Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UDUB Iyo Shakiga Ku Gaadaaman In Uu Is Casilayo

 

Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax ayaa soo if  baxa yaan warar sheegaya in uu qarka u saaranyahay in uu iska casilo xilkii  Xo ghayaha Xisbiga UDUB, ka dib markii sida la sheegay uu dagaal  siyaasade ed qadhaadhi, markii labaad ka soo dhex qarxay isaga iyo Xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumada Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, sida ay Somaliland.org u xaqiijiyeen xubno ku dhow dhow Xoghayaha Mr Yaasiin.


Warku waxa uu intaasi ku darayaa in arintani ay ka danbeysay ka dib  ma rkii Madaxweyne Rayaale uu dhawaan Masuuliyada Xoghayaha Guud ee  X isbiga Qayb ka mid ah uu u soo Magacaabay Cismaan C/Laahi Cigaal  (Cism aan Hindi), kaasi oo uu u magacaabay Xoghayaha Abaabulka Iyo Ololaha Doorashooyinka ee Xisbiga UDUB.

Ila-wareedyo muhiim ah oo ku dhow dhow xarunta dhexe ee Xisbiga UDUB ayaa sheegaaya in Xoghaye Jaamac Yaasiin Faarax arintani ka biyo  diid ay, isla markaasina uu ku hanjabay in uu iscasili doono, hasayeeshee  war arku waxa ay sheegayaan in arintani ay ka odayaynayaan xubno kale oo wassiiro ah oo uu ka mid yahay Wassiirka Wassaarada Beeraha Aadan Cilmi Dhoolayare.

Magacaabista Qayb kamid ah Masuuliyada Xoghayaha Guud ee Xisbiga  UD UB ee loo magacaabay Cismaan C/Laahi Cigaal, ayaa xogaha qaar  sheega yaan in ay ka danbaysay dagaal siyaasadeed hore uga dhex qarxay  Hogh aye yaahiin iyo xubno kamid ah kuwa lagu tilmaamo in ay kalsooni badan ka haystaan Daahir Rayaale, taasi oo iyada lafteedu salka ku haysay  xor iyada shaqadiisa iyo kala saarista Masuuliyada Xisbiga Iyo xukuumada.

 Dhinaca kalena, waxa wararku sheegayaan in xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB haatan ay ku soo burqanayaan soo jeedimo badan oo kaga  imanaya aya taageerayaashiisa, iyo qaar ka mid ah la taliyayaashiisa oo culays ku saaraaya in uu is casilo.

Si kastaba ha ahaatee xil u magacaabista Cismaan Hindi, loo magacaabay qayb ka mid ah Masuuliyadii Xoghaye Yaasiin, ayaa u muuqata mid ka dhigaysa Xoghayaha UDUB Mr Yaasiin Maqaar Saar(Waraabe u-Taag).

 


Somaliland.org