Xisbiyada UCID iyo WADDANI oo Isku Raacay in Somaliland Joojiso Wadahadalka Soomaaliya

 


 

Hargeysa (TNN):- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa caddeeyey inay xisbiga kalee WAD DANI ku raaceen, isku mawqifna ka yihiin in dawladda Somaliland gebi ahaanba joojiso wad ahadallada Soomaaliya, arrintaas oo ay tilmaameen in dhaawac ka soo gaadhay qarannim ada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Md. Jamaal Cali Xuseen oo shir-jaraa’id ku qabtay shalay xarunta xisbiga UCID ee magaala da Hargeysa, waxa uu sheegay in dawladdu ka baxdo wadahadalka Soomaaliya, la isuguna yimaad shir guud oo lagaga arrinsanayo dejinta siyaasad cusub oo arrimaha dibadda Som aliland yeelato.

“Waad arkayseen in xuduudaheennii la soo xidhay iyo siyaasaddeennii arrimaha dibadda oo jaha-wareersan. Waxa innagu soo oodmay dalkii. Waxaad arkaysa in la xidhay xudduudkii Jabuuti iyo Itoobiya, waddamadii waaweynaa ee caalamkana shaki ku yimi, dawladdeenuna weli ka hadlayso wadahadalladii Soomaaliya ee wixii ay la soo saxeexdeen ee Turkiga shan goor u tageen waxba ka shaqayn waayeen oo haddana ay weli ummadda daba wadaan.

Wadahadalladii Soomaaliya wax allaale iyo wax ay innagu soo kordhiyeen ma jiraan, qaddiy addii Somaliland-na waa ay dhaawaceen, dawladdana waxaad mooddaa inay si indha la’a an ah ku socoto, meesha ay ku socotana garan maynno. Waxaannu annagu taas ku raa scannahay baaqii ay soo jeediyeen xisbiga WADDANI ee ahaa wadahadallada Soomaaliya in gebi ahaaba la joojiyo, dalkuna isugu yimaad dejinta siyaasad cusub oo arrimaha dibadda ah,” ayuu yidhi murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID.

Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa hore u soo saaray baaq ku wajahan in dawladda Somaliland gebi ahaanba ka baxdo wadahadalka ay kula jirto Soomaaliya, isagoo sida Jam aal Cali Xuseen tilmaanay xisbiga UCID-na ku raacay baaqa ku saaban joojinta wadaha dalladaas.

Waxa kaloo uu ku eedeeyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay ku fashilantay in ay Qarammada Midoobay iyo dunida kale ka dhaadhiciso inay u madaxbannaanaato maamulka hawadeeda, isagoo xusay in hawada Somaliland lagu wareejiyey Soomaaliya.

Dhinaca kale, murrashaxa madaxweyne UCID, ayaa sidoo kale tibaaxay in qaab musuqmaas uq ah loo bixiyey shirkad la sheegay inay ku guulaystay maamulka diiwaangelinta maddan iga ah (Civic Registration), taas oo uu tilmaamay inay tahay shirkad madaxtooyadu wada to, kuna doonayso inay ku musuqmasuqdo diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka.

“Shirkad lagu magacaabo SAHAL ee la yidhi waxa la siiyey diiwaangelinta maddaniga ah. Runtii markii aannu baadhnay, una dhabogalnay, waxannu ogaanay in 35 shirkadood soo codsadeen qandaraaska diiwaangelinta, markii la kala reebay, waxa isku soo hadhay 5 shirkadood, waxana la weydiiyey in shirkad waliba keento waxyaabaha looga baahnaa shuruudihii lagu xidhay, iyadoo arrintaasi loo ballansan yahay oo shirkadihii aan la kala saarin ayuun baa shirkad gaar ah markiiba la iska qandaaraskii diwaangelinta maddaniga. Iyadoo ay halkaas marayso oo ay shirkadihii kalena diyaar-garoobeen, kharash badanna uu ka baxay.

Waxa noo muuqata in shirkaddaasi tahay mid ka socota madaxtooyada oo lug ku leh, dano ka leh oo dadka Madaxtooyada ka soo jeeda qaar kood ay yihiin. Waxa kaloo noo muuqata in aan loo marin qaabkii loo bixin jiray qandaraasyada ee u qornaa ee gaarka ahaa oo ay wasiirro dhex fadhiyeen. Waxa kaloo noo muuqata in la doonayo in diiwaangalintaa madda niga ah loo isticmaalo intii diiwaangalintii codbixiyeyaasha oo dhawaan bilaabmi doonta loo isticmaalo, markaa haddaannu xisbiga UCID nahay arrintaas, mana oggolin. Waxaannu u aragnaa arrin aan caddayn oo musuqmasuq badan ku jiro sifaha loo bixiyey.”

Waxa kaloo Md. Jamaal Cali Xuseen uu ku eedeeyey xukuumadda dhibaatooyinka soo waa jahay dhoofka xoolaha nool ee Somaliland, gaar ahaan geela oo ah laf-dhabarta dhaqaalah a dalka, isagoo carrabka ku adkeeyey in arrintaasi fool xumo ku tahay dawladda, masuuli yadeedana ay leedahay Wasaaradda Xannaannada Xoolaha.



Source: Jamuuriya