta.

Waxa maanta igu kellifay in aan shirkan Saxaafada iskugu kiin yeedho waxay tahay, sidaad ogtihiin waxa dalka ka socda magacaabista xubnihii goobjoogayaasha ka ahaan lahaa hawlaha diiwaangelinta Qaranka .Ka dib wada tashi badan ayaan samaynay waxaanan soo saarray magacyadii nooga qaybgeli lahaa hawshaas. Anaga oo ka wada hadallay masuuliyiinta xisbiga UDUB ee heer gobol, degmo, Maamulka dawladda, Cuqaasha, Salaadiinta iyo waxgaradka. Waxa aan ka wada haddalay ciddii anfacaysa xisbiga ee goobjooge noqon karta, ka dibna waxaan soo saarnay laba liis oo mid ahaa kii 153ka goobood ee G/awdal, midna waxa uu ahaa 56 xubnood oo ahaa kuwii la shaqayn lahaa komishanka diiwaangelinta tirakoobka samaynaysa, waxanan u gudbiyey hoggaanka sare ee xisbiga UDUB.

Shalay ayaa la igu soo wargeliyey inaan soo gudbiyo liiska 56ka xubnood intii ugu horaysay ee ka qayb gali lahayd ee ka socday gobolka, Hore waxaan u gudbiyey xubnihii ugu daacadsanaa, uguna firfircoonaa oo an muddo badan kala sifeyntooda ku daba jiray, Markii aan liiskaasi gudbiyeyna waan u sheegay inay shaqadaasi u diyaar garoobaan, liiskana waxaan gudbiyay 06/08/2008.

Hadaba shalay ayaa waxa i soo gaadhay liis ka kooban 55 xubnood, oo aan ahayn ama qofba kaga jirin liiskii anigu an u gudbiyey madaxda sare ee xisbiga UDUB, Ka dib waxaan arrintaasi kala hadlay oo aan weydiiyey xoghayhaha Guud ee xisbiga UDUB Mr.Bulaale iyo Ina Cabdi Malow oo u qaabilsan Abaabulka, waxayna iigu jawaabeen dib baan isugu noqonaynaa, Aniga oo weliba u sheegay madaxdaasi inaanan garanayn dadkan ay soo direen magacdooda qofna, xitaa haddaan shaqo u diri lahaa magacdoodaba ama. wejiyadoodadaba anaan mid ka mida garanayn.

Magacaabista xubna hore ayaan anigu ku saleeyey isku dheelitirka beelaha degen G/Awdal xataa kuwa laga tirada badanyahay, Aniga oo dhawaan soo bandhigi doona faraqa u dhexeeya labada liis ee mid aan magacaabay midna la ii keenay si loo ogaado cida sax ah ee caddaladda ku shaqaysay iyo cidii si kale wax u magacawday.

Tallabadaasi qaldan markii aan arkay, ee weliba heer qaran oo xisbigaygii ah igaga timid, taas oo weliba lagu qaatay liis uu gudbiyey nin shicib ah oo gobolka jooga, sidaas darteedna la diiday kii aan gudbiyey waxaan maanta oo bishu tahay 7 da Oktoobar, iska casilay xilkii xoghayenimo ee xisbiga UDUB ee G/Awdal iyo weliba xubinnimadii xisbiga UDUB.

Waxan u mahadcelinayaa cid kasta oo ila soo shaqaysay mudadii aan joogay xisbiga UDUB.

Intaa ka dib ayaa su’aalo la xidhiidha tallabooyinka siyaasadeed ee u qaadi doono weydiiyeen weriyayaasha joogay shirka jaraaid xoghayihii hore ee xisbiga UDUB Axmed Muumin, wuxuuna sheegay in aanu imika ka hadli doonin halka ay siyaasadiisu saldhigan doonto iyo xisbiga uu ku biiri doono, dibna ka soo sheegi doono marka uu la tashado taageerayaashiisa. halka ay ku wada jihaysan doonaan.

Waxa kale oo la weydiiyey dadka shicibka ah ee ku soo farageliyey hawshii xisbiga uu u hayey isagoo magacaabay nin la yidhaa Xasan Ciid oo reer Boorama ah, welibana intaas raaciyey ".Ragga qarsoon ee igu haystay maamulka xisbiga UDUB waxaan u sheegeyaa inaan u banneeyey oo ay si xor ah ugu fadhiistaan kursiga aan u baneeyay'’

Hadaba si kastaba ha ahaatee xoghayaha is casilay ee UDUB Axmed Muumin wuxuu ahaa xubin muhiim ah oo firfircoon, isla markaana heegan u ahaa hawlaha xisbigiisa, waxaa lagu xasuusan doonaa sida uu mar walba uga jawaabi jiray hadalada ay mucaaradku ku dhaleeceeyaan masuuliyiinta Sare ee hogaanka dawlada iyo xisbiga UDUBba, masuulkan is casilay waxa uu ka ahaa gobolka isku xidhaha xisbiga ee heer gobol iyo mid Qaran, xilka tegista uu sameeyay ayaa ah mid lagu amaani karo ama lagu xusuusan doono, marka la eego sida uu u diiday in uu noqdo magac u yaal xilkiisa qaban waaya.


 

 


Harowo