Xoghayaha Arrimaha Debedda Ee Xisbiga UCID Oo La Kulantay Maxweynaha Dalka Koonfurta Afrika


South Africa May 02, 2010 (TNN)-- Xoghaya Arrimaha Debedda ee Xisbiga UCID Marwo Fatima Ali Madar oo ayaamahanba sida wararka ugala socoteen booqasho ku joogtay Dalka South Africa ayaa booqashadeedii ku soo afjartay iyadoo la kulantay  Madxaweyn aha Koonfurta Afrika (President of South Africa) Mudane Jacob Zuma iyo M adaxweyne ku-xigeenka (Deputy President) Kgalema Motlanthe. Xohayaha Arrimaha Debedda ee Xisbiga UCID Marwo Fatima Ali Madar ayaa kulankaas warbixin ku saabsan Ictiraaf  raad inta Somaliland iyo doorashada Madaxweynaha ee soo socota siisey  Mada xweynaha.

Madaxweynaha Koonfurta Afrika waxa uu Xoghaya Arrimaha Debedda ee UCID u  sheeg ay in ay aad ula socdaan horumarka fiican ee ka socda Somaliland. Waxa kale ee uu  Ma daxweynahu yiri Dalka Koonfurta Afrika diyaar ayey u yihiin in ay taageeran  dimuqraa diyada ka jirta Somaliland.

Marwo Fatima Ali Madar waxay u mahad naqdey Madaxweynaha iyo Shacbiga Koonfurta Afrika sida fiican ee ay u taageeraan Somaliland. Ugu dambeyntii kulankaas waxa  Mar wo Fatima Ali Madar ku casumtay Madaxda Koonfurta Afrika in ay boqosho ku  yimaad aan waddanka Somaliland, doorashada Madaxweynahana ilaaliyaal (Observers) u soo diraan.

Booqashada Xoghayaha Arrimaha Debedda ay Koonfurta Afrika ku tagtay waxay ahayd mid guulo u soo hooysey Somaliland oo sii xoojisay xidhiidhka Koonfurta Afrika iyo  Som aliland. Waa markii ugu horeysay ee Madaxweynaha Koonfurta Afrika Jacob Zuma iyo Madaxwayne ku xigeenku Mudane Kgalema Motlanthe ay si wada jir ah u qaabileen  mad ax ka socota Somaliland.

Booqashadani waxay kor a u qaday siyaasadda Arrimaha Debedda ee Xisbiga UCID oo markasta ka si gaar ah u daneeya, kana shaqeeya ictiraafi raadinta Somaliland. Somalilandna guul weyn ayey u keentay booqashani.

Mohamed Ali
Frilance Journalist