Xoghayaha Guud Ee Udub Oo Kulmiye Ku Eedeeyay Inay Ka Soo Horjeedaan In Beesha Caalamku Ictiraafto Somaliland

 


 

Libin Iyo Taran Kanaxa Kulmiye Waxaa Lagu Tilmaami Karaa Baqali Wax Ma Dhasho, Cid Wax Dhashana Ma Jecla, Is Difaacooduna Waxa Uu Ka Turjumaysaa, Dhagar-Qabe Dhulkaa U Dhaq-Dhaqaaqa”Xoghayaha Guud Ee Udub Jaamac Yaasiin Faarax

Hargeysa December 14, 2009 (Timacade News)-Xoghayaha Guud ee xisbiga Udub Jaamac Yaasiin Faarax ayaa xisbiga Kulmiye hogaankiisa si weyn ugu eedeeyay in uu halgan ugu jiro sidii aanay beesha caalamka Somaliland Ictiraaf uga helin, isaga oo intaa ku daray in Kulmiye la soo baxay inuu hanjabaado uga jeediyo dalalka dariska Jabuuti iyo dalka Itoobiya, oo uu tilmaamay inuu xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo somaliland iyo dalalkaasi.

Xogahayaha guud ee Udub Mr Yaasiin waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu ku  se xexan yahay oo uu xalay wargeyska Haatuf soo gaadhsiiyey, qoraalkaas oo uu  ka ga hadlay dhinacyo badan oo taabanaya

“Waayahan dambe waxaa soo if-baxaayey u jeedooyinka dhabta ah ee Xisbiga  Mu caaridka ah ee KULMIYE, ka dib markii ay ku fashilmeen inqilaabkii qaawanaa ee lagu af-gambiyey Xukuumada dalka ka talisa ee sharciga ah ee sida xalaasha ah ee  dis tuuriga ah ku timid, isla markaana lagu qaybinayey la iskagana horkeenayey  bulsh adda Somaliland.

Xisbiga KULMIYE, wuxuu markaa u diga-rogtay in Somaliland aduunweynaha ka siiyo sawiro fool-xun oo ka been sheegaya xaaladaha dhabta ah ee dalku ku sugan yahay.

Waxaa nasiib-darro ah in Xisbiga KULMIYE, hadh iyo habeen la soo taagan yahay in aan Somaliland la ictiraafin, gargaar-na la siinin, sida marar badan fagaarayaal  wa danka gudihiisa iyo dibediisa-ba ka sheegeen Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo iyo Xoghayihiisa Arimaha Dibeda Mr Maxamed Cabdillaahi iyo Xubno kale oo mihiima, kana mid yahay Eng: Maxamed Xaashi Cilmi.

Waxaa kale oo xusid mudan in Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, uu weedho han jab aad iyo digniin xambaarsan u jeediyey wadamada aynu jaarka nahay sida Ethiopia oo ah wadan ka kaliya ee safiir u joogo Somaliland iyo Jabuuti oo labada-ba inaga dhexaayaan daris wanaag iyo iskaashi doco badan taabanaya.

Waxaa kale oo marag ma doona ah in Gudoomiyaha iyo madaxda kale ee Xisbiga  KULMIYE inay difiraan wixii u qabsoomay xukumada JSL iyo shicibkeeda oo isku duuban, sida guushii laga soo hooyay furniinkii dhoofinta xoolaha nool.

Hada-ba waxa la yaab leh in ragii goonida u sheegan jiray hal-gankii dib u xoreynta iyo gooni isu-taaga Somaliland, inay maanta ku heesayaan ama af-buuxa ku leeyihiin Somaliland uma qalanto, in la ictiraafo ama la siiyo aqoonsiga ay xaqa ugu leedahay caalamka. Ictiraafkaasi oo ay wax badan oo la soo koobi karayn kaga xidhan yihiin ummada reer Somaliland, oo ah rajada ugu weyn ee ay yar iyo weyn-ba la naawilayo.

Sidaa darteed wuxuu Xisbiga UDUB si adag u cabaaraynayaa weedhaha iyo  eraya da ka soo yeedhay madaxda Xisbiga KULMIYE iyo baran-bogaandaha lagu fidinayo website-ka uu gaarka u leeyahay Xisbiga KULMIYE ee Somaliland Org iyo idaacada Horyaal, kuwaas oo si joogto ah u faafinaya, warar aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu eedaynayo xukumada JSL, laguna mijo-xaabinayo qaranimada qiimaha weyn ugu fadhida shacabka Somaliland.

Waxaa is-waydiin leh sababta Xisbiga KULMIYE, sida xad-dhaafka ah uga gubanayo maqaalada Gudoomiyaha olalaha doorashada madaxtooyada ee Xisbiga UDUB Md Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi), kuna tilmaameen in xilka loogu dhiibay xajiimaynta xisbiga KULMIYE, Hada-ba xaqiiqadu waxa ay tahay in Cismaan Hindi oo ah “Siru-daari” aanu wax af-lagaado ah u gaysan KULMIYE iyo madaxdiisa, balse odhaahdiisu waxaa ay sii kashifeen sirtii KULMIYE ee uu hore qaybo ka mid ah  bana anka u soo dhigay Gudoomiyihii hore ee xisbiga KULMIYE/UK. Kagana baxay  xisbiga as, taas oo ah xag-jirnimada siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE iyo amarada kaga yimid, hogaanka sare ee ahaa in uu faraha kala baxo dhammaan hawlaha ictiraaf raadinta JSL. Mudaharaadana ku abaabulo madaxda JSL ee soo booqda UK.

Ugu dambayntii waxaa Xisbiga UDUB xaal ka siinayaa dhalinyarada reer Somaliland, hadalada deel-qaafka iyo meel ka dhaca ee kaga yimid Mr Baashe Cabdi Gaboobe oo ah Gudoomiyaha Ololaha Doorashada madaxtooyada ee Gobolada Galbeed iyo  Gudo omiyihiisa Axmed Siilaayo oo labadu-ba ku tilmaameen dhalinyarada wadanka inay yihiin dhuuni raac, ka dib markii ay jawaab haboon u waayeen tus-baxoodii  dhaliny aro oo si joogsi la’aana af-ka uga furtay.

Libin iyo taran kanaxa KULMIYE waxaa lagu soo ururin karaa maahmaahda  Sooma alida ee tidhaahda “Baqali wax ma dhasho, cid wax dhashana ma jecla”. waxaa kale is-difaaca xad-dhaafka ah iyo muranka KULMIYE ka turjumaysaa maahmaahda kale ee ah “dhagar-qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa”.
 


Source:Haatu