Xoghayihii Maaliyadda Xisbiga UCID oo is casishay
 


Dubai (TNN):-Xoghayihii Maaliyadda Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Fadumo Sicid Ibraahin, ayaa xalay iska casishay Xilkaas ay Xisbiga ka haysay, sida ay ku sheegt ay qoraal kooban oo ay xalay soo saartay oo soo gaadhay Aftahannews.com.

Faadumo Siciid, waxay War-Saxaafadeedkeeda ku sheegtay in sababo laa xidhidha caqaabado ka jira gudaha Xisbiga UCID oo aan suuragal ka dhigaynin gudashada xi lka saaran awgood ay isu casishay. Waxaanay Warkan Qoraalka ah ka soo saartay Faadumo Siciid magaladda Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ay ha dda ku sugan tahay, oo ay maalmahan Safar isugu jira mid shaqo iyo mid shaqsi ah ku joogtay.


Waxaanu Qoraalka War-Saxaafadeedkan kooban ee ay soo saartay Faadumo Siciid oo ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews, waxa uu u dhignaa sidan:- “Waxaan halk an idiinku lifaaqaya anigu ah Faadumo Sicid Ibraahim inaan xilkii aan ka hayey Xisbi ga UCID oo laga bilaabo 20/11/2014 iska casilay, sababo la xidhidha durufo ka dhex jira Xisbiga oo aan shaqaadi aanan awgood u sii wadi karin.Wa Billaahi Tawfiiq.”

 

 

Source: Aftahannews