Xisbiyada Qaranka oo u Diyaargaroobaya Bilowga Ololaha Doorashada oo Maanta ku eg iyo Duruufaha Qallafsan ee ku Meersan

 

Waxay Maanta ku beegan tahay bilowga ololaha doorashada + shaacinta natiijada seefarka + Fulinta shuruudihii qaadhaan-bixiyayaashu ku xidheen soo daynta lacagta, Komishanka iyo xisbiyada oo arrimahaas maanta ka wada tashanaya!




Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Xisbiyada Qaranka, ayaa u xamaan  urur sanaya bilawga ololaha doorashadda madaxtooyada oo hore loogu  muddeey ey in maanta oo taariikhdu tahay 27 July 2009 si rasmi ah dalka uga  bilaaban to, iyadoo isla markaana ku eg muddadii hay’adda Interpeace ku ballanqaaday inay shaaciso natiijada diiwaangalinta codbixiyaayaasha doorashooyinka.


Qaar ka mid ah masuuliyiinta axsaabta oo Jamhuuriya xalay khadka telefoonka kula xidhiidhay, ayaa cadeeyey in dhinacooga diyaar u yihiin bilawga ololaha doorashada madaxtooyada, iyaga oo masuuliyiintaasi dhinaca kalena  caddeey een in Komishanku toddobaadkan u soo qoray waraaq uu xisbiyada ugu  shee gayo in aan waxba iska beddelin qorshihii ahaa in 27 July 2009 uu dalka ka bilaabmo ololaha doorashadu.


Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md. Aadan Mire  Waq af, ayaa sheegay in xisbi ahaan aannu jirin wax dhulka ka yaal, isla markaana isu diyaarinayaan bilowga ololaha doorashada, basle wuxuu xusay in  dhibaat ada jirtaa tahay iyadoo aan ilaa hadda la magacaabin Komishankii gobollada iyo degmooyinka dalka wakiilada ka noqon lahaa, taasi oo uu xusay inay tahay caqabad mudda sii sii dheeraynsa, isaga oo xusay in maalmaha ka hadhsan bishan aynu ku jirno laga yaabo in bilowga ololuhu jiitamo, waxaannu  tilmaam ay in saddexda xisbi iyo Komishanku maanta kulan yeelanayaan, iyaga oo isla soo qaadi doona arrimo khuseeya doorashada madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 27 September 2009.


Mr. Cali Guuleed (Cali Maarshaal) oo dhawaan xisbiga KULMIYE u magacaabay maamulaha ololaha ee gobollada galbeedka Somaliland oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay, ayaa xusay in xisbigoodu maalmaha soo socdo diyaar u yahay bilowga ololaha doorashada, waxaannu intaa ku daray in   Komi sh anka Doorashooyinku ay waraaq xisbiyada u soo qoreen, taas oo ay ku  wa rgeliyeen in aanu jirin wax habayaraatee iska beddelay qorshihii ahaa in  ololu hu bilaabmo 27 July oo maanta ku beegan.


Haseyeeshee, waxa uu ka dayriyey bilowga ololaha, isaga oo sheegay in  aan ay ilaa hada dhinaca Komishanka wax ka diyaar ahi jirin, iyada oo aan  deeqb ixiyayaashuna soo shubin lacagtii loogu talogalay hawlaha doorashada.


Waxa kale oo ay maanta ku beegan tahay muddadii lagu fulin lahaa shuruudihii wadamada Somaliland ka caawiya dhaqaalaha doorashadu ku xidheen soo  day n ta lacagta ay ugu talogaleen doorashada madaxtooyadda, shuruudahaasi oo aan ilaa hadda xukuumaddu fulin, sida qodobka ku saabsan in wax-ka-beddel lagu sameeyo hoggaanka sare ee Komishanka Doorashooyinka.


Arrimahaas oo dhan ayaa u muuqda inay yihiin caqabad hortaala bilawga  olol aha doorashooyinka iyo bixinta dhaqaalaha qaadhaan-bixiyayaashu ugu talo galeen, balse waxa la filayaa in kulanka maanta ay sida wada jirka ah u  yeelan ayaan xisbiyada iyo Komsihanku arrimahaas si wayn loogu falanqeeyo,isla  mar k aana Komishanka Doorashooyinku uu faahfaahin ka bixiyo diyaargarowga  do orashada iyo bilowga ololaha doorashadaba.






Source:Jamhuuriya Online