Xoghayaha guud ee UDUB oo laga saaray
fadhigii Wakiilada



Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Ciidamada Booliska ayaa shalay Fadhigii Golaha Wakiilada ka saaray Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB iyo Madaxa Ololaha Doorashada ee Xisbigaas. Taas oo keentay in uu dagaal gacan-ka-hadal ahi dhex maro Mudane Golaha ka tirsan iyo Madaxa Ololaha UDUB.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa shalay ka hor intii aanu bilaabmin  fad higii Golaha Wakiiladu, Hoolka Shirarka Wakiilada dibedda uga saaray Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax iyo Madaxa Ololaha Doorashada Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Hindi), kuwaas oo ku wargeliyay in aan la ogolayn in Masuuliyiin ka socda Axsaabtu fadhiyada ka soo xaadiraan. “Muwaadiniin baanu nahay oo in aanu Fadhiyada ka qayb galno sida Muwaadiniinta kale xaq baan u leenahay.” Sidaa waxa ku dooday Cismaan-Hindi, hase ahaatee, mid ka mid ah Saraakiishaas ayaa ku qanciyay in aan la ogolayn ee ay dibedda uga baxaan.

Markii Masuuliyiintani dibedda uga soo baxeen Hoolka Shirarka ee ay ku suga  yih iin meel ka mid ah barxadda xayndaabka Golaha, ayaa Warbaahinta qaarkood isku dayeen in Xoghayaha guud wax ka waydiiyaan aragtidiisa.

Hase ahaatee, Xil. Axmed Diiriye (Nacnac) iyo Xil. Axmed Ibraahim Daahir  (Axme d-Weyne) oo madashaa ku sugnaa ayaa ka dalbaday in aanu halkaas Saxaafadda ugu waramin Xoghayuhu. “Halkani maaha goobtii Axsaabta ee Shirka Jaraa’id Xafiisyada la tega” ayay yidhaahdeen labadaa Mudane. Xoghayaha guud ee UDUB-na wuxuu ugu war celiyay in aanu Warbaahinta la hadlayn. Hase yeeshee, Xil. Axmed-Weyne ayaa si kaftan ku dheehan yahay madaxa uga dhirbaaxay Cismaan-Hindi, balse taa bedelkeedii wuxuu Cismaan-Hindi kaga jawaabay dagaal iyo Feedh sababay in ay gacanta isula-tagaan labadoodu.

Xoghayaha guud, Xildhibaan Nacnac, Ciidamada Booliska qaarkood iyo dad kale oo goobta ku sugnaa ayaa ka hawl-galay in la kala qabto. Waxaana sidaa Golaha kaga baxay Masuuliyiinta Xisbiga UDUB.

 


Source: Ogaal