XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBEDDA EE UCID , YUSUF BUDLE: HADDII AY N A
XUKUUMADDA S/LAND JOOJIN WADA HADALADA AY LA LE EDAHAY SOMALIYA WAXA
JIRA QORSHE KALE OO AYNAAN OGAYN
“Qaladkii Somaliland gashay 1960kii waxa nagaga dhintay in ka badan
60 kun oo qof. Qaladka aanu maanta ku socono waxa inaga dhimandoona
Hal Milyan oo qof haddii aan laga hor tagin”.
Xoghayah a Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ee Xisbiga UCID
ayaa sheegay in uu shaqsi ahaan aam insan yahay in wada-hadaladdii ay
xukuumadda Somaliland la waday maamulka Muqdisho uu isku ro gay mid
lagu bahdilo qadiyadda Somaliland, isla markaana loogu talo galay in
lagu wiiqo sharafta, karaamadda, dawladnimada iyo madaxbanaanida
Somaliland.
Mudane Yusuf Budle oo aan maalintii shalay ahayd ku waraystay khadka
tilifoonka isaga oo jooga dalka Maraykanka ayaa waxa uu
waraysigayagii u dhacay sidatay:
Su’aal: Xoghaye, dhawaan waxa aad soo saartay qoraal aad ku
dhaleecaynayso sida ay xukuumad da Somaliland u waddo wada-hadaladda
ay la leedahay dawladda Somaliya. Waxa aynu wada ogna hay in ay
xukuumadda Somaliland arrinkaas aad uga gilgilatay, kuna sheegtay
mid mucaaridnimo oo aan waxba ka jirin, maxaad ka odhan lahayd
arrinkaas?
Jawaab: Run ahaan anagu mucaaradad ma wadno, waxaanu rabnaa in aanu
ifino wixii inaga qaldan. Warka ay xukuumaddeenu kolba kula soo
guryo noqonayso dalkii ee ay dadkeena u sheegaysaa aad iyo aad ayuu
uga duwan yahay wararka xaqiiqada ah ee aanu ka helayno madaxda aanu
xidhiidhka la samaynay ee dalkan Maraykanka iyo Yuruba. Wararka aanu
helaynaa waxay aad iyo aad u waafa qsan yihiin wararka ay xukuumadda
Somaliya saxaafadda ku baahinayso. Marka waxa aan odhan ka raa
xukuumadda Xasan Shiikh ayaa labada dadkeena runta u sheegaysa ee
xukuumaddeenii Somali land been ayay maalin kasta inoola soo guryo
noqonaysaa. Taasuna mucaaradad ma aha ee waa xaqiiqada dhabta ah.
Waxa ka haboonayd in xukuumadeenu isugu yeedho baarlamaabka, wax-garadka
iyo madaxda xisbiyadaba qaranka iyo cid kasta oo ay khusaysaba oo ay
tidhaahdo “ Waar arrinku sidaanu moodaynay wuu noqon waayee maxaa
dan ah”. Taasu ceeb may lahaateen, xaalado ka adagba waynu kasoo
gudubnay, tanna waynu ka wada tashan lahayn. Haddii aan tusaalayaal
fudud ku siiyo oo weliba inta cid walba og tahay ah oo aan ka reebo
inta ceebteena dibada soo dhigaysa:
(1) Waxa saddex goor uu ku ceshay Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta
iyo gaadiidka ee xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi in
aanu jirin heshiis u dhexeeya Somaliya iyo Somaliland oo ku sa absan
in hawada Somaliya/Somaliland laga maamulayo Hargeysa. Waxa uu
wasiirkaasu si badheedh ah u sheegay in Somaliland aanay ka duwanayn
maamul goboleedyada kale ee Somaliya, sida Puntl and iyo Jubbaland,
wixii ku soo hagaaga, dhaqaale ahaana, ay dawladda Federalka ahi
siin doonto. Waxa aynu ogayn in wasiirkanu heshiis hor leh la galay
hay’addii qaramada midoobay ee maamulays ay hawada Somaliya, laguna
heshiiyay in hawada Somaliya oo ay ku jirto hawada Somaliland laga
bilaabo bisha Jaanuary, 2014 lagu wareejiyay 100% dawlada Somaliya,
lagana maamulidoono Muq disho.
(2) Todobaad ka hor ayay ahayd markii Wasiirka Macdanta iyo
Khayraadka Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed uu ka sheegay shirkii
arrimaha patroolka ee London in aanay dawladda Federalka ee Somaliya
ogolayn in shirkado la saxeexdaan heshiisyo gaar ah maamul
goboleedyada Somaliya, oo sida uu sheegay ay Somaliland-na ku jirto
. Waxa uu shirkaas ku cadeeyay in cid kasta oo heshiis la gashay
maamulka Somaliland aanay waxba ka jirin heshiiskaas ayna u baahan
yihiin in mar labaad ay kasoo dalbadaan heshiiska saxda ah dawladda
dhexe ee Somaliya. Xidhiidhkii aanu anagu la samaynay shirkadda
Genel Energy, waxa ay noo sheegtay in aanay Somaliland kusoo
noqonayn ilaa arrinka isku soo noqoshadu (Federalism) uu hirgelayo
sanadka 2016ka, waa sida ay noo sheegeene. Laakiin ilaa hadda
dawladdeenii waxay leedahay way soo socdaan, wax soo socdana maynaan
arag.
(3) Mrs. Linda Thomas-Greenfield, US Assistant Secretary, Bureau of
African Affairs, xogwarranka ay siisay todobaadkan ina dhaafay
gudiga Arrimaha Dibedda ee Golaha odayaasha ee dalkan Maray kanka
(Senate Foreign Relations Committee Subcommittee on African
Affairs), waxa ku cad in laga bilaabo 17th January 2013 ay dawladda
Maraykanku dhaqan gelisay siyaasadeeda ku aadan In ay u aqoonsatay
dawladda Xasan Shiikh in ay tahay dawladda dhexe ee Somaliya, wixii
kasoo hadhaana ay yihiin maamul goboleedyo hoos yimaada dawladda
Muqdisho, ayna weliba si cad u sheegtay in ay siman yihiin maamul
goboleedyada Somaliland, Puntland iyo Jubbaland. Waxa kale oo ay ku
dartay in ay dawladda Maraykanku sii wadidoonto xidhiidhkii iyo
caawimaddii ibno aadami ahaaneed ee ay la lahayd maamul goboleedyada
ay Somaliland ku jirto si aanay ciladdi ugu iman jidka Federalism-ka
ee cagta la saaray, waa sida ay u dhigtaye (halkan ka akhri qaar ka
mida wararkan:
http://allafrica.com/stories/201310091508.html
). Marka adeer, anagu marnaba ma wadno kutidhi kuteenay ee waxa aanu
ilaalinaynaa danta Somaliland. Haddii ay dawladeenu ilduuftayna
waanu xasuusinaynaa, haddii ay ugu talo gashay oo ay wado wax ayna
dadkeenu ogayna, tooshkaanu ku ifinaynaa oo dadkeenaan u sheegaynaa.
Marka adeer anagu mucaaridad uma jeedno ee waxa aanu arkaynaa meesha
aynu u socono iyo sida aynu weli u dhoohanahay. Run ahaantii godkii
la inagu riday 1960kii mid ka daran ayaa la inoo wadaa, haddii
aynaan si degdeg ah uga tanaasulin wada hadalada lala wado Somaliya.
Su’aal: Xisbi ahaan maxaa idiinka yaala arrinka wada hadalka
Somaliland iyo Somaliya?
Jawaab: Anagu xisbi ahaan waxa aanu ahayn xisbigii koowaad ee
aaminsanaa in lala hadlo Somaliya. Ujeedadayada ugu weyna waxay
ahayn “Intii calooshu buki lahayd cagtu ha bukto”. Anigu shaqsi
ahaana waxay ahayd ninkii sanadkii 2009, markii uu dalka ka
talinayay Madaxweyne Dahir Riyaale ee aan ka midka ahaa xisbigii
UDUB, ninkii ugu horeeyay ee dabaysha siyaasadeed kaga kacdo
kulankii aanu la samaynay xukuumaddii markaas ka talinaysay
Somaliya. Marka al muhiim, shalay waan aaminsanaa, xisbigayguna wuu
aaminsanaa, dawladeena uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed
Maxamuudna waanu ku raacsanayn. LAAKIIN, maanta si kale ayaa
kubaddii la inoogu dhigay, haddii aynaan ciyaarta la bedelin oo tii
hore ee ay ka baxeen’uun aan daba haynana dee waa la inaga
badinayaa.
Su’aal: Adiga Xoghaye ahaan, siddee ayuu xidhiidhkiinu yahay
xukuumadda Siilaanyo? Wax xidhiidh ah ma la leedahay wasiirka
Arrimaha Dibedda iyo madaxda kale ee qaranka?
Jawaab: Anigu waxaan ka mid ahay Xisbiga UCID oo weliba aan ku jiraa
hogaanka ugu sareeya ee xisbiga. Waanu ku qasbanahay in aanu la
shaqayno xukuumadeena. Barkee, xukuumad iyo xisbiba dalkaynu u wada
shaqaynaynaa. Anigu wixii ku saabsan war gelin ama xidhiidh
siyaasadeed ee aan u arko in ay anfacayso dawladeena waxa jira
baratakool loo maro. Waxa aan u gudbiyaa hogaanka sare ee
xisbigayaga, gaar ahaan kolba intii joogta dalka gudihiisa, si ay
ula wadaagaan kolba ciddii ay khusayso. Intaana talo iyo tusaale
kalamaanaan bakhaylin.
Su’aal: Ugu dambayntii, haddii uu xisbigiinu ku guulaysto hogaanka
dalka marka doorashooyinka la qabto 2015ka maxaad wax ka
bedelidoontaan ee ugu muhiimsan?
Jawaab: Horta arrinkaas waxa jawaabteeda leh Musharaxa Madaxweynaha
ee Xisbiga oo ah isagu qofka looga dambaynayo agendaha iyo hogaanka
xukuumadda uu isagu madaxda ka yahay. Anigu haddii aan ka hadlo
waxaan wax yar ka odhan karaa oo keliya siyaasadeena Arrimaha
Dibedda, oo ah arrinka la ii xilsaaray: Siyaasadeena Arrimaha Dibadu
waxa ay mar walba ku salaysan tahay difaac (reactionary), halka
aduun waynuhu ku saleeyo siyaasad fog oo kasii fikirta sanado badan
oo soo socda iyo isbedelada imandoona ee saamaynta kugu leh. Tusaale
ahaa: Maanta waxa aynu ognahay in Madaxweyne cusub loo doortay dalka
Ethiopia. Waa nin dublomaasi ah, safiirna kasoo ahaan jiray dalal
badan oo uu Turkigu ka mid yahay. Maalintii la doortay maalintii ku
xigtayba waxa booqashaddii ugu horeeyay ugu yimid maamulkii
Muqdisho, ilaa hadda dawladeenu umay dhaqaaqin. Qorshaha 2016 ee
lagula xisaabtamayo maamulka Xasan Shiikh maxaa inooga talo ah? Ma
si toosaynu uga qayb qaadanaa fashilintiisa, mise xalal kalaa jira?
Haddii uu Maamulka Xasan Shiikh ku guuldaraysto dejinta Somaliya iyo
isu keenideeda, yaa bedelidoona? Ma kasii qayb qaadan karnaa
diyaarinta cid qadiyadaada taageersan?
Aduunyadu meel keli ah ma taagna, maalin walba isbedel ayaa imanaya,
waa in aynu is bedelkaas sii saadaalin karnaa oo lasii saaxiibi
karnaa cidda qadiyadeena wax ka qaban karta. Waynu ka war haynaa
isbedelka ka socda dunida carabta oo saamayn weyn inagu yeelandoona
xagga baahida ay dawladaha waaweyn uga qabi karaan badaheena iyo
macdanaheenaba. Muhiimadda aan uga jeedaa waxa weeyaan. Siyaasaddu
ma aha in aad maanta iyo shalay ku warwareegto ee waa in aad sii
saadaalin kartaa isbedelka soo socda iyo meesha ay dadkaaga iyo
dalkaaga dantu ugu jirto.
C/Fataax Aden Xuseen
UCID Media, UK
|