Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Ee Gabiley Oo Ka Xog-warramay Waxyaabihii Ay Ugu Mudaharaadeen Madaxweynaha

 

 


Gabiley (TNN)-Xoghayaha xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley, Cabdi Xashi Aw jaamac, ayaa maanta(shalay) ka xog-waramay sababihii ku dhaliyey inay ku mudaharaadaan madaxweyna ha jamhuuriyada Soomaaliland mudane Axmed Max’ed Maxamuud (Siilaanyo), dabayaaqadii todobaadkii hore, ee ay gadh wadeenka ka ahaayeen saraakiisha xisbi xaakimka ee heer Go bol.


Xoghayuhu waxa uu ku sheegay waxyaabaha ay kaga mudaharaadeen madaxweynaha inay kaw ka tahay isbedelkii balaadhnaa ee dalka ka dhacay badhtamihii sanadkii hore, ee ay iya guna (mudaharaadayaashu) dhinac ka ahaayeen isbedelkaasi, oo ay kala kulmeen saluugtan ballaadhan oo dhinaca saami qaybsiga xukuumadda ah, iyo faro gelin dhinaca ganacsiga ah. “Xogta dhabta ah ee aanu ka mudaharaadnay annaga oo ah xisbigii xukuumaddu, waxa kaw ka ahayd saluugtanka aanu kala kulanay madaxweyne Axmed Siilaanyo, habkii saami qaybs iga xilalka xukuumadda. Oo wax badsaanu is lahayne aanu wax ku weynay.

Waxa kale oo jirta in dadkii uu madaxweynuhu u soo xushay xilalka xukuumaddu iska daa sar aakiisha wasaaradaha e, ay shaqaale hoosaadyadii ka hawl geli jirey hay’adaha dawladda ay dhammaantood wixii Gobolka Gabiley ka soo jeeday ka fadhiisiyeen,”. Waxa kale oo uu ku sii daray “marka laga tago shaqaale hoosaadyadaasi laga dareeriyey hay’adaha dawladda ay kaba sii darantahay shaqaalihii ka hawl geli jirey kastamada gobolka Gabiley iyagana dhamaa ntood laga dareeriyey, iska daa dad cusub oo si weyn uga soo shaqeeyay ololihii xisbigayag a, looguna ballan qaaday in la siin doono shaqooyin, kuwaas oo aan iyagana la isba  weydiini n.

Arrintaasi ma aha mid aanu eegan karno webiga Niil ee na dhex mara, inaanu ka faro madhn aano, ee waxa aanu xaq u leenahay in 5% gaar ah loo jaro horumarinta gobolka Gabiley, taa sina ay tahay ta uu webigu nabad qab ku dhex marayo gobolka.” Sidaa waxa yidhi xog-haya ha gobolka Gabiley ee xisbiga Kulmiye , Cabdi Xashi aw Jaamac, oo xog-wareysi khaas ah war geyska Waaheen. Xoghayuhu waxa kale oo uu hadalkiisa intaas ku sii daray: “Waxa kale oo ka mid ahaa waxyaabihii aanu ka mudaharaadnay, in madaxweynuhu uu dadka qaarna oo be esha uu ka soo jeeda ah u abuuray ganacsiyo, oo tusaale ahaan ilma indho deero u suurto geliyey maxjarka xoolaha ee Berbera, halka dadka qaarna uu albaabada uga xidhay ganacsiy adoodii, tusaale ahaan uu xabsiyada u taxaabay saraakiishii Total, maantana ay danbarsata y in shidaal waa ka dhaco dalka, barri ka maalinna la waayi doono saylada xoolaha,” ayuu yi dhi xog-hayuhu.

Waxa kale oo Cabdi Xaashi wareysigiisaasi ku tilmaamay in ay jiraan masuuliyiin madaxweyn uhu wax ka weydiiyo arrimaha Gobolka Gabiley, kuwaasi oo uu ku sheegay kuwo madaxweyn e u xidha muraayad madow marka ay noqoto arrimaha Gobolka Gabiley, isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi, “waxa jirey waqtigii lagu gudo jirey ololihii doorashadii madaxtooyada mas’uuliyiin sar sare oo madaxweyne Siilaanyo wax ka weydiin jirey arrimaha gobolka Gabila y waqtigii uu guddoomiyaha Xisbiga ahaa, kuwaasi oo qaar ka mid ah madaxweynuhu u mag acaabay xilal, ay mar kasta oo ay noqoto arrimaha Gabilay madaxweynaha u xidha muraay ad madow, ugana been sheega xaqiiqda dhabta ah ee gobolka ka jirta, mar kastana daafaca danahooda gaarka ah. Sida maalintii madaxweynuhu Gabilay joogay iyaga oo dadweynihii re er Tog-wajaale oo si weyn u sugayey madaxweynaha, ugu sheegeen in reer Wajaale fasaxe en madaxweynaha maadaama ay dhiidhi jirto oo dhulku qoyaan yahay, ka dibna uu madaxwe ynaha oo arabsiyo sii maraya loogu sheegay in dadkii reer Wajaale bacadka u taagan yihiin tan iyo subaxdii, madaxweynihiin dib ugu noqday Wajaale isla markaana arkay dadka bacad ka u taagnaa. Kuwaasi (mas’uuliyiinta) oo qaarkood ku qudbadeeyeen madaxweynaha hort iisa in aanay waxba ka maqnayn”. Ayuu xog-hayuhu ku soo gabo gabeeyey xog warrankiisa.

Source:Waaheen