XISBUL-XAAKIMM IYO XUKUUMADBAA HIRDAMAYA
YAAN LA ISKU MAAWELIN

 


Hal abuurkii maansadu waatuu hore u yidhi: "Heego in ay daruur tahay, tuhunkuna hummaag ya hay, harraadna olol leeyahay.." Waxa sidaa ka dhigan maanta halka xaalka Jamhuuriyaddii Soma liland marayo, iyo xukuumaddii dalka taladiisa haysay oo asqo siyaasadeed gudo iyo debedba la jahawareertay. Muddo hadda seddex todobaad laga joogo aya dowladaha Biridaaniya-al Cudma a, Ardi Wilaaya, iyo Ustraaliya ayaa jihooyinka bari, galbeed, iyo waqooyi markeliya caroog digni in nabadgelyo darro Somaliland ka jirta inagu afuufeen.

Inta ka dib madaxweynihiina safar degdeg ah halabsay; intii weftiga madaxweyna joogay dalka Kenya wuxu la kulmay dibloomaasiyiinta Safarada Mareykanka, halkaas oo sida warar xog ogaal ihi sheegeen Madaxweynaha loogu laqimay xogo iyo faahfaahin ku saabsan xaisilooni darradii In griiska iyo Mareykanku ka dhawaajiyeen. Isla Nairobi waxa madaxweynuhu kula kulmay madaxwe ynaha koonfurta Soomaaliya oo safar Ingriiska ka soo laabtay.

Waxa xigtey weftigii madaxweynaha Somaliland hoggaminayey oo magaalada London ka degey. Mar labaad ayaa dowlada Ingriiskuna wixii ay xog haysey oo la xidhiidha ammaanka iyo nabad g elyada waxa hordhigtay madaxweynaha; kulamona la isku arag wasiirka Arrimaha Debedda ee Ingriiska. Markii madaxweynuhu arrimuhu u socdey soo dhammaystayna dalka ayuu dib ugu soo laabtay.

Suaal keli ah ayaa meesha taal: Ammaan darradii reer galbeedku sheegay iyo caddaymeheedii ku lifaaqanyihiin haddii Madaxweyne Md, Axmed Maxmuud farta laga saaray, Wixii nabadgelyo darrada loo nisbeeyey wax ma laga qabanyaa oo keli ah ayaa la is weydiinaya? Sawirku wuxu u egyahay qisadii Nebi Ibrahim Calayhi Salaam iyo xaaskii Nebi Ismaaciil dhexmartay. Nebi Ismaaciil oo gurigiisa ka maqan ayuu Nebi Ibrahim yimid; dabadeedna xaaskii Ismaaciil ayu wareystay. Gabadhii noloshii ayey aad uga deyrisay. Ka dib Nebi Ibrahim wuxu xaaskii Ismaaciil ku yidhi mark uu seygaagu yimaado waxad ku tidhaa gurig xatabadda ka bedel. Faafaahin intaa ka badan uma baahnay ayaan filayaa.

Qaylo daanta soo yeedhay waxay ahayd dhacdo aan laba iyo labaatankii sannadood ee tegey bulshada hore looga maqal. Ummadda Somaliland ku dhaqan dhawaqaasi anfariir iyo lama filaan ayey ku noqotay. Waxa kale oo ka horeeye baaq dowladda Ingrisska ka soo yeedhay oo nuxur kiisu ahaa magaalada London ayaa Bisha May, 2013 in lagu qabandoono shir beesha caalamku ka soo qeyb gelidoonto oo qaraamad dhaqaale loogu raadinayo Soomaaliyadii haligantay. Wararka shirka London waxa barbar socday hadalo maldahayn oo loo macnaysan karo in Somalilandna do wlad goboleed ahaan ugu soo qeybgasho( Waas sida ay xaqiijiyeen ila wareed uu dhuun daloola arrimaha shirka London). Waxa kale oo la bayaami yey in shirka ay Guddoomin doonaan Ra'iisul Wasaaraha dalka Ingriiska iyo Madaxweynaha koonfurta Soomaaliya.

Sidii caadada inoo ahayd waxaynu xukuumadeena Somaliland ka dhowrnaaba waa ku dhawaaqi sta in lagu martiqaaday meeqaam sare oo shirka sidaa lagaga qeyb galo. Iyaana waxa xussid mu dan hadal uu ka dhawaajiyey Sulddaan Muxamed Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cabdillahi ka dib markuu weftigii madaxweyne Md. Axmed Maxamed Maxamuud hoggaaminayey ka degey carriga Ingriiska oo uu madaxweynaha ku boorinayey in uu Federaalka aqbalo mar haddii lagu hungoob ay ictiraafkii!!

Maanta adduunku halka uu marayo wax qarsoomi karaa majiro. Xukuumaduna may qarsan in ay hadba halka Soomaali koonfureed lagu shirinayo iska xaadiriso. Inta shir ee Soomaali koonfureed loo qabtay marwalba dowladda Somaliland wey kambadhuudhay madasha wax manaafacaad ah oo laga soo hooyeyna ma aragno. Xidhiidhada xisbiga Kulmiye iyo reer koonfureedku wuxu bilaab may aadna u xoogeystey ka dib doorashadii madaxtooyada ee sannadkii 2003 oo waakii Maxam ed Jaamac Sifir Nairobi iyo dowladdii Cabdillahi Yussuf ka dhex mudhay, maantana wuxu ku maga caabanyahay safiirka dalka Kenya inoo fadhiya-Weli la isma weydiin goorta ninkan odayga ihi too bad keenay uu Soomaaliweyn ka hadhay!!

Daryanka iyo iyo doobta laga sanqadiyey mid dadweynuhu daneynayo ma aha. Waa masraxiyad biyo dhigeeda hore looga dheregsanaa. Geel ninkii lahaa daajinsanyo ayaa dabadhoon ka dhacsa nayaa ayaan ummadda lagu maaweeline, hawshan baaxadda weyn ee inala soo deristay wixii la gu dabiibayo badka ha la soo dhigo. Xisbul-xaakimkii iyo xuykuumaddiiba hirdamaya waa sheeka dii "Khuraafaatu Tulaymaak" xikmad kale u kitaab daya. Loolanka Xisbiga Kulme ka aloosani dadw eynaha ma khuseeye, safarkii madaxweynaha iyo wixii lala soo guryo noqday yaan laga warwar eegin, haddii kale ummaddu way aragtaa in xaalku yahay xaggan u diid xaggan u diid xagoor ha daaduunte, taasina wed iyo halaag iyo holac iyo dab naareed ayaa ka sogeeye taa ha la ogaado.

 

 

 

 

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
February 19, 2013