Xoghayaha
Arrimaha Dibadda ee KULMIYE OO Cambaa reeyey Go’aankii Guurtida,
kuna baaqay la tashi wadajir ah
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee
xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabd illahi Cumar, ayaa cambaareeyay
go’aankii golaha Guurtidu ku kordhi say wakhtiga xukuumadda
Daahir Rayaale muddo lix bilood ah marka uu xilligeedu dhamaado 6
bisha April.
Xoghayaha oo maanta u waramay warbaahinta, waxa uu yidhi
“Marka hore go’aanka golaha Guurtidu kuma salaysna qaynuunka dalka u
yaalla, marka labaad kama salaysan duruufo sharicga qiil looga heli
karo, marka seddexaad kumuu iman la tashi wadajir ah oo dhexmaray
golayaasha sharci dajinta ee dalka, marka afaraad lagama tala galin
xisbiyada mucaaridka ah, marka shanaadna kama turjumayo rabitaanka
shacabka Somaliland, sidaa awgeed waxaan u arkaa go’aankan mid aan
ka talinayn maslaxadda dalka, loona bahan yahay in la tashi qaran
layskaga yimaado”.
Dhinaca kale, Xoghayuhu wuxuu hambalyo balaadhan u soo jeediyay 35
kii xubnood ee golaha Guurtida ee diiday in xukumada si shirciga
khilaafsan wakhtiga loogu dheereeyo, wuxuuna ku tilmamay go’ankodu
inuu laha bisayl siyaasadeed, kana turjumayay dareenka shacabka.
Wuxuuna sheegay in xubnaha ogolaaday dheeraynta wakhtiga xukuumaddu
aanay tixgalin siin sharciga iyo dhismaha dimuqraadiyaddaba.
Isagoo ka hadlaya Guurtida, wuxuu Xoghayuhu tilmaamay in tirada
intaa le’eg ee golaha Gurtida ka tirsan ee is hortaagtay dheeraynta
wakhtiga madaxwaynaha ay muujinayso sida ay u yaraatay taageeradii
ay xukuumaddu ka heli jirtay golaha Guurtida, arrintan oo tilmaan
cad u ah, buu yidhi, hoos u dhaca wayn ee ku yimid kalsoonida lagu
qabo xukuumadda Daahir Rayaale.
Xogahayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga mucaaridka ah e KULMIYE, Dr.
Maxamed Cabdilaahi Cumar, wuxuu ku baaqay in loo baahan yahay in si
dhakhso ah talo wadjir ah looga yeesho arinkan si loo hagaajiyo
qalooca u yeeshay geedigii dhismaha dimuqraadiyadda Somaliland.
Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay Xoghayuhu in go’aanka golaha
Guurtidu uu la yaab ku noqday dawladaha aynu saaxiibka nahay iyo
kuwa ina caawiyaba oo u arkay arrin aad loogu degdegay, loona
baahnaa in dhammaan golayaasha qaranka iyo xisbiyada doorashada ku
tartamayaa ay si wadajir ah ugawada qaybgalan go’aan ka qaadash ada
arinkan, mar haddii aanay waxka qabashadeedu si cad ugu qeexnayn
distoorka.
|